Dareenka Ku Xeeran Booqashada Xilligan Iyo Xoggaha La Xidhiidha

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad, Mustafe Muxumed Cumar, kaddib markii Mustafe Cag-jar iyo wefdi uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaadeen Magaaladda Hargeysa.

Kulanka Madaxweyne Biixi iyo Musafe Cag-jar, ayaa Axadii ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, balse lama ogga arrimaha lagaga wadahadlay kulankaa oo kusoo beegmay xilli ay dalka Ethiopia ka socdaan dagaalo socday muddo sanad ka baddan oo kusoo siqaya Caasimadda Addis Ababa, kuwaas oo walaac weyn ku abuuray mandaqada.

Hase yeeshee markii uu soo dhamaaday kulanka labada dhinac, waxa warbaahinta la hadlay  wasiirrada wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo Hawlaha guud ee dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdiraxmaan Iid Daahir.

Labada masuul, ayaa ku macneeyay kulankaa in waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loo saaray ee ay kaga wada-hadleen ugu horreeyaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo ganacsiga.

Labada qodob ee ay dhinacyadu warbaahinta la wadaageen ayaan ahayn kuwo ku cusub dheggaha bulshada, Saleebaan Cali-koore, oo ka hadlay kulanka labada madaxweyne ayaa sheegay inuu soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida.

“ wada-hadallada waxa liishaanka lagu saaray dhinacyada amniga iyo ganacsiga, maadaama Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida ay ka dhaxayso dano badan oo derisnimo iyo walaalnimo salka ku hayaa.”

Wasiir Koore, wuxuu sheegay in ay si buuxda uga wada-hadalleen dhinacyada ganacsiga, “nabadgelyada iyo xaaladdaha ka jira geeska Afrika hadba sida ay noqon doonaan oo aynu si dhaw u wada eegi doonno.” Ayuu raaciyay.

 Sidoo kale, wuxuu xusay in ay labada dhinac ka wada-hadleen, “ arrimahayaga gaarka ah, taasina waxay kusoo dhammaatay guul iyo is Af-garasho, si wacanna waanu  isula Afgaranay qodobbadii aannu ka wada-hadalnay.”

Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha guud ee Dawlad-deegaanka Soomaalida, Cabdiraxmaan Iid Daahir oo isaguna dhinaciisa halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumaddiisa iyo shacbigaba uga mahadceliyey sida milgaha iyo walaaltinimada leh ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Mustafe Cagjar, waxana uu carrabka ku adkeeyey qodobbada ay dhinacyadu xoogga saareen muddadii kulanku socday.

“Booqashada uu madaxweyne Mustafe iyo weftigiisu halkan ku yimaaddeen waxay daarranaayeen laba qodob oo dhinaca amniga iyo ganacsiga la xidhiidha. Dhinaca ganacsigana  hawlo badan oo ay dawladda Somaliland si wanaagsan noogala shaqaysay baa jira oo arrinta xakamaynta sicirka lacagta birta ah baa jirta, tallaabo ay labada xukuumadood wada qaadeenna lagu guulaystay in la xakameeyo.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, waxa soo baxayay warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Maamul gobolleedka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cag-jar uu socdaalkiisu la xidhiidhay farriin uu ka siday ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia oo xilligan ku jira jiida hore ee dagaalka ay ciidamadda dawladda Federaalku kula jiraan Jabhada Tigray ee TDF iyo Isbahaysiga OLA ee Oromia.

Farriinta, ayaa lagu macneeyay in ay la xidhiidho kaalinta ay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay siysaasad ahaan dagaalka ka socda dalkiisa, iyadoo dalalka gobolku ku kala qaybsameen, sida Ereteria, Djibouti, Somalia, Kenya Sudan, South Sudan iyo Somaliland.

 Hase yeeshee macada mawqifka Somaliland ee dagaalka sida weyn u saameeyay gobolka ee dalka Ethiopia ka socda sanadka iyo dhawrka bilood, isla markaana masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka hadlay kulanka Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Ethiopia ee Mustafe Cag-jar, ma sheegin mawqif cad oo siyaasiyan ay iska taageen dagaalka.

Dhinaca kale, Sabtidii warbaahinta Al- Jaziira, ayaa soo bandhigtay warbixin lagu faaqiday shixnado hub ah oo dawladda Federaalka ah soo gaadhay, kuwaas oo diyaaraddo ay leeyihiin dalalka taageersan dawladda Federaalka soo gaadhsiiyeen xukuumadda Abiy.

 Warar aan la xaqiijin oo la xidhiidha arrimahaa, ayaa sheegaya in shixnado hub iyo saanad Millateri xilliagan dalka Ethiopia uga soo degeen dekedda Berbera, wallow aan si dhab ah loo ogayn xaqiiqda jiritaanka xoggaha sheegaya Markab saanad Millateri oo ay leedahay dawladda Ethiopia kusoo xidhtay labadii maalmood ee u danbeeyay Marsada Berbera.

Madaxweynaha maamulka Soomaalida Ethiopia iyo wefdiga la socday socdaalkoodu ka dhaafin inta la ogyahay Magaalada Hargeysa.

Wfdiga Madaxweyne Cag-jar ka hor intii aannay ku labaan dhinaca magaaladda Jig-jiga , wuxuu Madaxweyne Biixi ku maamuusay Hadhimo-sharafeed loogu sameeyay Magaaladda Hargeysa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com