Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Dagaalka ka socda dalka Ethiopia, ayaa kusoo siqaya caasimadda dalkaa, iyadoo diblamaasiyiinta reer galbeedka ee u caalwaayeen sidii labada dhinac heshiis xabad joojin ah looga dhalin lahaa.

Dagaalyahanada Tigreega iyo OLA ayaa sheegay in Arbacadii ay la wareegeen magaalada Shewa Robit ee gobolka Axmaarada.

Shewa Robit, waa magaalo qiyaastii 220 km dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa.

Sidoo kale, Shewa Robit oo 4 saac iyo afartan daqiiqo looga socdo  Addis Ababa caasimadda, waxay u dhowdahay magaalada Debre Birhan oo ah magaalada keliya ee ku xigta caasimadda, taas oo wararka qaar sheegayaan in dagaalo xun ka socdeen labadii maalmood ee u danbeeyay, kaddib markii ay TDF iyo OLA ay hareereeyeen.

Dagaalka kusoo siqaya caasimadda iyo wadahadalada guuldaraysatay, ayaa sababay in Labadii maalmood ee u danbeeyay ay soo baxaan warar sheegaya inuu jiro qorshe ay diblamaasiyiin reer galbeed ah kusoo bandhigeen in gebi ahaanba meesha laga saaro xukuumadda Abiy Ahmed, isla markaana mucaaradka dagaalka kula jira dawladda ee ay hoggaaminayan  jabhadaha Tigrayga ee TDF OLA ay sameeyaan dawlad ku meel gaadha ah oo loo dhanyahay.

 Arrintan ayaa timi markii Ergayga khaaska ah ee Maraykanka u qaabislan arrimaha geeska Afrika Jeffrey Feltman iyo madaxweynihii hore ee Nigeria  Olusegun  oo xilligan ah Ergayga Midowga Afrika ee loo xilsaaray arrimaha collaada gobolka ee dalka Ethiopia u caal waayeen sidii xabad joojin looga samayn lahaa labada dhinac.

 Diblmasiyiinta oo kala ah Donald Yamamoto, oo ah khabiir Maraykan ah oo ku xeel dheer arrimaha Afrika muddo dheerna ka shaqaynayay Afrika, isla markaana sanadkii hore hawlgab noqday, isagoo ahaa Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo diblamaasiyiin kale oo ay weheliyaan diblamaasi reer Spain Carmen de la Peñn.

Sidoo kale,  Safiirkii hore ee Midawga Yurub, Tim Clarke, Safiirkii hore ee Britian ambassador Robert Dewar iyo  Ambassador  Kirsti Aarnio oo  ah diblmaasi sare oo dalka Finland ah oo ay weheliyaan dhawr diblamaasi oo  kele ay kulan la  yeesheen wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Berhane Gebre-Christos, oo kasoo jeeda TPLF iyo saraakii;l ka tirsan TPLF, OLF iyo qaar ka mid ah Bulshada Ethiopianka ah ee qurbajooga, gaar ahaan Ethio-American oo fadhigeedu yahay Washington.

Dood dheer oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Nabadda iyo horumarka caalamiga ah ee (Peace and Development Center International ), ayaa laga dhegeystay muuqaalka doodda oo si weyn loogu lafa-guray mushkiladda dagaalka Ethiopia iyo sabbata ka danbaysay dagaalka, ayaa muuqalka si hoose waxa u heshay shebekad dhinaca Internetka ah oo magaceedu yahay, Jeff Pearce.

Donald Yamamoto,  oo  ka hadlayay doodda, ayaa sharaxaad ka bixiyay ra’iisal wasaare Abiy iyo aqoonta uu sida gaarka ah ugu leeyahay, siagoo yidhi, “Abiy ma dhegaysanayo, hadda ma dhegaysanayo,” ayuu Donald Yamamoto ka yidhi arrinta gorgortanka.

“Oo sidee baad u gaari doontaa isaga? Qof runtii gees ku jira. Iyo [Ergayga Midowga Afrika Olusegun] Obasanjo ma uusan ahayn mid waxtar leh ama aad u firfircoon, markaa ma jiraan fursado kale oo aad aragto?” ayuu raaciyay.

Hase yeeshee Berhane Gebre-Christos oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia, ayaa so yaalble u sharaxay mushkilada dagaalka iyo qorshayaasha ra’iisal wasaare Abiy, isagoo ku macneeyay nin ku socda jid khaldan ilaa markii uu xukunka yimi 2018.

Berhane, wuxuu kusoo bandhigay dooddiisa in xulafada TPLF ay ku heshiiyeen “dawlad ku meel gaadh ah” iwaxayna soo bandhigineen sida ay lagama maarmaanka u tahay in la sameeyo maamul ku meel gaardh ah” si loo buuxiyo booska amniga. “Waxay u adeegi doontaa waqti aad u gaaban” ka dibna iyada oo loo marayo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay waxaa jiri doona “qaabayn ku meel gaadh ah.”  Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu si weyn ugu adkaystay in xisbiyada siyaasadda mar hore lagala tashaday qorshahaa, “Ma jiri doonto ka saarid. Dhab ahaantii ka-saariddu waxay noqon doontaa PP, Xisbiga Barwaaqo… Haddii laga adkaado ciidan ahaan, markaa PP meel ma yeelan doonto.”

Dareenka diblumaasiyiinta ayaa aad ugu riyaaqay markii Berhane uu muujiyay mar kale TPLF ee ah in Itoobiya awood badan oo qallafsan ay dib ugu celisay xukuumadda Abiy “Stone Age” oo ay geysatay xasuuq, isla markaana ilaa iyo intii ay socdeen jeneraalada Itoobiya, isagoo sidoo kale yidhi,  “Intooda badan waa kuwo aan karti lahayn.”

“Ma aqbali karin in badan oo aad ogtahay, Abiy waa in uu xilka ka dego, waa in la helo dowlad ku meel gaadh ah oo loo dhan yahay,” ayuu yidhi, Huddleston oo sidoo kale leh, “Waxaan u maleynayaa – waxaan ka walwalsanahay, sababtoo ah waxaad ogtahay, Tigray, naftaada iyo hoggaamiyeyaasha. Tigreegu aad bay wax ku ool u ahaayeen fulinta colaadda loo geystay iyo inay dib ula dagaallamaan maamulkii ay dhiseen, anigana waxay ila tahay in Tigray ay maamuli doonaan dawlad cusub. Iyo sida aad karti u leedahay iyo xaqiiqda ah inaad u badan tahay inaad qabato shaqo aad u fiican, weli, waxaan u maleynayaa inay taasi u badan tahay qalad weyn. “

Jawaabtiisa, Berhane wuxuu si cad u yiri, “Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanan danaynaynin inaan xakameyno Addis iyo wixii la mid ah.”

Marka la eego heerka sare ee Yamamoto ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo door weyn ku lahaa in ra’iisal wasaare Abiy xukunka la wareego 2018, isla matkaana masuul ka ahaa, ama door fir-fircoon ku lahaa heshiiskii Ethiopia iyo Eretria oo qay  ka ahaa collaada dagaalka iyo duulaanka lagu qaaday November 2020, maamulkii gobolka Tigray ee Mekelle.

Shirkan ayaa waxaa daadihinayay Aqoonyahan Efraim Isxaaq oo ay aad isugu dhawaayeen Meles Zenawi, wuxuuna la xaajooday Dergigi, wuxuuna ahaa mid gacan weyn ka geystay sidii ay Jabhadii TPLF talada dalka ku hanan lahayd. Markii uu shirku dhammaaday, waxa uu dublamaasiyiinta u sheegay, “Ka fikira sidii aan ku heli lahayn isbahaysi caalami ah oo na caawiya arrintaa .”

Dhinaca kale, dawladda federaalka ee ra’iisal wasaare Abiy, ayaa arrintan ka jawaabtay, waxayna si weyn uga cadhootay qorshaha beesha caalamka, iyadoo soo saartay amar maalintii doraad, kaas oo ay ku wargelisay hay’addaha amaanka in la xidho ciddii qorshe caynkaas ah oo la doonayo in lagu dhiso dawlad ku meel gaadh ah, isala markaana waxay ku tilmaantay mid aanay aqbalayn marna.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com