Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Gaashaanle Sare Saleebaan Cabdillaahi Warsame oo ka mid ah saraakiisha sare ee Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xog-warran ka bixiyey qaabkii Warshadda Kabka Hubka ee caasimadda Hargeysa looga badbaadiyey in la billiliqaysto waqtigii ay dagaalyahannadii SNM dalka ka xoreeyeen taliskii Siyaad Barre.
Sarkaalkan oo sidoo kale ka mid ahaa halgamaayashii kaalinta ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta iyo dhismaha qaranka Somaliland, waxa uu tilmaamay in dhulka Warshadda Kabista Hubka ee ciidanka ay gacanta ku dhigeen guuto la odhan jiray 12aad oo uu isagu taliye u ahaa, kana mid ahayd mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyey sannadkii 1991-kii, taasoo xusay inay iyadoo dhammaystiran gacanta ku hayeen ilaa 1996-kii.
Gaashaanle Sare Saleebaan Cabdillaahi Warsame oo ka mid noqday shaqsiyaad loo xushay inay ka mid yihiin hal-doorka saamaynta ku dhex leh bulshada Somaliland, ayaa xog-warran dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey barnaamijka ku dayo muwaaddinka danta guud wax weyn ka qabtay rubuc qarnigii tegay, waxa uu kaga hadlay sooyaalkiisa nololeed, qaabka uu ugu biiray ciidanka iyo noloshiisii carruurnimo.
“Waxaan ku dhashay degaanka la yidhaa Badar-wanaag oo u dhaw Hargeysa sannadkii 1948. Anigoo yar ayuu aabbahay dhintay Ilaahay (SWT) ha u naxariistee, kadibna waxa la ii geeyey nin aannu walaalo nahay oo joogay Berbera. Walaalkay wuxuu igu daray malcaamad iyo iskuul hoose, markay saddex sanno marayso ayuu walaalkay u wareegay Jabuuti, wixii intaas ka dambeeyay anniga ayaa wax is baray,’’ ayuu yidhi Gaashaanle Sare Saleebaan oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waqtigii uu dhashay iyo waxbarashadiisii hoose.
“Waxaan ku biiray ciidankii la odhan jiray xoogga dalka ee Soomaaliya sannadkii 1967-dii, waxaanan ka mid noqday ciidan la yidhaa kamaandows oo si gaar ah loo tababaro, waxana jiray laba urur oo kamaan-daws ah, Afsoomaaligana Danab lagu odhan jiray. Mid wuxuu ahaa kaayaga oo waxa lagu aasaasay degmada Sheekh, ururka kalena wuxuu joogi jiray meel la yidhaa Mahadaay oo Soomaaliya ah. Muddadaas dheer ee aan ciidanka ku jiray 12 jeer ayaan ka dallacay. Waxa kale oo aan galay laba kulliyadood oo mid la odhan jiray Jaalle Siyaad, ta kalena Gahayr.
Markii dambe sannadkii 1988-kii ayaa anigoo gaashaanle dhexe ah waxaan ku biiray jabhaddii xoraynta waddanka ee SNM, dabadeed waxaan markiiba noqday taliyaha guuto la odhan jiray 12aad, iyadoo aan guutadaas taliye u ahaa ilaa markii dalka la soo galay sannadkii 1991-kii, sida shahaadadani caddaynayso oo uu bixiyey Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxaan ahaa raggii faro ku tiriska ahaa ee jid goynta ka galay meesha la yidhaa Geedka Dheenta oo u dhexaysa Hargaysa iyo Berbera, isla markaana kala jartay inuu cadawgu isu gurmado.’’
Mujaahid Saleebaan Cabdillaahi waxyaabaha loogu soo xushay barnaamijkan waxa kaalinta kowaad ka ahayd in ciidankii uu hoggaaminayay ay nasiib u yeesheen inay gacanta ku dhigaan Warshaddii Kabista ee Hargaysa.
Waxa kaloo uu sheegay in dawladda Ruushku ay saddex warshadood oo noocan ah ka dhistay qaaradda Afrika, kuwaasoo ku kala yaal Muqdisho, Hargeysa iyo Masar, waxaannu yidhi; “Markii dalka la soo galayey waxaan go’aansaday in meesha aan qaban doono ee ilaalin doono noqoto Warshadda Kabka, waxana taas igu kellifay waxaan aqoon u lahaa qiimaha qalabka yaal wershaddaas, guutadii aan hoggaaminayey ee 12aad markii ay dalka soo gashay ee ay qabatay Warshadda Kabka, maalintii labaadba ciidankii aan watay ayaan fayliyey, waxaan u sheegay qiimaha warshaddan, qalabka yaal inuu noqonayo dhaxalka ugu ballaadhan ee aynu ka qabsannay ciidankii Siyaad Barre. Marka laga tago Wershaddii Sibidhka oo la fadhataystay, waxaan waydiiyey ciidankii si ra’yigooda u helo miyaynu qaybsanaa Warshadda waynagaa xoraynaye, mise waan ilaalinaa, ciidankii wuxuu ila qaatay inaynu ilaalino si uu qaranku u intifaacsado.”
Gaashaanle Sare Saleebaan Maxamuud Cabdillaahi Warsame waxa uu sii dhexgalay caqabadihii ilaalinta Wershadda Kabka kala soo dersay iyo sidii uu ku maareeyay, “Muddo lix bilood kadib waxay ciidankii ogaadeen in guuto kastaa meeshii ay qabsatay ku muraadsatay oo ciidammadii kala qaateen, waxayna beddeleen ra’yigoodii ahaa ilaalinta Warshaddan, waxay yidhaahdeen meel wax yaallaan dalkii ma jiro oo waa lagu kala tegay, sidaa darteed, annaguna waxaannu qaadanaynaa Warshaddan wixii yaal, waan u caqli celiyey, markii dambe dadkii wuu kala qaybsamay, qaar anniga ayey i raaceen, kuwa kalena way iga soo horjeesteen. Muddo ku siman shan sannadood oo aanay jirin ciidan qaran iyo dawlad xukunka dalka gacanta ku wada haysa ayaannu ku jirnay dagaal laba kooxood ah midina doonaysay inay waxan qaataan, halka qaybta kalena ay difaacayeen, muddadaasna wixii kharash ah ee ku baxay iyo wixii ciidanku cunayey aniga ayaa bixin jiray xitaa xoolo aan miyiga ku lahaa iyo guri magaalada iiga dhisnaa waan wada xaraashay si ay masaariif ugu noqoto ciidanka, waxaase jiray rag ganacsato ah oo imminka waabay dhinteen oo carruurtoodii ayaa noole aan amaah kaga qaadi jiray wixii aan u baahdo ee raashinka ciidanka ah iyo kuwo igu odhan jiray mar haddii aad halgankaas ku jirto waannu kugu taakulaynay.’’
Waxa kaloo uu ka hadlay waqtigii ay warshadda ku wareejiyeen gacanta dawladda Somaliland, waxaannu yidhi; “Markii la dishay ciidanka ee dawladdu shaqadeedii qabatay waxaan dadka u sheegnay inay jirto goob dawladeed oo wixii yaalay ee loogu yimid uu nabad galay si ay noola soo arkaan. Waxaan xasuustaa in Madaxweyne-ku-xigeenka oo aan xiligaas u tegay uu yidhi; ‘ma meel wax yaallaan oo qaranku leeyahay ayaa jirta? Sidaas oo ay tahay markii ciidanku dhismay ilaa sannadkii 1995-kii, muddo dheer ayaanan dadka ku qancinayey arrintaas, markii dambe 1996-kii loo soo diray guddi injineerro ah si ay noola eegaan waxa aan sheegayno.
Guddidaas waxa madax u ahaa nin la yidhaa Axmed Tansaani oo imminka janan ah iyo lix nin oo saraakiil ah, anniguna aan ku jiray, waajibka nala siiyay wuxuu ahaa in la soo qiimeeyo waxa yaal meesha (Warshadda Kabka) inuu yahay wax dalka anfacaya oo shaqaynaya iyo in kale. Muddo 15 maalmood ah ayaan daraasad ku samaynay, adigu buug 250 bog ah ayey ka qoreen, waxayna natiijadii ku soo gebagebeeyeen meeshaas 95% qalabkeedii wuu yaal, wayna shaqayn kartaa haddii 5% kale ee ka hadhay lagu daro.”
Mujaahid Saleebaan Cabdillaahi Warsame, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabihii ay warshaddu qaban jirtay, “Warshaddu waxay lahayd qayb birta dhalaalisa, dabadeed waxaa la gayn jiray toornada, taas oo laga heli jiray waxyaabo badan oo gaadiidka ciidanka lagu dayactiri jiray, sida haddii taangi silsiladu ka go’do, iwm…Sida aan warka ku hayo warshaddii kabka ee ku taalay Muqdisho waa la bililiqaystay wixii qalab hoos yaalay oo dhan markii dagaaladu dhaceen, waxaanna hadda ku nool qolooyin baro-ka-cayaal ah, wax bir ahna ma taal.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in dhul ballaadhan oo ciidanku lahaa ay hareeraha ka xigeen warshada, halkaasoo ay ku yaalaan saldhigyo iyo xeryo millatari, balse markii dambe la isla gartay in qayb ka mid ah loo sunto dhulka Warshadda Kabka, inta kalena laga dhigo goob degaan oo dadka loo oggolyahay inay guryo ka dhistaan.
“Marka aad wax qabanayso dadka ayaad la mid tahay marka hore, balse, hannuunin Ilaahay ayaa jirta, waxa aan dadka dheeraana ma jirin ee Ilaahay ayaa igu ilhaamiyey markii la soo gelayey dalka in aan badbaadiyo Warshadda Kabka, haddana waxa jirta in qofku leeyahay ku talogal oo markii aan warshadda qabanayey waxa aan u arkayey inay tahay arrin dan-guud ah, ilaalinta danta guudna waxa ay leedahay dagaal lagugu qaado iyo in aad dhibaatooyin kala kulanto dad doonaya inay si dan gaar ah uga faa’iidaystaan,” ayuu yidhi Gaashaanlaha Sare.
Mujaahid Saleebaan Cabdillaahi Warsame, ayaa la weydiiyey sababta looga shaqaysiin waayey Warshadda Kabka oo ay yaalaan ilaa laba boqol oo makiinnadood si looga faa’iideeyo ciidanka Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Dhawr xaaladood ayaa sababay in aan warshadaas ilaa hadda laga shaqaysiin, marka u horaysa waxa aynu soo galnay dal burburay oo wixii hanti qaran ahaana la boobay, waxayna noqotay marka la yidhaah warshad waxa qofka maskaxdiisa ku soo dhacaysa inay tahay meel u baahan kharash badan, waxayna xukuumaddihii dalka soo maray ka baqeen in aynaan awood dhaqaale u lahayn kicinta warshadaas, ilaa aynu u helo Hay’addo amma dawladdo shisheeye oo innaga caawiya, sidii uu horeba ugu dhisay Ruushku. Sida oo kale way innagu yaraareen dad aqoon u leh dhinaca dhismaha warshadaha.”
Hasa yeeshee, waxa uu caddeeyey in waqtigan ay ciidanka millatarigu dhismeen aad loogu baahan yahay in laga shaqaysiiyo warshadaas, isagoo xusay in Madaxweynuhu warqad u qoray Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland oo uu ku wargeliyey in dhaqaale iyo kaalmo loo raadiyo dhismaha warshada, waxaannu xusay in Wasiirka Warshaduhu uu hadda jiingan saaray warshadaas, laguna hawlan yahay sidii looga shaqaysiin lahaa.
Gaashaanle Sare Saleebaan Cabdillaahi Warsame oo ka hadlay waxyaabaha mucjisooyinka ah ee uu kala kulmay ilaalinta warshadda, waxa uu yidhi; “Waxyaabaha mucjisooyinka ee aan xasuusan karo waxa ka mid ah in aan cudur ka qaaday dhibaatooyinka aan kala kulmay ilaalinta warshadda, kaasoo ahaa dhiig-kar aanan markaas aqoon, kadibna marka kooxda nala dagaalamaysay ee doonayey inay billiliqaystaan warshadda ay rasaas nagu soo ridaan amma na soo weeraraan waan dhici jiray oo dhiigga ayaa igu kici jiray, kadibna marka aan dhaco waa la i qaadi jiray oo guriga ayaa la i gayn jiray, waanan soo miyirsan jiray, waxaanan naftayda isku odhan jiray horta yaa kuu dirsaday meeshan aad ilaalinayso maad faraha ka qaadidi, balse waxa aan isku qancin jiray adoon Ilaahay ayaad tahay oo Alle ayaa ku yidhi meeshan ilaalin, isagoo kaa fasaxa mooyaanee, fasaxmi maysid.”
Waxaannu intaas ku daray; “Markii dambe xannuunkii ayaa igu sii waynaaday, kadibna maalin ayey rasaas nagu rideen, waanan dhacay inta uu dhiig-karkii igu dhuftay oo waxa la i dhigay cusbitaalka, waxaanan miyir la’aa muddo 17 maalmood ah oo mar ayaa la mooday in aan geeriyooday oo xabaal ayaa la ii qoday, haddana markii dambe ayaa la yidhi wuu nool yahay, 17-kaas maalmood kadib markii miyirku ii soo noqday qofka igu soo socda wuxuu lahaa saddex madax oo kala duwan, markii aan is idhi kacna waan awoodi waayey oo muddo bil ah ayaan ahaa curyaan aan lugaha ku socon karin, gacmahana wax ku cuni karin oo raashinka afka la ii gelin jiray.
Mucjisooyinka kale ee i soo maray waxa ka mid ahaa ciidanka aan masuulka ka ahaa ee ilaalinayey Warshadda Kabta oo anniga iga sugayey cunto iyo waxa ay ku noolaadaan, kolka aan suuqa galo ee wax u soo waayo waxay samayn jireen inta ay baaldiyo qaataan ayey soo guran jireen tiinka midhihiisa oo ay raashin ka dhigan jireen, tiinkaas ayeyna ku qadayn jireen.”