Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa nasiibdaro iyo maamul-xumo ku macneeyay mushkiladdaha maceeshada iyo shidaalka oo qiimahu si weyn kor ugu kacay Somaliland mudooyinkii u danbeeyay.

“Waxaa Wax Laga Naxo ah in Booyada Shidaalka Kasoo Qaada Dhax-buur ama Goday ay Berbera ku shubto, iyadoo Cashuurta Dawladdu ka qaadato cashuur markay xadkeena soo gaadho foostadii $ 21 dollar” arrintan waxaan ku sheegi karaa masiibo maamul xumo. Sidaa waxa yidhi, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID, Yuusuf  Keyse Cabdullaahi.

Xogahye Yuusuf oo warbaahinta la hadlay  ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Somaliland oo leh Deked caalami ah qiimaha shidaalku Degmada Awaare ee Ethiopia oo aan bad lahayn weliba ku taal haw guntii kaga jabnaado.

Sidoo kale, Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa naqdiyay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxayna si adag uga hadleen dhibaatooyinka ka haysta bulshada xagga nollosha ee ay sabbabeen sicirbararka ahdheeyay dalka.

Mr. Keyse, wuxuu tilmaamay mushkiladaha dhinaca shidaalka iyo maceeshada ee qiimhoodu sida weyn u kacay Somaliland, wuxuuna arrimahaa ku tilmaamay kuwo maamulxumo.

Halkan ka Daawo muuqaalka Yuusuf Keyse kaga hadlay arrimahaa.