Araweelo News Network.

Caabuqwaaq-ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Gal-gaduud, halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey.

 

Safarka Ra’iisal Wasaaraha Somalia  ku tegey degmada Caabudwaaq ayaa lagu macneeyay ujeedadiisa mid salka ku haya sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo amniga deegaanka.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, isagoo sheegay inta uu joogo inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qaybaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq, taas oo lagu adkaynayo horumarka iyo amniga. Sida lagu qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, kaas oo nuqul ka mdi ah soo gaadhay shebakaddaha Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa uga tacsiyadeeyay bulshada Caabudwaaq saraakiishii lagu laayay deegaannada u dhexeeya Balanbale iyo Gurceel, wuxuuna amray in si dhaqso ah loo horkeeno caddaaladda kooxihii dalka geystay.

“Bulshada Caabudwaaq waxay caan ku yihiin dalka iyo dowlad jeceyl, waxaan ka tacsiyadaynaynaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee lagu dilay Balanbale, dowladduna kama gaabinayso in danbiilayaashii falka geystay gacanta lagu soo dhigo”.

Ra’iisal wasaare Rooble. Ka hor intii aannu gaadhin degmada Caabudwaaq, wuxuu deegaanka Huurshe kula hadlay qaybaha kala duwan ee shacabka, isagoo uga mahad celiyay sida ay u soo dhaweeyeen, isagoo markaa kaddib kulamo la yeeshay Odayaasha deegaanka iyo waxgaradka oo uu kala hadlay dhowrista nabadda, una balan qaaday in dowladdu ka fulin doonto mashaariic horumarineed. Sida lagu sheegay qoraalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo todobaadyadii u danbeeyay booqashooyin ku marayay qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaa Safarkiisa ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Gal-mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wasiirro, Xildhibaanno iyo madax kala duwan. Ayaa lagu yidhi, qoraalka.