Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka,isagoo ay weheliso Marwo Adna Adan Ismail, ayaa ka waramay waxyaabihii uu kala kulamay safarkiisa.

Dr. Ciise Kayd oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka gaar ahaan Washington DC, ayaa ka warmay masuuliyiinta ay la kulmeen iyo waxyaabaha ay kala hadleen muddadii uu ku jiray hawlaha safarkiisa.

Sidoo kale, Marwo Adna Adan, oo safarka ku wehelisa wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa dhankeeda uga xog-wantay jaaliyadda Somaliland ee Washington DC, ujeedada safarkooda iyo waxyaabihii ay kala kulmeen.

 Dr. Ciise Kayd iyo Marwo Adan oo weli ku sugan Washington, ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan shir lagaga hadlayo arrimaha dimuqraadiyadda, balse la saadaalinayo in lagag hadlo loollanka awooddaha dhaqaale, Millateri iyo Istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Dr. Ciise Kayd Iyo Marwo Adna.