Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddii la qabto doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka, kana qaybgalaan labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, isla markaana aanay u dhammayn saddexda xisbi qaran.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga WADDANI kaasoo daba socday qoraal ay wada-jir u soo saareen labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID maalintii Jimcaha, kuna caddeeyeen inay diyaar u yihiin in la qabto doorasho uu ka maqan yahay xisbiga WADDANI.
Ugu horayn, waxa uu wargeyska Jamhuuriya halkan idiinku soo gudbinayaa qoraalka ka cadhaysiiyey xisbiga WADDANI oo ay ku wada saxeexan yihiin Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, kaasoo u qornaa sidan;
“Annagoo tix-raacayna qodobbada ka soo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE ku dhexmaray qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, kuna taariikhaysnaa 16/12/2018 ee xisbiyada qaranka Somaliland ay sida wada-jirka ugu go’aamiyeen, in doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay qabsoomaan dhammaadka sannadka 2019-ka.
Sidoo kalena, tix-galinayna muhiimadda ay qaran ahaan inoo leedahay qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka iyo dhibaatada ka dhalan karta dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinkaas, ixtiraamayna fariinta qaran ahaan innooga timid Beesha Caalamka, taas oo ahayd in aynu dhammaadkan sannadka 2019-ka qabsoonto doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
Haddaba, iyada oo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay mar walba danta qaranka ka hor marinayaan danahood siyaasiga ah ee gaarka u ah, waxay isku af-garteen qodobbadan;
• Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku af-garteen in doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ay qabsoonto bisha November ee sannadkan 2019-ka.
• Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku af-garteen in Komishanka Doorashooyinka ee hadda jira uu qabto doorashooyinkaas, maadaama aanay jirin sababo sharci ah oo loo kala diro.
• Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku waafaqeen, in wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeer LR. 20, qodobkiisa 11-aad, farqaddiisa koowaad, Komishanka Doorashooyinka cusubna laga dhigo sagaal xubnood.
• Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku af-garteen in aanay aqbalin dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, sidaas daraadeedna aanay doorashooyinku u hakan doonin, haddii xisbiga WADDANI uu ku adkaysto go’aankiisa uu ku qaadacay Komishanka, waxaanay labada xisbi ay diyaar u yihiin inay galaan doorasho laba xisbi ah sannadka 2019-ka.
• Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku waafaqeen inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta sharafta iyo sumcadda ay Somaliland ku kasbatay doorashooyinka dimuqraadiga ah, sidoo kalena aanay marnaba aqbalin dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinka.
Ugu dambayn, xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay u soo jeedinayaan Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, in ay tixgaliyaan heshiiskan, isla markaana ay muddo-kordhinta farsamo ee ay sameynayaan ku saleeyaan heshiiskan.”
Hasayeeshee, qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo la soo saaray shalay, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu masuul ka noqon doono cawaaqib-xumada ka dhalata haddii la qabto doorasho laba xisbi oo qudha ah.
“Xisbiga WADDANI, isagoo tix-raacaya is-afgaradkii guud ee ka dhacay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku taariikhaysnaa 16 December 2018, waxa uu qabaa in doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanku ay qabsoomaan waqtigii loo muddeeyey ee sannadkan 2019-ka.
Xisbiga WADDANI, isagoo si weyn u tix-gelinaya muhiimadda qaran ahaan ay doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana ay kor u qaadayso sumcadda iyo hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyaddaba, waxa uu adkaynayaa in dalkan ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay bud-dhig u yihiin helitaanka Komishan lagu wada kalsoonyahay oo loo siman yahay.
Sida ay tilmaamayaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku, xisbiyada qaranku waxa ay kala leeyihiin madaxbannaani iyo xuquuqo siyaasadeed oo siman, sidaa awgeed waxa uu xisbiga WADDANI si cad u daadefaynayaa heshiiska gacan-ku-rimiska ah ee uu xisbiga KULMIYE dabada ka riixayo, isla markaana uu xisbiga UCID-na ku raacay.
Sidaa darteed;

  1. Xisbiga WADDANI waxa uu soo jeedinayaa in doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ay qabsoonto sannadkan 2019-ka.
  2. Xisbiga WADDANI waxa uu adkaynayaa in la kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee hadda jooga oo uu xisbigu kalsoonida kala noqday bishii 3-aad ee sannadkii 2018, isagoo raaciyey sababihii sharci ee lagu eedeeyey Komishanka.
  3. Xisbiga WADDANI waxa uu hoosta ka xariiqayaa in caqabadihii doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanku ay weli taagan yihiin, isla markaana ay muhiim tahay in xal laga gaadho dhammaanba caqabadahaas, si doorasho xor iyo xalaal ah innoogu qabsoonto sannadka 2019-ka.
  4. Xisbiga WADDANI waxa uu caddaynayaa in aannu marnaba aqbali doonin doorasho xaaraan ah oo xisbiga KULMIYE uu dabada ka riixayo, waxa uuna si weyn uga digayaa isku-day kasta oo doorasho aanay xisbiyada qaranku u dhammayn, wixii cawaaqib-xumo ah ee ka yimaadana ay masuuliyadeeda leeyihiin Madaxweynaha iyo xisbigiisu.
  5. Xisbiga WADDANI waxa uu soo jeedinayaa in la ilaaliyo hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ee dalka hore uga hano-qaaday, duniduna ay innagu majeerato, waxaannu bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa inay u soo jeedsadaan, indhahana ku hayaan khatarta ka iman karta in dalkani uu isugu biyo-shubto hannaan keli-talisnimo.
    Ugu dambayn, xisbiga WADDANI waxa uu u soo jeedinayaa Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland inay qaranka ku ilaaliyaan hannaanka dimuqraadiyadda ee uu jideeyey dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.