Soljakulan
Hargeysa (ANN)Ururka Suxufiiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha u qabsoomay sannadkan dhammaanaya ee 2015, iyadoo sidoo kale uu ururku baaqyo iyo tallooyin kala duwan u jeediyey xukuumadda, bahda saxaafadda iyo hay’addaha ay la leeyihiin xidhiidhka wada-shaqayneed.

Warbixin la soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxa ay u qornayd sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ku tallaabsaday sannadka 2015-ka horumar ballaadhan oo dhinac walba ah, kuwaasoo uu dedaal dheeraad ah ururku ku bixiyey sidii uu uga midho-dhalin lahaa ujeeddooyinka loo abuuray oo kala ah:-
· In uu horumariyo, ilaaliyo, kobciyo, daryeelo mihnadda saxaafadda, isagoo tixgalinaya ku dhaqanka Anshaxa Saxaafadda
· Inuu talo ka bixiyo wax allaale iyo wixii raad xun ku reebaya anshaxa xirfadda saxaafadda, kana qaato go’aan.
· In uu ilaaliyo xuquuqda Suxufiyiinta, kana ilaaliyo cid kasta oo waxyeelaynaysa ama dhibaato u gaysan karta.
Ururka SOLJA isagoo ka duulaya ujeeddooyinkiisa kor ku xusan, waxa uu sannadkan wax ka qabtay tacadiyadii loo gaysan jiray saxaafadda ama ay gaysan jirtay ba, waxaanna sannadka 2015-ka Ururku wax ka qabtay 21 kiis oo xadhig ah, kuwaasoo oo xorriyadoodii wakhti kooban ku helay, iyadoo sannadkani ka yar yahay 60% xadhigii lagula kacay suxufiyiinta Somaliland 2014-tii.
 Ururka SOLJA waxa uu tababarro ka fuliyey dhammaan Goboladda Somaliland, isagoo siiyey tababaro kala duwan 515 suxufi, waxaannu sannadkani ahaa kii ugu badnaa ee ururku tababarro suxufiyiinta Somaliland.
Ururka SOLJA isagoo ka duulaya ujeeddooyinka uu u abuuran yahay ee ah inuu heshiisyo iyo iskaashi la sameeyo Ururrada Caalamka iyo gudahaba, waxa uu ka helay dhaqaalaha ku baxay tababaradaas Hay’adaha kala ah:- NED, APD, Vikes, UNESCO, United States Ambassy, SIDA/SONSAF, Freepress iyo Telesom.
SOLJA waxa uu sannadka 2015 xog-ururin ballaadhan oo uu ka sameeyey gobollada Awdal, Togdheer iyo Saaxil ku soo ogaaday duruufo iyo baahiyo faro badan oo ku gedaaman hawl-maalmeedka shaqo ee suxufiyiinta iyo hay’adaha ay ka hawl-galaan, kuwaasoo u baahan qorshe guud oo wax lagaga qaban karo.
Ururka SOLJA isagoo ku shaqaynaya talooyinka iyo waayo-aragnimada suxufiyiinta kala duwan ee gudaha iyo dibedda, isla markaana tixgalinaya soo-jeedimo ugu yimi hay’adihii ay la kulmeen hoggaanka sare ee SOLJA waxay lagama maarmaan u arkeen muhiimadda ay wada-shaqayntu u leedahay mihnadda saxaafadda, taasoo markii la tijaabiyey meesha ka saartay khilaafaadkii faraha badnaa ee u dhaxeeyey saxaafadda, bulshada iyo xukuumaddaba.
Qiimayn ka soo baxday sannadkan 2015-ka oo ururku 13 jirsaday waxa lagu ogaaday in 80% dakhligii ururka soo galay 12-kii sanno ee hore uu ka badan yahay ka sannadkan soo galay, taasina ay keentay guulaha SOLJA ka soo hooyey in uu ka dhabeeyo ujeeddooyinkii loo sameeyey.
Ururka SOLJA waxa uu sannadkan sameeyey qorshe saddex sannadoodle ahoo uu wax kaga qabanayo baahiyaha saxaafadda, waxaannu qorshe cad iyo sharci u sameeyey sanduuq horumarineed oo lagu kaydin doono dhaqaalaha ku bixi doona baahiyaha aasaasiga ah ee saxaafadda, isla markaana waxa uu hirgalin doonaa xarun lagu tababaro suxufiyiinta, kaasoo sannadka 2016-ka qorshaha ugu jira, isla markaana dhaqaalaha ku baxaya ka qaybqaadan doonaan xukuumadda Somaliland, ganacsato iyo hay’adaha wada-shaqayntu ka dhexayso.
Ururka SOLJA waxa uu bahda garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah ee ay khuseeyaan arrimaha saxaafaddu la yeeshay wadahadal, iyadoo heshiisyo midho dhalay laga gaadhay xadhiggii suxufiyiinta oo la yareeyey, iyadoo sharciga saxaafadda la dhawrayo la joojiyey inaan lagula kicin xadhig ka hor intaanay maxkamad awood u leh amrin xadhiggooda.
Sidoo kale, ururka waxa uu garsoorka iyo xeer-ilaalinta kala xaajooday in dacwadaha suxufiyiinta loo maro Nidaamka Habka Madaniga ah, maadaama Xeerka Saxaafadda Somaliland qodobkiisa 10aad dhigayo in anshax-marinta saxaafadda loo maro xeerarka madaniga ee mihnaddooda khuseeya, inkasta oo aanay sannadkan jirin dacwad si rasmi ah uga bilaabantay maxkamadaha.
Ururka SOLJA waxa sannadka 2016-ka u qorshaysan in uu ka shaqeeyo sidii uu saxaafadda iyo hay’adaha ay khusayso ugu furi lahaa saaxad lagaga doodo, isla markaana lagu qabyo-tiro shuruucda saxaafadda, kuwaas oo u baahan in dhinacyada laga istaago si loo helo xeerar dhammaystiran oo dani ugu jirto saxaafadda.
Mahadnaq:
Ururka SOLJA waxa uu u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay difaacidda xorriyatul-qawlka, isla markaana dhiirrigalisay bahda saxaafadda.
Soo-jeedin
Ururka SOLJA waxa uu usoo jeedinayaa qaybaha bulshada, xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ahba inay taakulyeen, dhiirrigaliyaanna saxaafadda iyo suxufiyiinta ka hawlgala.
Baaq
Ururka SOLJA waxa uu uga baaqayaa hay’adaha dawladda inay ku dhaqmaan Xeerka Saxaafadda Xeer No: 27/2004, kaasoo jidaynaya masuuliyiinta dawladdu inay dhawraan xaqa iyo xuquuqda suxufiyiintu u leeyihiin mihnadda saxaafadda ee dastuurka Somaliland dammaanad qaaday, mudnaantana siiyey.
Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa suxufiyiinta kala duwan ee ka hawgala qaybaha warbaahinta inay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda, ilaaliyaanna milgaha iyo haybadda qarankani ku karaameeyey inay ugu adeegaan mihnadda saxaafadda oo ah xirfad qiimo ka mudan Caalamka,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Xuuto.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380