Araweelo News Network.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ka qaylisay mar keliya dhiirigelintii iyo jacaylkii ay qabeen Baraha Bulshada Shacbigana uga Digay

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa hadashay xaaladda Abaarta, Biyo la’aanta, amniga iyo arrimo kale, xilli ay deegaamada qaarkood galeen xaalad qalafsan oo u muuqatay in xukuumaddu indhaha ka lalinaysay , balse ay gaadhay in laga soo sheegay deegaamada qaarkood, gaar ahaan kuwa ugu daran ee gobollada Togdheer iyo Sool ay dad u geeriyoodaan macaluul iyo Biyo la’aan.

ALT: Koore Araweelo News Network
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) IMage file, Araweelo News Network 20 April 2020.

Shirka Gollaha Wasiiradda Somaliland ee Khamiistii maanta ayaa lagaga hadlay xaaladda kasii daray, wallow aannay warbaahintu goob joog ka ahayn, balse markii uu dhammaaday shirkaa oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa sharaxaad ka bixiyay arrimaha lagaga hadlay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Cali Koore, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda.

“Gollaha wasiirraddu waxa ay si qoto dheer uga wada-hadleen xaaladdaha abaarta dalka, iyada oo madaxweynuhu uu hore ugu dhawaaqay guddi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenku oo ay ku jiraan dadka wax garadka ahi, hawshoodiina si wacan bay u socotaa, meelihii loogu talogalay iyo sidii ay wax u kala darnaayeen shaqadii way uga socotaa, xukuumad ahaan waxa la isla gartay in hawshaas si baaxad leh loogu diyaargaroobo, iyada oo lala kaashanayo ciddii ay hawshaasi khusayso, umadda reer Somaliland iyo dadka muxsiniinta ah.”ayuu yidhi, Koore.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in shirka lagaga hadlay sidii ay bulshadu uga taxaddari lahayd, wuxuu ugu yeedhay Been abuur iyo jaah-wareer ka socda baraha bulshada (Social media), sidaa awgeed wuxuu sheegay in ay shacabka usoo jeedinayaan inay ka dheeraadaan wararka goobbahaas lagu faafinayo oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo runta iyo xaqiiqadaba ka dheer, isagoo aan wasiir Koore caddayn waxa xukuumaddu uga qayllisay mar keliya dhiirigelintii iyo jacaylkii ay qabeen Baraha Bulshada oo sida la ogyahay siyaasadeeda dagaalka ka dhanka ah warbaahinta rasmiga ah ee Maddaxa banaan si loo diciifiyo ay dhaqaalaha ugu baddan ku bixinaysay Afartii sannadood ee u danbeeyay baraha Bulshada Been iyo Runba n lagu qoro Xukuumadda Madaxweyne Biixi , balse Wasiir Koore ayaa xilligan ugu baaqay Bulshada in ay iskana hubiyaan wax kasta oo baraha bulshada lagu daabaco.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com