Araweelo News Network.

Yaa Dhisay Suuqyada Hargeysa!!!

Waxa aan doonayaa in aynu saxno sida ay kala yihiin labadan magac ee midna layidhaa WAAHEEN kan kalana uu yahay SHIRAAQLEH. Marka aynu ka hadlayno asalka Suuq-waynaha Magacii Taariikhda ugu jiray waxa uu ahaa  loona yaqaanay SHIRAAQLEH (MUUSE SHIRAAQLEH)

Suuqa Gubtay ee Shiraaqle 1April 2022, Image Araweelo News Network.

Waan ogahay oo maanta Masiibo wayn ayaa inagu dhacday, maan jeclayn iyada oo Masiibo xoog lahi inoo taalo in Magac iwm aan soo hadal qaado, lakiin waxa aan dareemayaa in Magacyada oo la xafidaa lana saxaa iyada lafteedu ay tahay Dawladnimada iyo ilaalinta Dhulkeena Caanka ah.

Jahooyinka Suuqan Shiraaqleh waa sidan:

Ka bilaw Tiyaatarka Hargaysa, raac Jidka dhexe ee wayn illaa Telsom,kadibna u leexo Koonfur dhinaca  Xero-Hadhuudha soco illaa Biriijka wayn ee Hargaysa Afkiisa, kadib soo raac Dooxa adoo usoo kacaaya dhanka Bari illaa aad ka imanayso wadada dhabarka kasoo gasha Iskuulka Riis , intaasi ayaa Shiraaqle layidhaa.

Lakiin Magacan WAAHEEN waxa asal ahaan Dadka reer Hargeysa iyo Dawladii horeba ay u yaqaneen saxna ah dhismahii ay balaadhisay Dawladii Siyaad Barre, kadibna waxaa dib u dhis xoogan ku sameeyey Maayar Cawl Cilmi Cabdalla IHN kaasoo ka koobnaa Dhisme 340 Qol lana magac baxay Suuqa Waaheen.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah marka aynu ka hadlayno Masiibada Gubashada Hargeysa ku dhacday waa ay ila khaldan tahay in xataa Madaxdii Dalku aanay aqoonba u lahayn Magacyada sida saxa ah ay Hargaysa u leedsahay.

Iminka Suuqa Gubtay maaha WAAHEEN ee waa SHIRAAQLEH, Waheen waa dhisma yar ee ku dhex yaala Suuq waynaha SHIRAAQLEH. Tuusaale kale aan idin siiyo: Waxa aad in badan maqasheen Suuqa loo yaqaano IDAACADDA amma GOBANIMO , Suuqa Gobbanimo waxa layidhaa Dhismhii uu dhisay xilligii uu Maayarka Caasimadda ahaa Cawl Cilmi Cabdalla IHN ,waxaanu ku yaalaa  Afaafka Koonfureed ee Idaacada ama Radio Hargeysa ,lakiin Suuqa Gobanimo waxa uu ka mid yahay Suuq waynaha Idaacadda.

Waxa laga yabaa in aanay dad badani la socon Magacyadan iyo sida ay ku kala baxeen amma waxyaabaha ay ku kala astaysan yihiin, waxa ila fiican in Dawladdu ay xil iska saarto saxida Magacyada Suuqyada iyada oo markasta la raacaayo Caannimada Magaca iyo Tariikhda iyo raadka uu ku leeyahayba Hargeysa iyo dhamaan dalka oo dhan.

Laxidhiidha: Maayarkii Raadadka Dhaxalka Taariikhda Halganka Uga Tegey Somaliland Cawl Cilmi Cabdalle Oo Lagu Aasay Hargeysa

Muhiimada aan qoraalka ka leeyahay waxa ay tahay in aynu Sharci ahaan markasta Ilaalino Magacyada iyo Astaamaha ay Suuqyadeena iyo dhamaan Goobaheena caanka ahi ay leeyihiin.

Waxa aan rajaynayaa in Xarunta kaydka Tariikhda ee hadda laga dhisaayo goobtii Khayriyada in ay wax badan inoo qaban doonto , isla markaana aynu ku kaydin doono waxkasta oo u baahan in aynu xafidno, Haddii kale waxaynu arki iyada oo Beerta-Xoriyada loo bixiyey Magac ayaynaan aqoon.

Adiga akhriste maxay kula tahay?

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar