“Maxaabiista Mandheera waxay ka cabanayaan Taliyaha Jeelka, Booliskana waxaan leenahay,,,”Afhayeenka Mucaaradka.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dhankiisa sheegay in aannay ka wada hadlin arrimaha ay saxaafada u sheegeen La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Warancade iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Maxamed Mooge.

Laxidhiidha: Somaliland: Mucaaradka Iyo Xukuumadda Oo Heshiis Xumad Jebin Ah Laga Dhex Sameeyay

Afhayeenka WADDANI, Maxamuud Galaal, wuxuu sheegay in arrimahaa La Taliyaha iyo Maayarka arrnta ay kala hadleen ay ahayd muwaadiniin uu sheegay in shaqada laga rusqeeyay, balse aannay arrimaha kale ee khilaafka ka wada hadlin oo aannay jirin wax ay isla meel dhigeen oo ay isla qaateen.

Laxidhiidha: Madaxweynuhu Ilaa Hada Albaabka Kama Furin Dadkii Arrinta Ku Guntaday,Faysal

“Labadaa Odday ee maanta hadlay ee Maayarka Cabdikariim Axmed Mooge iyo La Taliyaha Madaxweynaha Cali warancade waxaanu u dirsanay ma jirin, Waxay ahayd arrinta keliya ee ay nagala hadleen raggaa la rusqeeyay ee sida siyaasadaysan loo ruqsadeeyay, wax gogol iyo arrin kale oo la xidhiidha maanu kala hadlin.” ayuu yidhi, Galaal oo warbaahinta la hadlay kaddib markii ay labadaa masuul saxaafada u sheegeen Axaddii in ay wax baddan oo xaaladda amniga cabsi ku hayay ka heshiiyeen Madaxweynaha iyo axsaabta mucaaradku.

Mr. Galaal, wuxuu sheegay in arrinta ay ka hadleen ee gogosha Madaxweynaha aannay ahayn mid ay Maayarka iyo Warancade isla soo qaadeen, wuxuuna xusay in axsaabta mucaaardku arrintooda u dhiibatay oo kalsooni buuxda ku siiyay.

Laxidhiidha: Kommishanka Xuquuqda Aadamaha Oo Sheegay Tacadi Iyo Jidh-dil Loo Geystay Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta

“Gogosha ma diidanin, laakiin waxaanu kalsooni buuxda siinay Odayaashii iyo Guurtidii hore noogu yimi ee 31-ka ahaa, oo salaadiin, cumlimo iyo ganacsato lahaa, kuwaas ayaanu siinay kalsoonida, kuwaana intaanu ka warhayno Madaxweynuhu wuu la meeraysanaaya.mana oggola cid dhexdhexaad ah oo runta u sheegta, ama arrimaaha laysku haysto ka garnaqda.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu dhaliilay war-saxaafadeed ay soo saareen Booliska Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay mid aan ka turjumayn haykalka iyo Haybada Booliska oo lagu duudsinayo muwaadin xuquuqdiisa, isla markaana aaan dhex ahay, “Booliska waxaan uga fadhinaa dhexdhexaad in ay ka noqdaan khilaafka, loogama baahna in ay axsaabta mucaaradka u jawaabaan, ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Booliska Iyo Xisbiga WADDANI Oo Tafaasiil Kala Duwan Ka Bixiyay Warka Weerrarka Guriga Murrashax Cabdiraxmaan Cirro

Afhayeenka Mucaaradka, ayaa sidoo kale ka hadlay booqasho uu sheegay in ay jeelka Mandheera ugu tageen maxaabiista siyaasada ee laga xidhay 9 Jun 222, kuwaas oo loo xidhay Mudahaaradkii ay mucaaradku sigu soo baxeen, wuxuuna ka dayriyay xaaladda maxaabiista, isagoo ydhi, ” maxaabiista Mandheera ee aannu booqanay, waxay aad uga cabanaayan Taliyaha Jeelka Mandheera “Afyare”, arrintaa waa in xukuumadda iyo hay’addaha xuquuqda Aadamuhu dib haw eegeen, ayuu yidhi, Maxamuud Jaamac Galaal oo xili danbe habeenimadii warbaahinta la hadlay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com