Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaa oo maanta ka qabsoomay qasriga madaxtooyada.

Kulanka Madaxweyne Biixi la yeeshay xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo ahaa mid aananay saxaafadu goob joog ka ahayn, waxa  diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, sida lagu sheegay qoraal saxaaafadeed kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland markii kulanku dhammaaday.

Liiska Murrashaxiinta Gollayaasha Deegaanka Dalka Iyo Degmooyin Aan Ka Muuqan Doorashooyinka Somaliland Ee 2021

Madaxweynaha ayaa Guddida doorashooyinka qaranka dhegeystay warbixin la xidhiidha qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. sida lagu sheegay qoraalka  sidoo kale waxa qoraalka lagu xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay ee loo qorsheeyay insha Allah.

 

Dhinaca kale, waxa kulankaa lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya, wallaw aan qoraalka lagu xusin inta uu yahay kharashkaasi.

 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadinyey guddida doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey. Isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga qaranku dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo  dheeraada inay iska saaraan hawlahaa miisaankooda iyo culayskoodaba leh ee ay gacanta ku hayaan.

 

Gebagebadii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddida doorashooyinka qaranka ugu duceeyey in Allah ku asturo hawlahaa culus ee ay qaranka u hayaan. sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com