Araweelo News Network

munichMunich(ANN)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo xalay ka dhacay magaalada Munich oo ah caasimadda labaad ee wadanka Jarmalka qaaradda Yurub.

Saraakiisha Booliska xukuumadda Jarmalka ayaa sheegay in 9 qof oo uu kamid yahay qofkii weerarka geystay ay ku dhinteen weerarka oo ka dhacay xarunta Olympic-kada magaalada Munich.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qof hubeysan uu toogasho kula degdegay dad shacab ah oo xilligaasi ku sugnaa xarunta Olympic-kada.

Taliyaha Booliska wadanka Jarmalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay baxsadeen sedax qof oo loo malaynayo in weerarka ay wax ka abaabuleen, balse ay xaqiijin karaan oo keliya in Ninkii toogashada gaystay oo kasoo jeeda wadanka Iiraan goobta lagu dilay.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegay in markii dambe uu isaguna isku dilay meel aan sidaas uga fogayn meesha uu dadka ku laayay sida ay booliiska qaarkood sheegeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 16 qof ay ku dhaawacmeen toogashada, kumanaan katirsan ciidanka Jarmalka ayaa lagusoo daadiyay waddooyinka magaalada Munich oo wax kabadan 12 saacadood ahayd mid kacsan.

Masuuliyiinta Jarmalka waxay sheegeen in ay baadhitaano ku sameyn doonaan xarumo muslimiintu leeyihiin haddii ay cadaato in qofka weerarka geystay uu ahaa Muslim sunni ah.

Xinjiro dhiig ah oo laga daadiyay dadka Jarmalka ayaa dhax qulqulayay suuqa laga dukaamaysto ee Olympic, lataliyaha Raysal wasaaraha Jarmalka ayaa sheegay in illaa iyo hadda aanay xaqiijin Karin in weerarkani uu yahay mid ‘argagaxiso’ oo loola jeedo in qof muslim ah fuliyay iyo inkale.

Warar ay baahiyeen saraakiisha xukuumadda ayaa sheegayay in ruuxa toogashada gaystay uu sheeganayay cudurro dhanka maskaxda ah, balse warkaasi ayaan illaa iyo hadda ahayn mid sugan.

Weerarkaasi waa kii saddexaad ee lagu qaado shacabka ku dhaqan galbeedka Yurub muddo sideed maalmood gudahood ah, midkanna waxaa ka sii horeeyay kii lagu qaaday Nice iyo Wuerzburg.

Booliiska ayaa galinka dambe ee sabtida la wadaagi doona dadka baadhitaanadii ay sameeyeen, waxayna shacabka ugu baaqeen in meel khaas ah oo loo diyaariyay ay ku diraan waxkaste oo ay dadku ka duubeen dhacdadaas.

Ciidammada khaaska ah ayaa lagu soo waramayaa in ay baadheen guriga ninka dilka gaystay oo ku yaalla degmada Maxvorstadt ee magaalada Munich.