TelesomDahabshiil
Published On: Sat, Sep 17th, 2022

Somaliland: Doorashada Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Iyo Dareenada Ku Xeeran

Araweelo News Network.

Tallaabadii U Horaysay Ee Ay Qaadeen Guddida Doorashooyinka Qaranku

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay la dhammaystiray, kaddib markii gollaha wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ay hore u diideen, ayaa maanta qaaday tallaabadii u horaysay.

Laxidhiidha: Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Ee Ay Hore U Diideen

Fadhigii u horeeyay ee xubnaha guddida Doorashooyinka ayaa lagu doortay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xubin loo doortay inuu noqdo Afhayeenka Guddida.

Sida laga soo xigtay Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta Guddoomiye u doortay Muuse Xassan Yuusuf, iyadoo xubnaha Guddidu ay Gudoomiye ku xigeen u doorteen Axmed Cisman Xassan, halka Cabdicasiis Xirsi Warsame loo doortay inuu noqdo Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Labada xubnood ee loo doortay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ka mid ahaa saddexdii xubnood ee Madaxweynaha dhankiisa ka yimi, kuwaas oo gollaha wakiilladu markii hore diideen ansixintooda, balse ay aqbaleen kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dib ugu soo celiyay, iyadoo markii labaad ee la horgeeyay saddexda xubnood ee qabyada ka ahaa xubnaha Guddida Doorashooyinka Guddida cusub ee doorashooyinka September 6, 2022, cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Laxidhiidha: Golaha Wakiiladu Ma Bedelayaan Go’aankii Xubnaha Gudida Doorashooyinka

Cabdicasiis Xirsi Warsame  oo ah Xubinta Afhayeenka ee Xisbiga Mucaardka ee WADDANI soo gudbiyay ayaa loo doortay ayaa isagu ka mid ahaa Afar xubnood oo ka mid ahaa Toddobada Xubnood ee Guddida Doorashooyinka oo si aqblabiyad ah golluhu markiiba u ansxiyay Jun 20th, 2022.

Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ay horyaaliin doorashooyinka aan weli laysku waafiqin ee Madaxtooyadda iyo Guurtida, iyadoo hore loo hadal hayay in 13 November oo ku beegan muddada dhamaadka xilka Madaxweynaha ee shanta sannadood la filayay in ay qabsoomaan, balse khilaaf siyaasadeed oo soo jiitamay ayaa weli ku hareeraysan, taas oo meesha ka saaray in doorashada Madaxtooyaddu ku qabsoonto xilligaa, isla markaana xilliga gabaabsiga ah aannay weli muuqan saaxad tartan doorasho.

Laxidhiidha: Gollaha Wakiillada Oo Diiday Saddex Xubnood Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mucaaradka oo isu bahaystay xukuumadda, ayaa marar baddan ku hanjabay in aannay aqbalayn in dib udhac ku yimaado doorashada Madaxtooyadda, iyadoo khilaafka ugu weyn ee xukuumadda iyo labada Xisbi ee Mucaaardka WADDANI iyo UCID isku khilaafsan yihiin ay xuddun u tahay doorashada Madaxtooyadda iyo Tartanka Ururada iyo axsaabta midka soo horaynay, wallow Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu ku adkaysanayaan in tartanka Ururada Siyaasadu kasoo horaynayo doorashada Madaxtooyadda, balse kala fogaanshaha iyo khilaafka  labada dhinac oo ay marar kala duwan isku hawleen ergooyin xal u raadinayay ayaa noqday mid an lagu guulaysan, kaas oo u muuqda mid jaah wareer ku riday xasiloonida siyaasada Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>