Araweelo News Network.

Ma Jiro Shacbi leh dawladda kuma kalsoonin, Annaguna Wasaarad Ahaan….” Wasiir Cabdullaahi Abokor

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay sheekooyinka mad-madawga iyo murranka abuuray ee la xidhiidha qaabka dib u dhiska loogu samaynayo suuqa gubtay ee Waaheen iyo cidda maamulay.

Wasirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Cabdullaahi Abokor Image Araweelo News Network. 9 April 2022.

Wasirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Cabdullaahi Abokor oo wax laga weydiiyay arrintaa mar uu maanta hor yimi gollaha wakiillada, ayaa ka hadlay doorka wasaarad ahaan ee dib u dhiska Suuqa Waaheen.

Cabdullaahi Abokor oo la weydiiyay doorka wasaarad ahaan ay ku leeyihiin hawsha dib u dhiska Suuqa Waaheen iyo doorka Dawladda Hoose, wuxuu ku dooday in la raacayo xeerarka iyo dastuurka , isla markaana wuxuu xusay in ay cad yihiin doorka ay wasaarad ahaan ku leeyihiin hawshaa.

Hase yeeshee, wuxuu ka warwareegay su’aalo laga weydiiyay inuu caddeyo mawqifka wasarad ahaan iyo waxa uga qorshaysan hawshaa, isagoo ku adkaysatay in aannay shaqadu ahayn mid dawladda hoose qabanay, sidoo kalena aannay ahayn mid wassaaddu qabanay.

Sidoo kale, wuxuu Wasiir Cabdullaahi Abokor, meesha ka saaray dhawaaqyo maalmihii u danbeeyay soo baxayay oo sheegayay in aanay xukuumaddu faraha la gelin dib u dhiska suuqa Waaheen.

Mar uu ka jawaabayay dhawaaqyadaa, wuxuu sheegay in aannay jirin shacbi sheegay in aannay xukuumadda ku kalsoonayn, “Ma jiro Shacab keh dawladda kuma kalsoonin”sidaa awgeed hawsha dib u dhiska suuqa faraha looga qaado Dawladda Hoose ee Hargeysa, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid ka timi koox yar oo xisbiga Mucaraadka WADDANI, kasoo jeeda, balse aannay ahayn mid shacbiweynaha ka timi.

Muuqaalkan Ka Daawo

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com