Araweelo News Network

xasancalikhayre

Muqdisho (ANN)- Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa si lama filaan ah degdeg ugu magacaabay ra’iisal-wasaaraha xukuumaddiisa cusub subaxnimadii hore ee shalay.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu xilka ra’iisal-wasaaraha maamulkiisa cusub u doortay Mr. Xasan Cali Khayre oo ah qurbo-joog cimriga noloshiisa ku soo qaatay dalalka Norway oo uu dhalashadiisa haysto iyo Ingiriiska ee qaaradda Yurub.
Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Madaxweyne Farmaajo magacaabay oo ah 50 jir ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxa uu ka soo shaqeeyey hawlaha samafalka, cilmi-baadhista, ganacsiga iyo maamulka.
Taariikhda Ra’iisal-wasaare Khayre iyo fadeexado dul-hoganaya:
Mr. Xasan Cali Khayre, waxa uu ku dhashay dalka Soomaaliya sannadkii 1967-dii, waxaannu waxbarashadiisii hoose iyo sare ku dhammaystay magaalada Muqdisho.
Intii u dhexeysay sannadihii 1994 -1998 ayuu ka baxay Jaamacadda University of Oslo ee dalka Norway, isagoo ka diyaariyey darajada 1aad ee cilmiga siyaasadda iyo Sociology. Darajada 2aad ee Master-ka wuxuu ka qaatay MBA Jaamacadda Thoroughgoing ee waddanka Scotland sannadkii 2001.
Waxa uu noqday shaqsi si weyn ugu dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Oslo, waxaannu la soo shaqeeyey Ururka Ardayda Soomaaliyeed “Somali Student Association” iyo Foreign Union Student Movement ee caasimadda Norway.
Markii uu helay shahaadadda MBA, wuxuu ka hawlgalay Hay’adda Qaxootiga Norway (NRC).
Sannadihii 2002 ilaa 2005 waxa uu ku dhex jiray hawlo dhanka ganacsiga ah, kadibna sannadkii 2006 ayaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiisyada Soomaaliya, Kenya iyo Geeska Afrika ee hay’adda NRC, waxaannu muddo toban sanno ah ka shaqaynayey arrimaha gargaarka, gaar ahaan cilmibaadhisaha la xidhiidha abaaraha oo uu ka fuliyey degaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu sannadkii 2013 ka soo shaqeeyey shirkadda Soma Oil and Gas, taas oo qayb ka ahayd muranka xuduuda dhinaca Badda Soomaaliya ee Kismaayo oo shirkadda SOMA OIL qayb ka ahayd murankaa Kenya ku doonaysay inay ku boobto Badda Soomaaliya, iyadoo uu ka mid ahaa saamilayda shirkadda SOM OIL oo loo haysto arrimaha iyo fadeexado culus ku saabsan musuqmaasuq baahsan oo lagu soo oogay masuuliyiinta shirkaddaas ee uu ka midka ahaa, kuwaas oo ay dacwadooda gacanta ku hayso maxkamad ku taal magaalada London ee carriga Ingiriiska.
Waxa uu ku hadlaa luqadaha Soomaaliga, Ingiriisida iyo Norwegian, waana Aabbo haysta saddex carruur ah – laba wiil iyo gabadh.
Dhinaca kale, Kooxda Monitoring Group ee Qarammada Midoobay u qaabilsan cunaqabateyta hubka ee waddamada Soomaaliya iyo Ereteria, ayaa ku eedeeyey Ra’iisal-wasaare Xasan Cali Khayre inuu xidhiidh dhow la leeyahay kooxda Al-shabaab sannadkii 2014, inkastoo ay mar dambe warbixin kale ku beeniyeen eedayntaas, isla markaana raalligalin ka bixiyeen.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dad badan saadaalinayaan inay magacaabistiisa saamayn ku yeeshaan tuhunno la xidhiidha fadeexado musuqmaasuq hore loogu shaambadeeyey iyo weliba inuu gacan-saar la leeyahay xoogagga Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, gaar ahaan afhayeenka guud ee kooxda Sheekh Cali Raage (Cali-dheere) oo ay qaraabo aad u dhow yihiin Ra’iisal-wasaare Khayre.