Araweelo News Network.

Maha ibrahim Cumar oo ahayd Gabadh reer somaliland ah oo ka soo jeeda magaalada Hargeysa ayaa ku geeriyootay dalka Turkey-ga, kaddib markii ay ka soo dhacday dhisme dabaq ah oo ay deganayd, kaasi oo ahaa jaamacaddii ay dhiganaysay oo ku taalla magaalada Istanbul.

Alt: Araweelo News
Maha Ibraahim Cumar

Gabadhan ayaa ka baxday Dugsi ay Turkidu maamusho oo ku yaalla caasimadda somaliland ee Hargeysa, iyadoo gabadhaasi Deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda Sabahattin Zaim university ee magaalada Istanbul.

Warbaahinta dalka Turkey-ga ayaa sheegtay in aannay lamaaha ammaanka iyo dembi baadhsitu wax faahfaahinn ah ka bixin waxa sababay geerida gabadhaasi waxayna ku gaabsadeen in booliska magaalda Istanbul inuu sheegay inay arrintaa baadhitaan ku wadaan.

Dhalinyarada soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin kala ku qaba waddanka Turkey-ga gaar ahaan gabdhaha ayaa u muuqda kuwo u nugul dhibaatooyin badan oo kala duwan kuwaasi oo ay kala kulmayaan dalka Turkey-ga.

Diinta islaamku ma oggolaanayso in qof Haween ah oo muslim ay keligeed safaro dhaadheer gasho iyadoo aan wax Muxrik ah . Muxrim ku waa ragga gabadha ehelkeeda uugu dhow ah sida walaalkeed ,Aabeheed , iyo wiilkeeda iwm.

Ilaahay ha u naxariisto marxuumaddaa, qoyskii ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ha kasiiyo.

WQ Dr.Ahmed Hasan Saalah