Araweelo News Network.

Wixii ka horreeyey 1960 ummadda soomaaliyeed waxay ahayd dad u nool qaab qabiil. Waxay ahayd ummad reer miyyi ah oo u badan xoolo dhaqato . Waxaa jiray xeerar ay ku wada dhaqmaan intii isku qabiil ah ama isku deegaan ah. Qabiillada kale ee Deriska la ahna xeerar ay ku wada dhaqmaan ayay lahaayeen.

Tusaale ahaan haddii colaado dhacaan oo qabiilada deriska ahi ay ku dagaalamaan daaqsinka, ama Biyaha ama ay xoolaha kala dhacaan, waxa ugu dambayn lagu xalling jiray xeerkii u dhexeeyey qabiilada deriska ah, ama haddii aannu jirin wax u dhexeeyay kuwa wax dhexmareen waxa halkaa ka unkami jiray xeer cusub oo ay xeer-beegtida labada dhinac soo saaraan.

1950 ma Jirin dal dunida ka jira oo la yidhaado ” Soomaaliya”. Balse waxaa jiray dhul ballaadhan oo Soomaaliyeed oo geeska Afrika ku yaallay kaasi oo kala guumaystaan quwadihii guumaystyaasha ahaa ee reer yurub.

Sidoo kale wixii ka horreeyay sannadkii 1899 oo ahaa sannadkii ay Guumaystayaasha reer yurub Dhulka Soomaalida yimaadeen Soomaalidu waxya u nooleeyd Qaabka qabilaga ah ee aan Horay ku sheegnay.

HADDABA YAA KEENAY FIKIRKA IN 5tii SOOMAALIYEED LA MIDEEYO OO DOWLAD CASRIYA LOO SAMEEYO ?

Dadkii uugu horreeyey ee la yimaadda riyadaa iyo Hammigaa Hammigaa ee ah in la mideeyo ummaddii soomaaliyeed ku noolaa 5tii gobol ee soomaaliyeed waxay ahayd ummadda reer somaliland. Somaliland markaan leeyahay uma jeedo beesha isaaq oo keliya sida ay dad badan u fahmayaan. Balse waa beelihii kuwada noolaa maxmiyaddii ingriisku ilaashan jiray oo dhan.

YAA FASHILIYEY MABAADII’DII IYO HAMMIGII MIDNIMADA 5tii SOOMAALIYEED ?

Waxa fashiliyey Guud ahaan dadka ka soo jeedaa Gobolkii koonfureed ee Talyaanigu Guumaysan jiray. haddii aan sii kala qaadno beesha sida uula kaca ah u fashilisay waa beesha majjeerteen. Sababta ay u fashiliyeen majjeerteenku Qaddiyadda midnimadii 5tii soomaaliyeed ayaa ahayd inay rabeen in xukunka 2dii gobol ee midoobay (woqooyi & koonfur) ay iyagu boqortooyo u Noqdaan oo u taliyaan. waxayna ka baqayeen haddii 5tii soomaaliyeed ay midowdo inay laga Tiro bato maadaama Gobollada maqan ay u badan yihiin beesh daarood. sidaa awgeed beesha majjeerteen ma rabin in daaroodka kale ku soo biiro soomaaliya.

Beelaha Hawiye ma fahansanayn ujeedada loo midoobay, mana codsan iyagu in la midoobo , mana kala jeclayn in la midoobo iyo inaan la midoobin. sidaa awgeed beesha arrintan fahansanayn ee sida uula kaca ah u fashilisay waxya ahayd beesha majjeerteen.

Faa’iidada Maqaalkan waxaynu ku ogaanay 3 qodob.
  1. Yaa keenay fikirkii iyo mabaadii’dii ahayd in la mideeyo 5tii soomaaliyeed ? Jawaabteenu waxay Noqotay waxaa fikirkaa keenay ( dadka reer somaliland oo dhan ).
  2. Yaa fashiliyey mabaadii’daa iyo Qaddiyadaa ? waxaa fashiliyey beesha majjeerteen.
  3. doorka beelaha Hawiye iyo Beelaha reer koonfurka ah MUXUU ahaa ? doorkoodu wuxuu ahaa inaysan wax badan kala socon Qaddiyaddan.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah