Marxuum Siciid Jaamac, wuxuu ahaa Encyclopedia, sida uu sheegay Martin Orwin

“Hadday Ummada Soomaalidu leedahay qof xoroobay, hadaynu leenahay Indheer-garad, wuxuu ahaa Siciid jaamac,nasiibku kuma simin Buugga lagu sharfayay ee ay qoreen dadyow kala duwan oo ajaanib ah in lasoo saaro intii uu noollaa, waana lasoo bandhigayaa, kaas iyo Buuggii u danbeeyay ee uu qoray.” Dr. jama Muse

Siciid Jaamac Xuseeen oo caan ku ahaa AHN (Siciid Gucmadi), wuxuu ahaa Nin Ummadaha wada gaadhay oo balaadhan oo Bulshooyin kala duwan oo kala diimo ah, isla markanaa kala qowmiyado ah xidhiidh la lahaa, sida ay saaxiibada taariikhdiisa ka hadlay aannay ku kala baydhin.

“Hadday Ummada Soomaalidu leedahay qof xoroobay, hadaynu leenahay Indheer-garad, haddii qof Bini’aadam lala saaxiibo, Saaxiibka dhabta ah, intaaba waxa ahaa Siciid Jaamac Xuseen, mana ahayn nin ku koobban ummaddeena Soomaalida oo keliya ee wuxuu ahaa Nin Ummaddaha kale wada gaadhay.”ayuu yidhi, Dr. Jama Muse.

Alt: Araweelo News Network
Right: Mohamud Sh Dalmar, the late writer Said Jama Hussein, Dr. Jama Muse Jama and Left, Rashid Sh Abdillahi, the photo is copyright@JamaMuse.

Mar uu ka hadlayay xilligii ay Qoraa Siciid Jaamac, is barteen, wuxuu sheegay in muddo ay Telefoon ku wada xidhiidhayeen, balse sannadkii 2009, ay si toos ah u kulmeen, isla markaana ay wada shaqaynayeen 15 sannadood oo bandhiga Buugaagta ay Xarunta Dhaqanka Hargeysa (Hargeisa Cultural Center ) samaynayso sannad walba iyo Toddobaadka dhaqanka ee London oo loo yaqaan Oxford House, wuxuu sheegay inuu qayb ka haa diyaarinta, qabanqaabada iyo qorshaynta lagu sargooyo hawlaha bandhigyada Barnaamijyada lasoo bandhigo ee xarunta oo sannad walba la qabto iyo Barnaamijka Buuggaagta wareegta.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Dr. jama Muse, wuxuu sheegay in Qoraa Siciid ay u dheerayd Barnaamijka sida gaarka ah ugu calaamdsan ee “Qoraal currinta Toolmoon”, sidaa awgeed sannad walba saddex bilood soo qadimi jiray Siciid Jaamac ka hor inta aan bandhiga Buuggaagta la gaadhin.

“Saddexda Bilood ee Siciid kasoo hormari jiray dadka, wuxuu dhalinyarada ku bari jiray, “Qoraalcurinta toolmoon”, sida af-soomaaliga wax loogu qoro, sida loo curriyo iyo sida loo fekero, waana mid caan noqday barnaamijkaasi oo dhalinyaro baddan ka aflaxday, kuwii uu tababarayna ay ku shaqaynayaan.” Ayuu yidhi, isagoo xusay in soddonkii maalmood ee u danbeeyay ee ifka uu la joogay London, isla markaana ka bartay wax baddan oo aqoon kale uga korodhay muddadaa ugu danbaysay noloshiisa ee Qoraa Siciid jaamac Xuseen ku jiray Cusbitaalka.

“Ilaa maalintii uu geeriyoonayay, wuxuu ahaa qof talinaya, fekeraya, dadka kala hagaya, oo yiqiinta rumaysan, “Kur ka nool ayaan ahayd, ayuu si kaftan ah noogu odhan jiray, iyadoo aan wax wer-wer ah ka muuqan,  isagoo sariirta jiifa ayuu dadka asxaabta ballaadhan ee ku xidhan, dannahooda iyo mushkiladahooda xalinayay, mana ahayn Nin da’a la saaxiib ah ee wuxuu saaxiib la ahaa si siman Ilamaha yar iyo qofka la da’ada ah, wuxuu ii ahaa saaxiib iyo macalin sidii uu macalin iyo saaxiib ugu ahaa ummad baddan.”

Siciid Jaamac, wuxuu bilaabay shaqo isagoo yar, isagoo yar ayuu bilaabay inuu taliyo oo qayb ka noqdo siyaasada, mana aha siyaasadu xilalka in wasiir la noqdo, ama xil ka sareeya la qabto, laakiin siyaasada dhabta ah waa ta nollosha dadka wax ka taabata ee xaq u dirirka ah, haday noqoto markii la doonayay in Afrika wax laga beddelo iyo tii geyiga Soomaalida ee Jabhadihii, SDDF oo Guddoomiye ku xgeen uu ka noqday iyo kuwii ka danbeeyay, ama doodista dadka dulman iyo shaqaalaha, waxaas oo dhan Siciid Jaamac, wuxuu ahaa xaq u dirir dhab ah oo hoggaan ka ahaa, ayuu yidhi.

Wuxuu ahaa Qoraa, Mufeker, Muturjum, Curiye, wuxuuna suugan baddan ku turjumay luqadaha kale, balse muddooyinkii danbe xoogga saaray Marxuum Siciid Jaamac qoraalada Buuggaga (Classic Books), ama cilmiga ah oo uu Af-soomaali ku turjumo, ama suugaanta iyo kuwa dhaqankeena oo luqadaha kale u Turjumo, maadaama uu yaqaanay luqado baddan.

 “Turjumaadu waxay noo samaysaa Biriij ay Ummadduhu isku xidhmaan oo isku weydaarsadaan Aqoonta, Ilbaxnimada iyo dhaqanka, si waxa wanaagsan ee Bulshada Soomaalida loogu gudbiyo Bulshooyinka kale, iyagana wixii wanaagsan looga soo qaato, sidaa awgeed wuxuu  Buugaagtiisa oo hoosta kaga qoran is-weydaarsi.”

Laxidhidiha: Said Jama Hussein was a well-known Somali scholar

Dr. Jama, wuxuu sharaxay Buuggaagta Qoraa Siciid jaamac, sida Buugga “Shuf-Beel.” Waa Buuggaga uu qoray ka ugu facaweyn oo ka hadlaya dhacdooyin iyo waayo saamayn ku lahaa Bulshada Soomaalida iyo mustaqbalka,  isla marakaana Noloshiisa wax ka iftiiminaya.

Sidoo kale, “Safar aan Jiha lahayn” oo sida uu sheegay Dr. jama Muuse aad u jecelyahay sheekooyinka ku qoran, isagoo xusay in Qoraa Siciiid aaha dhul-mareen, Bad-mareen, isla markaana ka hor intii aannu xannuunka galaaftay nolloshiisa soo ridan u sheegay in Dalka China u hadhay inuu cagata dhigo oo safarkiisu u qorshaysnaa, balse xaqii u yimi, isagoo aannu qorshahaasi safarka China u hirgelin Marxuumka AHN.

“Buugga safar aan Jiho lahayn, wuxuu kaga hadlayaa dad caan ah oo ay halgan ku wada jireen, isla markaana kulamo dhexmaray, waxyaabaha ay kaga wada hadleen,  sida Hoggaamiyihii dalka Cuba  ee Fidel Castro, Madaxdii Faalstiin siduu ula halgamay iyo sheekooyinkii dhexmaray sidaa ayuu yidhi, Dr. jama Muse.

  Sidoo kale, wuxuu sheegay in Buugga saddexaad ee “ Maynaga uun Baa” xidhiidh la leeyahay Buuggaga hore, isal markaana uu Marxuum Siciid ahaa Encyclopedia, sida uu sheegay Martin Orwin, isla markaana qoraaladiisa iyo sheekooyinkiisu ahaayeen kuwo gaar  ah oo aan laga daalayn oo xiisa baddan, sidoo kale, ay jiraan Buugaag kale, sheekooyin iyo Qoraalo, suugaan iyo gabayo ah oo uu Luqadaha kale u turjumay, sidaa awgeed uu Siciid Jaamac ka mid ahaa Aasaasayaasha Ururka Kayd ee Marwo Ayan Maxamed Cashuur Madaxda ka tahay, wuxuuna ka mid ahaa Guddida Ururkaa Kayd iyo, wuxuuna Siciid Jaamac ahaa qofka hoggaanka u hayay qoraalo baddab oo ay Turjumeen Ururka kayd, sida tilmaamay Dr. Jama Muse.

Laxidhiidha: A leading scholar and true enlightenment thinker passed away – Said Jama Hussein (1942 – 2022) Nabadgelyo Macallin.

Dr. Jama Muse Jama, ayaa xusay in maadaama uu Siciid ahaa Nin ballaadhan oo wax baddan inooga tegey, ay jiraaan laba Buug oo soda uu sheegay mid uu qoray Siciid Jaamac Xuseen ka hortii aannu geeriyoon 8 Jun 2022, kaas oo la heli doono July 2022, iyadoo Buuggaasi noqonayo mid raacaya Buuggagtiisa hore.

 Buugga kale, waxa loo qoray sida uu sheegay isaga dartii “Marxuum Siciid Jaamac oo lagu sharfayay” waana mid soo bixi doona dhowaan, waxaana qoray Dad baddan oo Bulshooyin kala duwan oo saaxiibadii ah, Caddaan Yurubian, Carab Afrikaan gaalo iyo islaamba leh ay ka qoreen oo ku xushmaynayeen hawshii faraha badnayd ee Afka, qoraalka iyo Suugaanta ka qabtay oo lagu xusayay, iyadoo lagu sharfayay intii aannu geeriyoonba, balse qaradku kasoo hormaray.

This post is about a famous person who have passed away, to know more about this individual please click on the Read More button. Said Jama Hussein Cause Of Death Posted by osei donald journalist,music critic and netizen.

Allah haw naxariistee Siciid Jaamac Xuseen, sida uu sheegay Dr. Jama Muse Jama oo ah Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, wuxuuna xusay in ay taariikhda ballaadhan ee uu laaha Marxuum Qoraa Siciid Jaamac Xuseen (AHN) aannay ahayn wax Barnaamij keliya lagaga sheekayn karo, balse ay Barnaamiyo kale kusii deyn doonaan oo ay isla kaashanayaan Telefisahnka SaabTv, iyadoo Barnaamijkan uu daadihinayay Weriye Cali Axmed Raabbi (Cali Seenyo ) oo ah Abwaan qayb ka ah dhaqanka iyo suugnata, isagoo  ku martiqaaday qaar ka mid ah saaxiibada ugu dhowaa marxuumka oo kala ah , Rashiid Sh Cabdullaahi (Rashiid Gadhweyne) , Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com.

Qoraalo kale oo laga Qoray

Laxidhiidha: Qoraagii Weynaa Siciid Jaamac Oo Geeriyooday

Laxidhidiha: Said Jama Hussein was a well-known Somali scholar

Laxidhiidha: Rashiid Gadhweyne, Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac Oo Tilmaamo Ka Bixiyay Qoraa Siciid jaamac Xuseen Iyo Astaamihii Uu Lahaa

Laxidhidiha: Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Qoraa Siciid Jaamac Qaar Ka Mid Haldoorka Bulshadu

Laxidhiidha: A leading scholar and true enlightenment thinker passed away – Said Jama Hussein (1942 – 2022) Nabadgelyo Macallin.

Laxidhiidha: Said Jama Hussein Cause Of Death

This post is about a famous person who have passed away, to know more about this individual please click on the Read More button. Said Jama Hussein Cause Of Death Posted by osei donald journalist,music critic and netizen.

Laxidhiidha:Siciid Jaamac Xuseen: Magac iyo Meeqaan

Laxidhiidha: Geeridu Tudhaale Ma Leh

Laxidhiidha: Boqorkii ‘Sheekooyinka Gaagaaban’ Ee Soomaalida Oo Geeriyooday