Araweelo News Network

Araweelo News Network

aasqaranmarxuumcasayr1Berbera(ANN) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland aanay cidba ka aqbalaynin inay khalkhalgaliso Amaanka dalka.
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena sheegay in Taliyihii qaybta Booliska Gobolaka Saaxil Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Maxamed (Casayr) ee dhawaan lagu fuliyay dilka foosha xun aan dilkiisa lagu eedayn Karin deegaan, isla markaana aan laga dilin deegaan gaara ee uu ka baxay Qaranka Somaliland.
Wasiir Maxamuud Xaash, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu ka hadlayay Aas Qaran oo marxuunkaasi loo sameeyey Jimcihii maanta Magaalada Berbera, wuxuu xusay in Xukuumaddu ay gacanta ku soo dhigtay dadkii Dilkaasi gaystay, isla markaan la hor gayn doono Maxkamada, ayna heli doonaan Cadaalad.

“ Dhamaanteen waxaynu nahay Adoomo ILAHAY oo geeri ku xukuman. ILAHAY isaga oo Nabi Maxamed la hadlaya ayuu yidhi “ Adiguna waad dhimanaysaa kuwa laguu soo dirayna way dhimanayaan.” Dhamaanteen waynu dhimanaynaa qaabka aynu u dhimanayno, iyo wakhtiga aynu dhimanayno ayuunbaynu ku kala duwan nahay, waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid taliyihii qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Gaashaanle C/risaaq Yuusuf Maxamuud. dhamaan Qaranka Somaliland ayuu ku baxay oo xil qiimo leh uu u hayey, waxaan tacsidaynayaa Ciidanka Booliska Somaliland, si gaar ah waxaan u tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka sheekeyey taariikhdii Taliyahaasi la dilay waxaanu yidhi “ Cabdirisaaq Sooyaalkiisa taariikheed iyo Aqoonta shaqsi ee aan anigu u leeyahay wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo ka soo qayb galay halgankii dalkan lagu xoreeyey isagoo wakhtigaa aad u yar, markii Ciidanka booliska Somaliland la aas-aasay bilowgii dhalinyartii ku biirtay ayuu ahaa, wuxuu ka soo bilaabay Taliye Saldhig, waxuu lahaa ruux Hogaamineed, isagoo dhalinyaradii la Qarameeyey ah ayaa ka arkay Hogaamintiisa kolkaas ayaa taliye Saldhig laga dhigay. Ka dib waxa uu noqday ku xigeen Taliye qaybeed, Taliyaha hawl galinta ee Gobolka Sanaag ayuu noqday, markii dambena wuxuu noqday Taliyaha Gobolka Sanaag. Gobolka Maroodijeex ayuu qaybta bari Taliye ka noqday imikana wuxuu geeriyooday isagoo shaqadii qaranka ee Gobolka Saaxil gacanta ku haya. “
Mudane Xaashi ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Qiimaha ay Saraakiisha ciidanku bulshada ku dhex leeyihiin waxaanu yidhi “ Ragga Ciidamada amaanka ka shaqeeyaa maaha calooshood u shaqaystayaal, maaha rag mushahar yar dhaafsaday xilka ay hayaan iyo darajada oo kaliya, laakiin waa dad ILAHAY agtiisa mushqaayad wanaagsna ku leh. waxay ka shaqeeyaan Nabada iyo kala dambaynta, qofna Cawo barri kuma seexdeen hadii aanay kuwaasi amaanka gacanta ku hayn, Marxuunkaas khayr iyo wanaag ayeynu u rajnaynaa, Khaatumo iyo Naxariis ayeynu u rajynaynayaa. Islaax ayuu u socday, waxa logu yaqaanay Dulqaad, wuxuu ahaa nin dagan oo aan fududeyn, wuxuu ka soo jeeday qoys madax dhaqameed ah, Aaabihii ayaa ka mid ahaa Cuqaasha waaweyn ee Gobolka Sanaag, nin Taliya kaliya ah muu ahayn ee dadka wuu ka dhex odayeyn jiray.”
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa sidoo kalena bogaadiyey ciidmada Somaliland ee soo qabtay dadkii dilay sarkaalkaasi waxaanu yidhi “ Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Hawl galka fuliyey ee baadi doonay dadkii falkaa fuliyey. Shilalka iyo Dilalkuba dunida way ka dhacaan, meel aan Dunida dil ka dhicini ma jiro Wadamada ugu xooga waaweyn ayaa Madaxdooda la laayaa oo Wasiiro iyo Madaxweyneyaal ayaa la dilaa, maaha wax qarankan Ceeb iyo gaf ku ah oo la xoqo maxaa Taliyeyaasha iyo madaxda loo dilayaa Laakiin waxa ay tahay in Xukuumaddu dadka dambiyadaasi gaystay sharciga la horgeeyo, Muwaadiniinta qarankan hadhkiisa ku wada nool, amaankooda Xukuumadda ayaa ka masuul ah, waajibka Xukuumadda iyo xil gudashadeed lagu qiimeeyaa waxa weeye maxaa talaabo laga qaaday falalka dhacaya,? mala qabtay cidii gaysatay,? Maxkamadda mala taagay oo Cadaaladda ma loo bandhigay?, Taasaa lagu qiimeeyaaa.”
Wasiir Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray “ Ciidmada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxay fuliyeen hawl gal guulaystay, waxaanay muujiyeen Geesinimo, waxay hawl gal balaadhan ku qaaadeen ragii sharciga baal maray ee shuftada ahaa, Gobolkana dhacdooyin badan la fuliyey, dalkan Jabhado kama jiri karaan, Qoryana laguma qaadan karro Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland amaanka iyadaa ka masuul ah. Gobolka Awdal waynu ogayn dhacdooyinkii ka dhacay ee Amni darrada ahaa, Sool waynu ognahay, waxaas oo dhan waxay Ciimaddu habeen iyo maalin u heegan yihiin inay Amniga Qarankan sugaan muwaadiniintiisuna ay Nabad ku noolaadaan, qofna aanu ka werwerin Nabadiisa iyo Noloshiida, waan ku bogaadinayaa arrintaa.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan aanay cidnaba ka aqbalaynin in ay khalkhal galiso amaanka Dalka waxaanu yidhi “ Waxaanu Xukuumad ahaan halkan ka cadaynaynaa in aanay suuro galaynin in Qarankan ciddi ay khalkhal galiso Amnigiisa. Qarankani waa Qaran Gaamuray oo mudo soo dhismayey, oo qori isu dhiib ku yimid oo Nabadiisa Tacab, Dhiig, Dheecaan iyo dhaqaale badaniba ay ku baxeen, maaha wax shaqsiyaad, koox iyo shufto ay khalkhal galin karaan.”
“ Dadkaa la qabtay waxa la hor gayn doonaa Cadaaladda, waxaany heli doonaan Cadaaladd sugan. Soo qabashadoodu guul ayey u tahay dhamaan Ciimada Qaranka Somaliland. Marxuun Cabdirisaaq kama dhiman Qoys gaara laakiin Qaranka ayuu ka dhintay, Umadda ayuu xil u hayey waxaas oo masuuliyiin iyo Ciidamo ahi hadaanuu masuul qaran ahayn may yimaadeen halkan, Aas Qaran looma qabteen, Qoyskiisiina Samir ayaa huran Qarankana Samir ayaa huran.”
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kale sheegay ina Shilalka noocan oo kale ah aanay ahayn in dadka Somaliland ay isku colaystaan “ Arrintani maaha mid laysku colaysto oo la yidhaa Reer Hebel ayaa dilay. Cabdirisaaq Reer ma dilin, Qoysna lagama dilin Qarankaa laga Dilay, waxa dishay koox budhcad ah oo dambi Qarankan ka gashay Maxkamadd ayaana la keenayaa, Shacabka Somaliland waxa la gudboon Midnimo iyo wadajir, arrimana oo kale markay dhacan maaha in la qodqodo aadbaan uga xumahay sida dadka qaarkii ay arrintan ugu hadleen gaar ahaan dadka Facebook-ga isticimaala.”
Mudane Xaashi ayaa ugu dambayntii dadka Reer Somaliland ugu baaqay inay Ilaashadaan Midnimada iyo wadajirka Dhexdooda iskana ilaaliyaan qabyaaladda waxaanu yidhi “ Cabdirisaaq qoys ma dilin ee kooxbaa dhishay, kuwiina waala hayaa, haday cidi ka maqan tahayna waa la helayaa waan hubaa cid Qaranka ka Qarsoomi kartaa ma jirto, Xaqiiq waxa ah kuwii shalay Waqooyiga falka ka fuliyey Gacanta ayaanu ku haynaa, kuwana waanu haynaa cid wal oo Qaranka khalkhal galisana gacanta ayaanu ku dhigaynaa, waxaan Muwaadiniinta Somaliland u dardaaramayaa Nabada inay ilaaliyaan Ciidamada Amaanka la shaqeeyaan, Midnimada ilaaliyaan Qabyaalada iska ilaaliyaan.”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347