Araweelo News Network.

Qodobada Xeerka Madaxweynuhu Miyay Yihiin Ku Cusub Saamaynse Ma Ku Yeelanaayan Heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray xeer Madaxweyne oo uu sheegay in lagu mamnuucay ka qayb-qaadashada arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Xeerka Madaxweyne Biixi soo saaray oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021, waxa uu ku sheegay in gebi ahaanba la mamnuucay in ay dadka u dhashay Somaliland ka qayb qaataan Siyaasada Soomaaliya.

Madaxweyne wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa madaxtooyadda in markuu arkay go’aanka Labada Golle (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale,  Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003, ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), iyo waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed  markuu ku qancay sida lagu sheegay qoraalka In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in uu soo saaray Afar qodob, kuwaas oo u qornaa sidan:-

1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Golle.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobada Madaxweyne Biixi uga dhigay tixraaca xeerka uu soo saaray, ayaa labada golle Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilladu hore usoo saareen xilligii xukuumaaddii Madaxweyne Daahir Rayaale, balse Qaabkii labada golle hore uga soo saareen kaqaybgalka siyaasida Soomaaliya,  ayaa lagu kordhiyay laba qodob xilligii Madaxweyne Siilaanyo 2012.

Qaabkii labada golle hore uga soo saareen kaqaybgalka siyaasida Soomaaliya iyo qodobadii lagu kordhiyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo 2012.

Ref:  SSE/Fr – 15/09  

1. In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawlad, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGO-yada, Aqoonayahanada, Madax-dhaqameedyada, Suugaanyahanada iyo dhamaanba noocyada ururada Bulshada.

Go’aa nka Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiilladu soo saareen xilligaa waxa saxeexay Madaxweyne Daahir Rayaale 2003, (JSL/GB/O1/10/2003 ee 11/10/2003), balse wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo 2012.

JSL/GB/O1/10/2003 ee 11/10/2003

Ku: Madaxweynaha Somaliland

Ujeedo: Soo gudbin go’aan Baarlamaan

Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay kaga doodayeen xaaladdaha siyaasadeed, saamaynta hindisayaasha salaadiintu ay ku yeelan karaan Somaliland iyo siyaabaha looga hor tagi karo dhibaato kasta oo ka iman karta. www.somalilandlaw.com Page 4 of 6

Fadhiyada WadaJirka Ah oo socday muddadii u dhaxaysay 8 ilaa 11-kii bishii 10aad 2003, waxay golayaasha Baarlamaanku ka soo saareen go’aankan halkan ku lifaaqan.

Gollaha Baarlamaanka Somaliland:

Wuxuu go’aamiyay 

1. In cid allaale iyo ciddii ku abtirsata Somaliland, dawlad, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanba.

2. In cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas, ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qawl, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wadahadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba hay’addaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamaddaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay dastuurku ee qodobka 130aad farqdiisa 5aad2.

 3. Gaadiidka cir, dhul iyo Badba ee loo adeegsado, ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga, ama tan gaar ahaaneedba.

 4. Waxa lagula dhaqmayaa Xeerkan cid allaale iyo ciddii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahaayeen.

 Go’aankan waxa labada Golle wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen 5 Feb  2012, waxaana lagu daray labadan Qodob ee hoose, balse waxba lagama bedelin soo saaristii hore ee xeerkaa.

1. In Xukuumadu ka qayb gasho shirarka loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland. 

2. Maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan 

Kaabista iyo wax-ka-bedelka labada golle Baarlamaan ku sameeyeen xilligii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa qaraar ay labada golle cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen oo ku taariikhaysan 07 /12 /2012, lagu kordhiyay labadan qodob.

Qaraarka ay sida wadajirka ah u soo saareen 5-tii February 2012 (waxaa u codeeyay 101, 3 diiday, 4 kalena way ka aamuseen), labada Golle Baarlamaan ee Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), waxay wax ka bedel ku sameeyeen, soo jeedintii Madaxweynaha, Qaraarkoodii hore, waxayna ku dareen labadan qodob.

1. Dawladda Somaliland way ka qayb geli kartaa shir kasta oo loo arko inay Somaliland dani ugu jirto oo aan ka hor imanayn qaranimada iyo dastuurka Somaliland ee jira.

2. Labada Golle waxay taageersan yihiin ka qaybgalka Xukuumadda ee Shirka London (oo qabsoomaya 23ka Febraayo 2012).

Dhinaca kale,  Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay Jabuuti 14 June 2020, oo Madaxweynaha Somaliland Musue Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayaa ka qayb qaleen, waxa jiray qodobo dood baddani ka dhalatay oo khuseeyay mawduucan.

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibedda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir, (Faratoon) oo xilligan ah xildhibaan ka tirsan gollaha wasiillada Somaliland, ayaa wax  laga weydiiyay war-murtiyeedka  waxyaabaha ay Bulshadu qoonsatay qaybta ka hadlaysa Isdhexgalka Bulshada oo ay ku cusub yihiin Ciyaaraha iyo Fanka, balse Wasiir Faratoon in qodobkaasi saamayn siyaasadeed yeelanayo, wuxuu ku dooday in aannu wax dhibaato ah lahayn.

 Qodobka ku jiray war-mutiyeedka, halkan Ka daalaco war-murtoyeedka 17 Jun 2020).ayaa ahaa mid ay si weyn Bulshadu u qoonsatay, kaas oo ay dadka qaar ku macnaynayaan mid la huwiyay siyaasad la doonayo in Somaliland laga fuliyo siyaasadaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, balse xeerka kasoo baxay Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somliland ee Madaxweyne Biixi soo saaray Arbacadii 8 December 2021, laguma xusin qodobkaa, sidaa awgeed xeerka xilligan ee Madaxweyne Biixi kusoo saaray waxa muuqata in ay ku cusubtahay oo keliya in cafis aan loo samayn karin qofka ilaa maxkamaddi xukun ku rido.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com