Hubka Wax Gummaada Iyo Saannada Millateri Oo Lagu Daabulayo Gobolka, Hanjabaadaha Iyo Dhawaaqyada

Araweelo News Network.

Tokiyo(ANN)-Dagaalyahan mutadawaciin ah oo u dhashay dalka Jaban, ayaa qayb ka noqday baaqa qaylodhaanta ee Ukraine dunida kaga dalbatay dagaalyahan mutadawaciin ah oo ka difaaca ciidamada Ruushka.

Kooxda mutadawiciinta caalamiga ah oo ay dalbatay Ukraine, ayaa kusoo waajahan dalkaa.

70 nin oo u dhashay dalka Japan ayaa ka jawaabay baaqa Ukraine ee ahaa in mutadawiciin ajaanib ah ay la dagaalamaan ciidamada Ruushka.

Ralated: AU responds to outrage over #racist treatment of #Africans fleeing #Ukraine war

Tiradaa waxaa ku jira 50 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Is-difaaca ee Japan iyo laba ka tirsanaa Guutada Dibadda ee Faransiiska, sida laga soo xigtay Mainichi Shimbun oo ah wargays maalinle ah oo kasoo baxa Tokyo.

Safaaradda Ukraine ee dalka Japan, ayaa sheegtay Arbacadii in ay sidoo kale u baahan tahay mutadawiciin leh khibrad caafimaad, khuburo dhanka IT, isgaadhsiinta, iyo kuwo khibrad u leh  la dagaalanka dabka.

Arrintan ayaa ka danbaysay, kaddib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy Axaddii ugu baaqay dalalka aduunka in la soo diro mutadawaciin.

Boqolaal qof oo ka jawaabayay dalabka qayladhaanta ee Ukraine, ayaa dhiirigelilay daraasiin kale oo kala yimi daafaha caalamka, kuwaas oo ay ku jiraan mutadawaciin UK.

 Kooxahaa, ayaa doonaya in ay la dagaalamaan oo ciidamadda Ruushka waajahaan, kuwo kalena ay hawlaha gargaarka ka qayb qaataan.

Laxidhiidha: Putin Oo Amray Nukliyeerka Xilli Dagaalka Ukraine Gilgilay Qaarada Yurub

Hase yeeshee xukuumadda Japan ayaa uga digtay miwaadiniinteeda in ay u safraan Ukraine, waxayna ku tilmaantay arrinta safarka Ukraine mid khatar ah.

Xoghayaha Golaha Wasiirada Japan, Hirokazu Matsuno ayaa Arbacadii sheegay in aan loo baahnayn arrintaa, “Wasaaradda arrimaha dibadda Japan waxay soo saartay la-talin daadguraynta dhammaan Ukraine, waxaana doonaynaa in dadku joojiyaan dhammaan safarka Ukraine, iyadoon loo eegin ujeedada booqashadooda.” Ayuu yidhi.

“Waxaan la xidhiidhaynaa safaaradda Ukraine ee Japan, waxaana ay tilmaamtay in la-talinta daadguraynta ee mutadawaciinta ay jirto.”ayuu yidhi.

Dagaalka, ayaa galay maalintii Lixaad oo ciidamadda ruushku garaacayaan goobo muhiim ah, iyadoo madaafiicda iyo gantaalaha si darndoori ah loogu wado.

Hanjabaadaha iyo canbaaraynta ayaa noqday kuwo daqiiqad walba soo baxaya, iyadoo hubka iyo saannada Millateri lagu daabulayo gobolka, isla markaana dagaalka ayaa sababay in qoxooti gaadhaya dhawr Milyan ka qaxaan Ukraine, waxaana laga cabsi qabaa inuu noqodo dagaalkii ugu xumaa ee sababa khasaare baaxad leh iyo qoxooti, wixii ka danbeeyay dagaalkii koowaad ee aduunka.

Sidoo kale, dagaalka ayaa si weyn u liiciyay saamiyada suuqyada caalamka, iyadoo xulufada NATO cunaqabatayno ay ka ah dagaalka oo dhinaca dhaqaalaha ah lagu soo roggay ruushka, waxayna tallaabooyinka iyo dhawaayadu marba marka ka danbaysa sii holcinayaan xiisadda dagaalka oo hadda baaxadiisu gobolka ku fiday.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com