Araweelo News Network
GuddoomiyahaWADDANI
Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in mucaaridnimadu tahay sidii loo tilmaami lahaa galdaloolooyinka shaqo ee cidda xilka haysa, sidaa darteedna aanay ahayn in laga xanaaqo gal-daloolooyinka la sheego.
Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey sannad-guuradda lixaad ee kooxda kubbadda cagta ee Kirix oo lagu qabtay Hargeysa , waxa kaloo uu iftiimiyey in xilka Guddoomiyenimo ee uu ka hayo Golaha Wakiilladu yahay kursiga qudha ee ka maqan xukuumadda KULMIYE.
“Shalay KULMIYE ayaa ahaa mucaarad, maantana WADDANI baa ah mucaarad, qarankuna wuu inaga dhexeeyaa oo inagaa wada leh ama mucaarad aynu wada noqono ama muxaafid aynu wada noqono, ninka xukunka hayana waxa looga baahan yahay inuu wax qabto, ka kalena (ee mucaaridka ah) in uu tilmaamo galdaloolada jirta ayaa looga baahan yahay, markaa haddii galdalooyinka la tilmaamo yaan aad loo xanaaqin horta,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kaloo uu ka hadlay xilkiisa Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiillada oo uu xusay inuu yahay kursiga qudha ee ka maqan xukuumadda KULMIYE, waxaannu yidhi; “KULMIYE malaha xilka Golaha Wakiillada ee aan hayo uun baa ka maqan, Wasaaradihii isagaa haysta, maareeyayaashii isagaa haysta, Badhasaabadii isagaa haysta, Maayaradii isagaa haysta, markaa haddii xilka guddoomiyenimo ee aan ka hayo Golaha Wakiilladu haddii ay u dhiganto inta KULMIYE haysto oo dhan waa Alxamdulillaahi Rabbil-Caalamiin.”
Guddoomiyaha WADDANI, ayaa mar kale sheegay in saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu aannu wax faa’iido ah u lahayn qaranka Somaliland, waxaannu yidhi;
“Arrinta Saldhigga meelo badan baan kaga hadlay, doodana waan kaga qeybgalay, maantana waan ku celinayaa oo mar muwaadin baan ahay oo nin reer Somaliland ah baan ahay, waxaanan xaq u leeyahay, dastuurkuna uu ii siinayaa in aan fikirkeyga cabbiro, marna mas’uul baan ahay oo xil baa i saaran, hore ayaan uga hadlay wixii ka dhacay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada gole. Xukuumadda Somaliland dastuurka ayaa siiyey awooda ugu badan qaranka, waxa ay xaq u leedahay oo aan doonayaa in aan mar kale ku celiyo, dhowr jeer oo horena aan idhi in ay Xukuumaddu heshiis gasho iyada oon weydiisan Baarlamaanka iyo Guurtida toona midna, xaq dastuuri ah bay u leedahay in ay gasho, laakiin waxa xaq loogu leeyahay in ay golaha keento wixii ay soo gashay, wixii ay Xukuumaddu keentay waad garaneyseen, waxa ay ahayd waraaq cad oo habeenimaddii la soo daabacay oo aan heshiis ahayn oo la leeyahay waa heshiis, xildhibaanadii yidhi heshiiskaas ha la keeno na waad ogeydeen wixii ku dhacay oo waa la garaacay, iyagoo weliba xasaanad leh, xildhibaanka lama garaaci karo lama xidhi karo, fikirkiisana lagu ma ceebsan karo, intaasiba dastuurka ayey ku qoran tahay in uu xaq u leeyahay.”
Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo hore u sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidda ka soo horjeedsata hirgelinta saldhigga millatari ee dawladda Imaaraadku ka samaysanayso madaarka Berbera.
“Wasiirro ayaan ka maqlayey leh laga ma hadlo karo saldhigga, Saldhigga Somaliland baa laga sameynayaa, muwaadin kastaana xaq buu u leeyahay in uu ka hadlo, anigaa ka hadlaaya, idinkuna waad ka hadli kartaan ama taageera ama ka soo horjeedsada, laakiin in uu ka hadlo muwaadinku xaq buu u leeyahay, waa laga hadlayaa saldhigga, waa laga hadlayaa, muwaadinku xaq buu u leeyahay, waxaanan u aragnaa oo aan anigu u arkaa oo Xisbiga WADDANI u arkaa in aan Somaliland dan ugu jirin, waxaannu u aragnaa in dagaalka hareeraheena ka socda loo soo dhoofinayo Somaliland, waxa aan idiin sheegayaa aqaladiinu maaha nabadgelyo maanta oo Somaliland waxa ay tidhi weliba Wasiirka Madaxtooyadu dagaalka qeyb baanu ka nahay, goormeynu qeybta ka noqoney? Yaa ansaxiyey? Baarlamaan lama keenin, Madaxweyne kuma dhawaaqin, dagaal aynu qeyb ka nahayna ma jiro. Xukuumadduna marka heshiiskaas saldhigga ay keento xaq bay u leedahay in loo oggolaado iyo in loo diidaba, laakiin waxba ba may keenin ee waxa aanu leenahay horta heshiiska keenaa, weliba waxa la lahaa cid kalaa saxeexday ee halkaana ha caddeyso haddii cid kale saxeexday iyo haddii kaleba waxa loo qarinayaa way soo bixi doonaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu.

Waxa kaloo uu hambalyo u diray kooxda kubbadda cagta ee Kirix oo u dabaaldegtay sannad-guurada lixaad ee ka soo wareegtay aasaaskooda, waxaannu yidhi; “Marka hore aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa dhallinyarada halkan ku qabsaneysa xafladda ay ugu dabbaal-degayaan sannad-guuraddooda lixaad ee ciyaaraha, waxaanan si gaara ugu mahadnaqayaa ninkaa dhallinyarada ah ee kooxdan hadda gacanta ku haya, runtii waa nin idinka idin le’eg. Waxa aan qirayaa runtii in uu yahay tusaale lagu deydo, markaa aynu sacabka u tunno, ganacsatada kale ee Somaliland-na waxa aan u soo jeedinayaa in ninkaas ay ku deydaan oo meheraddiisu waa meherad yar, se waxa aynu leenahay meherado badan, tujaar badan iyo meherado badanba waynu leenahay, markaa sidii halkan laga sheegay waxa aan u soo jeedinayaa in ay dhiirigeliyaan dhallinyarada, waxaana aan ku faraxsanahay in ninkii Kirix uga horeeyey kooxda uu ahaa mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo ahaa Xildhibaan Xasan Cawaale, isagana waan hambalyeynayaa muddadaas dheer ee uu kooxda gacanta ku soo hayey, marka kalena waan hambalyeynayaa Kooxdan oo hadda lix jirsaday, waxaana aan rajeynayaa in ay ka soo dhex baxaan dhallinyaradii u ciyaari lahayd Somaliland ee magaceeda kor u qaadi lahayd.”

“Waxa kaloo aan halkan kaga dhawaaqayaa in ka Xisbi ahaan aanu lacag $1000 ah kaga qeyb-qaadaneyno dhiirigelinta iyo kobcinta ciyaaraha ee Kooxda Kirix, waxaanan rajeynayaa in aad noqon doontaan kuwii dalkooda anfaca,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxa kaloo uu ka hadlay abaarta ka taagan dhulka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aynu ku jirnaa xili abaar ah oo aad u adag runtii ayeynu ku jirnaa haddii aynu Somaliland nahay iyo geeska ba, dadkii na dhibaato ayaa haysata, gaar ahaan dadka aan magaalooyinka ku nooleyn ee miyiga ku nool, markaa abaarahaas na Alle ha inaga soo jebiyo oo Raxmaadkiisa ha ina soo waraabiyo.”