“Muddaharaadka Waxaynu Ku Afuufaynaa Dulmiga Iyo Digtayrarnimada,” Muurashax Cabdiraxmaan Cirro.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi ee Mucaaradka ayaa shaaciyay goobaha ay taageerayaashoodu isugu soo baxayaan maalinta beri ee Khamiista, kaddib markii ay xukuumaddu aqbashay muddaharaadyo ay muddooyinkii u danbeeyay dalbanayeen oo ay xukuumaaddu dhankeeda diidanayd, balse wadahadalo dhexmaray kaddib loo ogolaaday.

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta caawa caweyskii kula jadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wadahadal dhedxmaray kaddib markii ay xukuumaddu aqbashay muddaharaadyada ay ku wargelinayaan taagerayaashooda in ay isugu soo baxaan goobaha loo asteeyay ee xarumaha labada Xisbi.

Labada masuul ayaa ugu baaqay taageerayaasha in ay ilaaliyaan amniga oo ay kala shaqeeyaan ciidamada muddada uu socdo muddada uu socdo muddaharaadku, isla markaana ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in nabadgelyada ay ilaaliyaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulllaahi, (Cirro) murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in muddaharaadku yahay mid la doonayo in dalka lagu badbaadiyo, isagoo ku tilmaamay xaaladda dalka mid aan wanaagsanayn, sidaa awgeed loo baahanyahay in shacbigu muujiyaan dareenkooda.

“Muddaharaadku waa xaq dastuuri ah, waxaa damaanad qaaday dastuurka, waxaa dalka lagaga badbaadinayaa inuu keli talis isu beddelo, waxaad ogtihiin dadka cadaaladarada lagu xidhay waad ogtihiin, waxaad ogtihiin duruufaha sicir-bararka iyo cadaaladdu halka ay maray, waxaad ogtihiin in dalka loo diiday doorasho, dhammaan arrimahaa waxa lagula dagaalamayaa muddaharaadka oo siidhiga ayaa lagu afuufuyaa.” ayuu yidhi, Candiraxmaan Cirro.

“Madaxweynuhu wuxuu soo xidhay Albaabadii doorashooyinka, Muuse wuxuu soo xidhay albaabada dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, wuxuu tolayaa shaad isaga leeg, wuxuuna doonayaa inuu sida uu jecelyahay kursiga kusii haysto.” ayuu yidhi, sidaa awgeed wuxuu sheegay in taageerayaasha axsaabtu isu soo baxaan.

Dhinaca kale, wuxuu xusay in saraakiil ka tirsan xisbiga la xidhay, kuwaas oo laga fogeeyay qoysaskoodii, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn, isagoo sidoo kale tusaale usoo qaatay xadgudubyadii dhacay 9 Jun ee muddaharaadka oo sida uu sheegay ay jireen rag muwaadiniin ah xiniyaha laga saaray iyo dumar shaashadaha laga daawanayay iyadoo sarkaal si xun ula dhacayo laad, dhammaan arrimahaa ayuu sheegay in ay yihiin kuwo muujinaya tacadiyada lagu hayo muwaadiniinta, sida darteed wuxuu ugu baaqay taageerayaasha in ay duubaan dhacbda kasta oo ay la kulmaan si ay markhaati ugu noqoto.

Murrashaxa WADDANI, wuxuu sheegay in ay hayaan xoggo sheegaya in xukuumaddu doonayso in ay muddahaaradka ku dhexdarsato qas-wadayaal doonaya in ay dhibaato u geystaan ciidanka, amma shacabka, balse wuxuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaa.

Dhinaca kale, murrashaxa WADDANI, wuxuu farriin u diray ciidanka, isagoo usoo jeediyay in aannay ku milmin siyaasada oo ay xaq dhawraan sharciga, isla markaana aannay isla lumin kalsoonida ay shacabku u hayaan, wuxuna gebagebadii ku adkeeyay taageerayaasha labada xisbi in ay si weyn ugu soo baxaan muddahaaradka, isla markaana ilaaliyaan amniga.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay taageerayaasha labada xisbi in ay isugu soo baxaan maalinta Khamiista ee beri muddahraadyada, isla markaana wuxuu dhankiisa ku adkeeyay in ay ilaaliyaan amniga.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com