Araweelo News Network.

 

Murrashaxa Madaxweynaha Oo Dib Loogu Doortay Guddoomiye Cirro Iyo Ku Xigeenkiisa

Hargeysa(ANN)-Shirweynaha saddexaad ee gollaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa dib loogu doortay mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) inuu noqdo murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha Novermber 2022.

Cabdiraxmaan Cirro inuu noqdo Murrasha madaxweynaha, waxana u coddeeyey 312 ergay, waxa diiday hal qof mana jirin cid ka aamustay

Alt:Araweelo News Network

Furitaanka Shirweynaha Saddexaad ee Gollaha Dhexe ee WADDANi 30 March 2021. Image Araweelo News Network.

Sidoo kale, waxa Murrashaxa madaxweyne Ku xigeenkana dib loogu doortay Maxamed Cali Aw Cabdi, waxaana u coddeeyey 306 ergay, shan qof ayaa diiday, hal qofna wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaana waxa loogu doortay murrashaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga WADDANI.

 

Shirka WADDANI, oo ahaa mid si weyn loo agaasimay oo kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimi gobollada dalka, waxa furitaankii khudbado ka jeediyey guddoomiyayaasha Xisbiga WADDANI, ee gobollada dalka, afhayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, waxana dhammaantood ka hadleen tallaabooyinkii xisbigu qaaday muddadii u dambaysay iyo qorshaha xisbiga ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay ka qabsoomaan dalka.

Masuuliyiinta ka hadlay madasha shirka, ayaa sidoo kele muujiyay sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbigooda ee doorashada Madaxtooyada marka la gaadho November 2022.

Alt: Araweelo News Network

Furitaanka Shirweynaha Saddexaad ee Gollaha Dhexe ee WADDANi 30 March 2021. Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro) oo ka hadlay madasha shirka ayaa dhankiisa si qotodheer uga warramay marxaladihii uu xisbigaasi soo maray, isagoo dhanka kale tilmaamay in xisbi ahaan ay tudhaale badan u sameeyeen dalka, wallaw uu xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay ilaalinta wadajirka Bulshada Somaliland.

Alt:Araweelo News Network

Furitaanka Shirweynaha Saddexaad ee Gollaha Dhexe ee WADDANi 30 March 2021. Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha dib loogu doortay inuu ahaado murrsahaxa xisbiga ee doorashooyinka Madaxtooyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xaqiijiyey in xisbiga WADDANI ay mudnaan weyn siinayaan sidii loo kobcin lahaa Waxbarashadda heerarkeeda kala duwan iyo dhaqangelinta siyaasadda qaranka ee sugida cuntada.