Araweelo News Network.

Alt: Araweelo News Network
Afhayeenka Xisbiga UCID, Maxamed Cali Bilaal (Ayax), Image File Araweelo News Network. July 2021.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si lama filaan ah dalka uga baxay, kaddib mudda kordhintii guurtidu u samaysay toddobaadkii hore xukuumadda iyo golle ahaan muddada ay korodhsadeen.

Safarka Guddoomiyaha oo aan si dhab ah loo ogayn halka uu dalka uga baxay iyo ujeedadda safarkiisa,  waxaana soo baxay warar sheegaya inuu dalka Finland oo ahayd halkii uu siyaasadda kasoo galay ahayd ku laabtay.

Hase yeeshee Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Maxamed Cali Bilaal (Ayax), ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe inuu dalka Finland ku laabtay kuwo aan waxba ka jirin.

Afhayeenka, ayaa ku wararkaa ku macneeyay kuwo dacaayad ah oo aan waxba ka jirn, wuxuuna canbaareeyay dadka faafiyay wararkaa, “Waxan bulshada u sheegayaa in ay been tahay in Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe dalka Finland u baxay, waxba kama jiraan warkaaa.” ayuu yidhi, Maxamed Cali Bilaal oo wax laga weydiiyay sida ay wax uga jiraan warkaa.

Balse wuxuu xaqiijiyay safarka Guddoomiyaha inuu jiro, isagoo tllmaamay inuu dalka Imaaraadka ugu baxay hawlo shaqo iyo kuwo shaqsi, isla markaana aannay jirin wax mushkilad ah, “Guddoomiye Faysal wuxuu safar gaabban ugu baxay dalka Imaaraadka, hawlo shaqo iyo kuwo shaqsi ayuu ugu baxat Dubaia, wuuna soo laabanayaa, hwlaha xisbigana waxa sii wadaya masuuliyiinta kale ee Xisbiga.”

Afhayenka UCID, Mr. Ayax, ayaa sheegay in aannu jirin khilaaf laba xisbi mucaarad ee u UCID iyo WADDANI u dhexeeya oo ka dhashay mudda kordhintii iyo in ay jiraan arrimo ay labada Xisbi isku diideen, wuxuuna tilmaamay in isbahaysigii labada xisbi mucaarad aan waxba iska beddelin oo ay sidoodii yihiin.  

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com