Araweelo News Network.

Nairobi(ANN)-Shacabka Kenya ayaa Arbacadii sugayay natiijada doorashada madaxtinimo ee dalka kaddib markii ay si nabad ah u dhacday, marka laga reebo meelaha qaar rabshado ka dhacay iyo weliba wax isadaba marin laga soo sheegay.

Tirooyinka ilaa hadda loo qaadan karo natiijada hordhaca ah ee laga baahiyay telefishinada ayaa tilmaamaysa in tartan adag loo galayo sidii kursiga u sareeya iyo kuraasta kale ee doorashooyinka loo kala riixan lahaa,  maadaama tirada dadka u soo baxay ay aad u yar tahay, marka loo eego intii hore isu diiwaangelisay iyo doorashooyinkii hore, taasoo muujinaysa in ay sii kordhayso niyad jabka ay ka qabaan dadweynuhu siyaasiyiinta iyo siyaasadda.

Laxidhiidha: Doorashooyinka Loolaanka Adag Ee Odinga Iyo Ruto

Maalmihii Ollolaha waxa lasoo bandhigay xamaasad kulul, balse codbixinta Salaasadii dadka u soo baxay doorashada ayaa aad uga hooseeya sannadihii hore, taasoo si cad ugu noqonay markhaati in qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ugu yaraan, dulqaadkii ay u hayeen siyaasadda uu gabaabsi yahay.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in 6,567,869 milyan oo qof oo Kenyan ah ay codkooda dhiibteen 12-kii habeenimo ee Salaadada, iyadoo ay hore isu diiwaangeliyeen in ka baddan 22 milyan ee codbixiyayaasha Kenya ee diiwaangashan.

Guddida Doorashooyinka ayaa sheegay in ay is diiwaangeliyeen 22, 123, 418, kuwaas oo ah cod bixiyayaasha doonayay in ay codkooda dhiibtaan doorashooyinka, sidoo kale, goobaha cod-bixinta ayaa ah 46,000, halka ay degmooyinka doorashooyinku yihiin 47 degmo, iyadoo doorashada Madaxweynaha ay ku jiraan mudanayaasha iyo guddoomiyayasha.

Codbixinta qurba-joogta ayaa ka socota 12 waddan oo ay ku jiraan Burundi, Tanzania, Rwanda, Uganda, South Africa, United Kingdom, Canada, USA, Qatar, UAE iyo Germany. Codbixintu waxa ay dhacaysaa 6 subaxnimo ilaa 5 galabnimo wakhtiga deegaankooda.

Hase yeeshee Kenyaanka qaarkood, ayaa safaf dhaadheer u galay ka hor waaberiga Salaasadii si ay codkooda u dhiibtaan, iyagoo codkooda ka dhiibtay lix doorasho maalintaa, si ay u doortaan madaxweyne cusub iyo sidoo kale Senatarro, guddoomiyayaal, xildhibaanno, wakiilo haween iyo ilaa 1,500 oo mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka.

Qaar ka mid ah goobjoogayaasha ayaa qiyaasay in dhaqaaluhu uu xitaa dhaafi karo isbahaysiga qabaa’ilka, taasoo ah dhiirigelinta muhiimka ah ee codbixiyayaasha.

William Ruto, oo ah Madaxweyne ku xigeenka u tartamaya kursiga Madaxweyneha Magaalada xudunta u ah ee Rift Valley ee Eldoret, Anthony Kemboi, oo 24 jir ah oo ka qalin jabiyay jaamacadda, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in sababta ay dadkii ugu soo bixiwaayeen doorashada ay tahay niyad jabka codbixiyayaasha kasoo gaadhay doorashooyinkii hore.

“Dadku ma  soo bixin… marka loo eego kuwii hore sababtoo ah waxaa jiray ballanqaadyo been abuur ah” sannadihii la soo dhaafay, ayuu yidhi.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Guddida doorashooyinka IEBC ayaa lagu sheegay in dadka u soo baxay doorashada ay ka badnaayeen 65 boqolkiiba, iyadoo wali cod bixinta ay ka socotay ismaamulka Wajeer, halkaasoo markii ay ka dhaceen rabsahdo israsaasayn ay ku qasabtay Guddidu saraakiisha inay dib u dhigaan doorashada ilaa Arbacada.

Dib u dhac dhanka saadka ah iyo fashilka ku yimid qalabka aqoonsiga ee gobolada dalka qaarkood ayaa hadheeyay maalinta doorashada Kenya oo si nabad ah u dhacday inta baddan.

Taasi waxay barbar dhigaysaa codbixintii ugu dambaysay ee boqolkiiba 78 ee doorashadii lagu murmay ee August 2017.

Magaalada harada ku taal ee Kisumu, waa saldhiga Odinga, shaqaale dawladeed oo hawlgab ah Koga Edward oo 65 jir ah, ayaa sheegay in da’yarta Kenya ay si fudud ugu guul daraysteen inay yimaadaan si ay codkooda u dhiibtaan.

“Inta badan dhallinyaradeenna, waxay ku fiican yihiin oo keliya ka qayb-galka isu-soo-baxyada siyaasadda, laakiin kama qayb-galaan habka cod-bixinta dhabta ah,” ayuu u sheegay AFP.

“ Shaqsi ahaan, xitaa ma codayn sababtoo ah annigu dan kama lihi,” ayay tiri Caroline Mwangi, oo ah 31-jir kabalyeeri ah oo ku sugan caasimadda Kenya ee Nairobi.

Dadka Kenyaanka ah, ayaa ku dooodaya in Siyaasiyiintu u sheegaan sheeko hore oo isku mid ah, isla markaana aannay jirin wax loo qabtaa.

“Doorashada waxaa la qabtay shalay, ma xiisaynayo inaan waqti baddan ku lumiyo,” sidaa waxa u sheegtay AFP, Celestine Muoki, oo ah 28 jir ku takhasusay IT-ga.

 Loolanka ugu addag ayaa u dhexeeya Raila Odinga oo ah 77-sano jir, siyaasiga rug cadaaga ah oo markii saddexaad u tartamaya doorashada madaxtinimo, isla markaana kasoo jeeda qoyska labaad ee siyaasada Kenya tan iyo markii ay qaadatay gibonimada.

Odinga waxa si adag tartanku ugu dhexeeyaa William Ruto, oo ah Madaxweyne ku xigeenka, isla markaana ah dhaxal sugaha, Ruto, oo 55 jir ah, ayaa is arkay in dibadda loo saaray kaddib markii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta  oo aan mar kale isa soo sharixi karin uu la saftay ninka ay siyaasada sida weyn ugu coloobeen ee cadowgiisii hore ee Odinga, oo 77 jir ah, tallaabadaas oo dalka ka yaabisay.

Ruto, wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiin lagu calaamadiyay doorashooyinka raadka xun ku reebay Kenya, wuxuuna tan iyo markii uu isu dhigay in uu yahay hoggaamiyihii “hustlers” isku deyayaa in uu ku noolaado waddan ay ka taliyaan “dynasties”, kuwaas oo ah qoysaska Kenyatta iyo Odinga oo siyaasadda Kenya gacanta ku hayay tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Britain 1963-kii.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay aad isugu dhow yihiin labada Nin ee tartanka adag ka dhexeeyo, iyadoo Odinga codadka la tiriyay ilaa hadda haysto 4, 457, 351, taas oo u dhiganta 48, 77 %, halka Ruto uu haysto 4, 569, 407, oo u dhiganta 49. 89 %, tiradaas oo ah codadka la tiriyay, iyadoo ay jiraan laba murrashax oo kale ayaa sidoo kale ku jira tartanka, kuwaas oo helay ilaa hadda codad aan badnayn.

Inkasta oo tirada guud ee dadka codkooda dhiibtay ay muujinay in tirinta codadka ay ka hadheen wax aan badnayn, isla markaana labada nine e loolanku ka dhexeeyo ayaa aad isugu dhow, taas oo cabsideeda leh.

Hase yeeshee iyadoo laga fogaanayo waxyaabaha taariikhda doorashooyinka Kenya ku suntan ee qalalaasaha iyo rabshadaha xasuuqa sababay ee ka dhashay natiijooyin hore, ayaa la filayaa in la maro habka adag ee hubinta iyo tirinta codadka, kaas oo la filayo in uu qaato maalmo, waxaana guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu ku booriyay dadka Kenyaanka ah in ay dulqaad muujiyaan, si ay uga fogaadaan eeddaymaha loo soo jeediyay ee hadheeyay doorashooyinkii hore.

Wadanku waxa uu rajaynaya in si habsami leh xukunka loogu kala wareejiyo ku dhawaad toban sano kaddib markii uu talada hayay labada jeer ee Uhuru Kenyatta, laakiin walaaca laga qabo ku shubashada codadka ayaa sii jiitamaya kaddib khilaafaayo doorasho oo la soo dhaafay, kuwaas oo dhaliyay rabshado dhimasho baddan sababay.

Ammaanka guud ahaan dalka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la doonayo in laga hortago rabshadihii Kenya ka dhacay ee ka dhashay doorashooyinkii 2007 iyo 2017, waxaana iskuullada lagu amray inay xidhnaadaan illaa Isniinta.

Dad baddan oo Kenyan ah, ayaa nasiib daro sii kordhaya shakiga laga qaba, iyagoo ka walaacsan dabaqadda siyaasadda, halka dad yar oo Kenyan ah ay filayaan in Ruto ama Odinga midkood uu aqbalo natiijada iyadoo aannu dhicin loolan addag, tan iyo natiijadii doorashada madaxtinimo ee 2002.

Waxa la saadaalinayaa in haddii ay labada murrashax ee Odinga iyo Ruto aad isugu dhowadaadan oo aannu  midkoodna  ku guuleysan wax ka badan 50 boqolkiiba codadka in ay khasab tahay in la qabanyo wareeg labaad.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com