Araweelo News Network.

Ottawa (ANN)-Wefdiga Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa gaadhay dalka Kanada oo ay ku tageen safar shaqo.

Dr. Ciise Kayd iyo weftiga la socday, ayaa ka boqoolay Magaalada London cariga Britain, halkaas oo ay  toddobaadkii u dambeeyay ku sugnaayeen.

Wfdiga, waxa garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Ottawa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Kanada.

Wasiir Kayd iyo Weftigiisa oo bishii u dambaysay safarro diblumaasiyadeed ku marayay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa sheegay In ujeeddada safarkooda Kanada ay qayb ka tahay dedaallado uu doonayo in taageero loogu helo qdiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, waxaa soo dhaweyntiisa Ottawa kadib, isagoo la hadlay Saxaafadda yidhi “3-dii toddobaad ee u dambeeyay waxaanu ku jirnay shaqo aan fasax lahayn, taasi oo aanu ugu jirnay danaha Qaranka Somaliland.”

Dr. Kayd waxa kale oo uu ka warramay ujeeddada safarkooda Kanada, isagoo yidhi, “Waxaanu rajeynaynaa in aanu halkan (Canada) shaqadii aanu ka qabanay Maraykanka iyo Ingiriiska mid la mid ah..”

Wasiir Ciise Kayd, ayaa intaa ku daray inuu u mahadnaqayo dadka Reer Somaliland ee ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Ottawa.

 “Aad bay u mahadsan yihiin bulshada reer Somaliland iyo dadka kale ee ka soo jeeda Koonfurta Suudaan iyo dalalka kale ee Afrika  ee nagu soo dhaweeyay Ottawa…”.Ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inay dalka Kanada kula kulmaan masuuliyiin ka mid ah Dawladda Kanada ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Justin Trudeau iyo weliba Jaaliyadda Somaliland ee dalkaa ku nool.

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayay waajibaadka shaqadeedu  tahay ka shaqaynta xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland doonay in ay la yeelato dunida iyo xoojinta dalalka ay xidhiidhka hore ula lahayd.

Wasiir Kayd oo dhowaan xilkaa loo magcaabay, wuxuu safarkiisu noqonayaa kii ugu horeeyay ee bilawga u noqda hawlaha waaweyn ee laga sugayo.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa ka mid ah wefdiga wasiirka.

Wasiir Kayd iyo Marwo Adna, ayaa  hore Magaalada Washington kulamo ugula yeeshay diblumaasiyiin Maraykan ah oo u ololeeya qadiyadda madax-banaanida Somaliland, sidoo kale-na waxay Magaalada New York kulan kulan yeesheen xubno ka mid ah Gollaha ammaanka Qaramada Midoobay, ka dib markii ay marti-qaad ka heleen, balse natiijada kulamadaa ayaan la shaacin.

Weftiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, ayaa la filayaa inay 9-ka bishan magaalada Washington kaga qayb-galaan shir uu Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden soo qaban-qaabiyay.

Shirkaa, ayaa lagaga hadlayaa horumarinta Dimuqraadiyadda isla-markaana, waxaa lagu casuumay Madaxda illaa 100 Dawladood oo ka mid ah dalalka Nidaamka Dimuqraadiyada ku dhaqma oo  Somaliland ka mid tahay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com