Araweelo News Network.

#TPLF “Muddo intee le’eg ayuu dagaalkan sii qarsoonaan doonaa”

Addis Ababa(ANN)-Xoogaga Jabhadda Xoraynta Dadweynaha Tigray, TPLF, ayaa sheegay in dagaalku weli socdo oo lagu jebiyay ciidamada dawladda Ethiopia.

Kooxda TPLF, oo ku jira dagaallo hubaysan oo ka dhan ah dowladda federaalka iyo ciidamada Ereteriya, ayaa ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Tigree ee Ethiopia, halkaas oo laga soo sheegayo dagaalo aan joogsi lahayn.

 

Getachew Reda, oo ah wasiirkii hore ee isgaadhsiinta dawladda Federaalka Ethiopia, xilligana  ah la taliyaha Madaxweynaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa ku shaaciyay bartiisa Twitter qoraalo taxane ah oo uu kaga hadlayo dagaalka gobolka Tigray.

AKHRI: Dagaalka Xadka Suudaan Iyo Ethiopia Ee Xadka Iyo Jawaabta Xukuumadda Addis Ababa

Sida laga soo xigtay Getachew Reda, dowladdu waxay sii waday inay diiwaangeliso khasaaraha culus ee dhinacyada dagaalyahannada iyo qalabka, laakiin waxay doorbideen inay qariyaan dhacdooyinkan iyaga oo ka xakamaynaya sheekada warbaahinta.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

“Inta aan qorayo tan, xoogagga cadawga waxaa lagu jabiyey Zana, horena boqolaal askari ayay ku waayeen  Adet iyo Tsimbla. Cadawgu wuxuu lumiyay hubkii ciidanka cirka ee BietMara, dagaalkuna wuxuu ku socdaa dhinacyo badan, ”ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter.

Waxa lagu soo waraamayaa in Xaaladda hadda ka jirta gobolka Tigray, ay tahay mid wer-werkeeda leh,  iyadoo loo marayo dhinaca bani’aadamnimada.

Tan iyo markii dagaalku ka bilaabmay halkaa horaantii November 2020, kumanaan kun oo Ethiopian ah, ayaa ka qaxay gobolka, kuwaas oo u qaxay dalka ay deriska yihiin ee Suudaan. Sidoo kale waxa lasoo sheegayaa inay jirto awood la’aanta gargaarka bani’aadamnimada ee muhiimka ah ee ay la wadaagaan saaxiibada dibadda si ay u gaadhaan dadka u baahan smata bixinta, waxaana laga cabsi qabaa macaluul baahsan oo ka dilaacda halkaa.

Kooxda TPLF, ayaa ka baxday  Mekelle, taas oo  loo qaatay in ay ka ilaaliyaan bur-burka magaalooyinka, waana sababta ay si iskood ah ay uga baxeen hogaamiyaasha kooxda TPLF.

Hase yeeshee madaafiicda iyo dagaalku sii socday xataa markii ay ka baxeen Mekelle, isla markaana weli ay xaaladda gobolku tahay mid dagaalo ka socdaan, waxa lagu xaqiijiyay warbixinaha ka imanaya, sidoo kale, waxa lagu caddeeyay sheekooyinka dhibbanayaasha oo ay tabinayaan warbaahinta toddobaadyo kadib markii howlgalka lagu dhawaaqay in la soo afjaray.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa dhowaan booqday Mekelle, balse waxa muuqatay in aannay xaaladdu deganayn oo aannu dhaafin Madaarka, walaw xukuumaddu sheegtay inuu ka qaybgalay xaflad qalin jebin ah oo Jaamacadda lagu qabtay.

“Muddo intee le’eg ayuu dagaalkan sii qarsoonaan doonaa, dhammaan waxyaabihii uu Abiy nagu sameeyay dagaalka socda, xannibaadda isgaadhsiinta ayaa ah mid aad u bur-bursan sida masiibada bani’aadamnimo ee uu usoo saaray gobolka,” ayuu yidhi, Reda.