Araweelo News Network.

Khartoum(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan ee dhowaan la inqilaabay, Abdalla Hamdok, ayaa heshiis la saxeexday Millateriga xukunka inqilaabka ku haysta ee dalkaa.

Abdalla Hamdok, ayaa dhowaan xabsi guri la geliyay, kaddib markii ay Millaterigu kala direen xukuumaddii ra’iisal wasaare Abdalla Hamdok,  25 Oct, 2021, taas oo sababtay mudaharaadyo rabshado wata oo hadheeyay dalkaa.

Lieutenant General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa xabsiga u taxaabay siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo si weyn u diidanaa in Millaterigu kala diro xukuumaddii rayidka ahayd ee ay shuraakada ku ahaayeen Millateriga iyo siyaasiyiinta.

Hase yeeshee mudaharaadayaasha diidanaa tallaabada ay qaadeen Millateriga dalkaa, ayaa kasoo horjeestay heshiiska ra’iisal wasaare Abdalla Hamdok.

Hoggaamiyaha Millateriga, Al-Burhan iyo Hamdok  oo labaduba wadajir ula hadlay Telefishanka Suudaan, ayaa xaqiijiyay heshiiska ay gaadheen, waxayna sheegeen in dalka lagu soo celinayo dariiqii dimuqraadiyadda ee heshiiska lagu ahaa markii  xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Omar al-Bashir 2019.

Siyaasiyiinta Hoggaamiyaasha  Mucaaradka , Ururada Bulshadda iyo mudaharaadayaasha, ayaa ku gacansaydhay heshiiska uu ra’iisal wasaare Abdalla Hamdok , waxayna tilmaameen in uu dhammaaday xilligii Millateri.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com