Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga UCID ee mucaaradka ayaa Guddida diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka u gudbiyay Dukumeentiyo ay hore uga dalbadeen oo la xidhiidha Waqtiga dib u cusboonaysiinta shahaadada Ururka iyo wixii sharciyad ah ee looga baahnaa.

Saraakiil ka socday Xisbiga UCID, oo maanta la kulmay Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka ayaa ku wareejiyay waxyaabihii looga baahnaa.

Masuuliyiinta UCID, ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen kaddib markii guddidu usoo dirtay qoraal ay kaga dalbanayaan in maadaama sharciyada Axsaabtu dhacayso usoo gudbiyaan waxyaabaha xeerku ku waajibay.

“Waxaanu kasoo jawaabnay warqad 30 August ay noo soo gudbiyeen Guddidu, taas oo sida xeerka Ururada iyo Axsaabta ee xeer-14, tilmaamayo, in aan usoo gudbino dukumeentiyada tilmaamaya Xeerka Ururka, hoggaankiisa, gollaha dhexe iyo xarunta guud ee Xisbiga, waxaanuna u keenay guddida.” Ayuu yidhi, Yuusuf Kenyse oo ka mid ah saraakiisha xisbiga UCID.

Wuxuu sheegay in ay tahay waajib in ay sidaa yeelaan, maadaama xeerku tilmaamyo, “ taas macneheedu maaha inuu xisbiga UCID, ka tanaasulay doorashada Madaxtooyadda ee 13 November, 2022, waana arrin sharci Madaxweynuhuna ma jebin karo, mana jirto cid kale oo jebin kartaa.” Ayuu yidhi.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in doorashada sharciga ah ee Somaliland maanta la sugayaa ay tahay doorashada Madaxtooyadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi ayaa maalmihii lasoo dhaafay, isagoo safar ku maraya galbeedka dalka, wuxuu ka dhawaajiyay in xisbiyada hadda jira haddii ay guddida diiwaangelinta u gudbin waayaan sharciyadooda ay marayaan wadadii xisbigii weynaa ee UDUB sannado baddan dalka ka talinayay, balse ka hadhay tartankii Ururada iyo axsaabta ee 2012.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com