Araweelo News Network

Beressles (ANN)-Dagaalka Ukraine ayaa galay toddobaakii Aflraad, iyadoo Millateriga Ruushku qabsadeen inta baddan Magaalooyinka, wallow ay waajahayaan caqabado Iska caabin ah meelaha qaar.

alt: Araweelo News Network.
US President Joe Biden, Image file Araweelo News Network. 27 August 2021.

Hase yeeshee weli duqaymaha iyo hareeraynta ayaa ku socda Magaalada Caasimada ah iyo kuwo kale, iyadoo dalalka Yurub ay la tacaalayaan dhawr Milyan oo qoxooti ah, kuwaas oo ka firxaday dagaalka oo si weyn u saameeyay Yurub iyo dunida kale.

Dhinaca kale, Washington ayaa daaha ka qaaday cunaqabatayn cusub oo ay kusoo rogtay sharci-dejiyayaasha Ruushka iyo qandaraaslayaasha Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Washington waxay tilmaantay in loo baahan yahay in dalalka G7 ay xubinimada kala noqdaan Ruushka, isla markaana la xayiro kaydkiisa dahabka.

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo Maraykanku kusoo rogayo 328 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Ruushka ah Duma State iyo 48 shirkadood oo difaaca Ruushka ah.

Tallaabooyinka cunaqabataynta cusub waxaa ku jira xayiraadda hantida u taal Maraykanka, iyadoo ay la jaan qaadayaan kuwii ay hore u qaadeen Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Kanada, balse xayiraadaha ayaa saamayn ku yeeshay dalalka laftooda iyo guud ahaan dhaqaalaha dunida.

“Waxaan ku dhawaaqayaa cunaqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogayo in ka badan 400 oo sharci-yaqaanno ah, dad caan ah iyo shirkaddaha difaaca ee Ruushka, taasoo jawaab u ah dagaalka uu Putin uu ku qaaday Ukraine,” ayuu Biden ku soo qoray Twitter-kiisa.

Sidoo kale, wuxuu yidhi, “Waxay shirkaddahaas iyo shakhsiyaadkaas cunaqabataynta lagu soo rogay ka faa’iideysanayaan siyaasaddaha Kremlin-ka waana in ay xanuunka la wadaagaan.”

Dadka xayiraadda lagu soo rogay waxaa ka mid ah Hermann Graf, oo ah madaxa Sberbank, oo ah hay’adda maaliyadeed ee ugu weyn Ruushka, taas oo la talinaysay Putin tan iyo 1990-meeyadii.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ahaa qofka ugu cad cad seddexda shir ee isdaba jooga ah, iyadoo ay kulmeen dalalka xubnaha ka ah NATO ee- 30-ka ah iyo 27-ka xubnood ee Midowga Yurub iyo sidoo kale shir-madaxeedka toddobada dal ee waaweyn WE G7.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa kasoo qayb galay shirka, isagoo ugu baaqay hoggaamiyayaasha NATO in ay hub usoo diraan ciidamadiisa, iyada oon wax shuruud ah lagu xidhin.”

NATO ayaa marar badan meesha ka saartay dalabka Kyiv ee ah in la sameeyo aag duulimaadka ka caagan, waxaana ay sheegtay in aannay ciidamo u diri doonin Ukraine cabsi laga qabo in Ruushka oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka uu sii ballaariyo colaadda.

Hase ahaatee isbahaysiga ayaa xaqiijiyey in Kyiv ay xaq u leeyahay in ay is-difaacdo, wuxuuna isbahaysigu ballan qaaday in uu hub siin doono, wallow at horeba ugu balan qaadeen, balse weli waxa ay ka wer-werayaan talaabada uu Ruushku kaga jawaabayo haddii ay ku dhaqaaqaan.

Waxaana xusid mudan in Maraykanku uu sheegay in isaga iyo xulafadiisu ay kawada xaajoon doonaan in gantaalada lidka maraakiibta loo diro Ukrainr, welise kuma dhiiran Washington.

Madaxweynaha NATO Jens Stoltenberg ayaa ku adkaystay in isbahaysigu ay ka go’an tahay inay sii wadaan cunaqabataynta Ruushka si loo soo afjaro dagaalka oo uu ku tilmanay mid naxariis darrada ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com