Qunsulka Guud ee Turkiga u jooga Hargeysa oo caddeeyey in dalkiisu bilaabayo siyaasad laba dhinac ah oo dawladdiisu kula dhaqmi doonto Somaliland iyo Soomaaliya

Araweelo News Network

safiirkaturkigasland
Hargeysa(ANN) Dawladda Turkiga, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay oggolaatay in baasaboorka Somaliland lagu geli karo dalkeeda, isla markaana fiisaha dal-ku-galka laga bixinayo Qunsuliyadda Guud ee ay ku leeyihiin caasimadda Hargeysa.
Qunsulka Guud ee dawladda Turkiga u jooga Hargeysa Ambassador Muzaffer Yuksel oo saxaafadda xafiiskiisa kula hadlay shalay, ayaa xaqiijiyey in wejiga koowaad ay ku fiisaynayaan baasaboorka Somaliland ee ay haystaan diblomaasiyiinta iyo masuuliyiinta dawladda, kadibna la bilaabi doono in dadka rayidka ah fiisaha dal-ku-galka Turkiga loogu dhufto baasaboorka Somaliland.
“Baasaboorka Somaliland waxa loo fiiseeyey oo lagu bilaabay Madaxweynaha iyo marwada koowaad ee Somaliland, iyagoo noqday cidda ugu horraysa ee ka faa’iidaysatay inay baasaboorka dalkooda ku tagaan Turkiga,” ayuu yidhi Ambassador Muzaffer Yuksel.
Waxa kaloo uu bayaamiyey in dawladda Turkigu ay mustaqbalka dhaw hirgelin doonto siyaasad laba dhinac ah (dual track policy) oo ay kula dhaqmi doonaan Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo khusaysa dhinacyada gargaarka bani’aadanimo iyo maalgelinta horumarka.
“Dawladda Turkigu waxay diyaar u tahay in wax kasta oo mashaariic laga qabto Soomaaliya ay sidoo kale ka hirgeliyaan Somaliland, waxa aannu doonaynaa in aannu xoojiyo cilaaqaadka Somaliland….Waxa aannu fulin doonnaa wax kasta oo aannu ka qaban karo adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada; haddii ay yihiin dugsiyada farsamada gacanta. Waxa kale oo aannu doonaynaa in aannu aad sare ugu qaadno xirfadaha dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, balse waxa arrimahaasi qaadan doonaan muddo waqti ah, waana in dadka reer Somaliland u samraan arrintaas.”
Qunsulka Guud ee Turkiga waxa uu intaa ku daray, in dawladdiisu diyaarisay qorshayaal meel fiican hadda maraya oo lagu fulinayo jidad ay hore u ballanqaadeen dhismahooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin waddo isku xidhi doonta magaalada Saylac iyo Jabuuti, halka sidoo kalena ay ka qaybqaadanayaan dhismaha waddada Burco, Gar-adag ilaa Ceerigaabo, isagoo xusay in masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawladda Somaliland ee arrintaasi khusayso loo soo saaray fiisaha ay ku tegayaan dalka Turkiga si la iskula meel dhigo tabaabushaha u dambeeya ee dhismaha jidadkaas.
Safiirka, ayaa tilmaamay in sidoo kale dawladda Turkigu qayb ka qaadanayso casriyeynta dekedda Berbera iyo waxyaabo kale oo khuseeya kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.
“Waxa aan ku wargeliyey dadka iyo dawladayda Ankara (caasimadda Turkiga) in Somaliland tahay meel ka duwan Soomaaliya. Haddii aad tagtaan Somaliland oo la sheekaysataan dadka oo aad aragtaan xaaladda dhabta ah iyo sida hay’adaha dawladdu u shaqeeyaan waxa aad ogaanaysaan inay yihiin hay’ado u shaqeeya sida qaran madaxbannaan, laakiin siyaasad ahaan waxaannu kala mid nahay Beesha Caalamka, balse Somaliland waxa ay leeyihiin dawladdooda u gaarka ah, hannaankooda u gaarka ah, waxayna mararka qaar nagu qaadataa waqti badan sidii aanu ugu sharraxihi lahayn dawladayada xaaladda dhabta ah ee (Somaliland).”
Waxa kaloo uu sheegay in dawladda Turkigu hadda noqonayso inay si toos ah u dhexdhexaadiso wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay waqtiyadii hore ahayn mid fududaysa hawlaha wadahadallada oo keliya, isagoo xusay in waqtigan dawladdiisu ay safiir gaar ah u magacawday wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay wadahadaladu dib u bilaabmi doonaan marka laga baxo doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland bisha March ee sannadka 2017 iyo doorashada laga qabanayo Soomaaliya sannadkan lagu jiro ee 2016.
“Sannadkii 2013kii ayuu Turkigu bilaabay inuu fududeeyo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin ma ahayn dhexdhexaadiye, doorkayaguna waxa uu ahaa oo qudha in aannu fududayno dhinaca tigidhada diyaaradaha, una habayno goobaha lagu wadahadlayo,” ayuu yidhi Ambassador Muzaffer.
Safiirka, ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Turkigu si rasmi ah uga codsatay Somaliland in tallaabo laga qaado dugsiga la yidhaa Nile oo ka furan caasimadda Hargeysa, kaasoo uu maalgeliyo wadaadka magaciisu yahay Fetullah Gulen oo xukuumadda Turkigu ku eedaysay inuu ku lug lahaa inqilaabkii dhicisoobay, kaasoo waqtigan ku nool dalka Maraykanka, isagoo maamulka Soomaaliya uu albaabada u laabay xarumo dugsigaasi ku lahaa magaalada Muqdisho.
“Annaga oo ka warqabna in Somaliland tahay dal leh shuruuc iyo xeerar u gaar ah oo lagu maamulo hay’adaha gargaarka iyo kuwa samafalka ee laga leeyahay dalka dibaddiisa, laakiin, haddana waxaannu ugu gudbinnay (xukuumadda Somaliland) inay shaqada ka joojiyaan hay’adaha laga leeyahay Turkiga ee uu maalgeliyo Fetullah Gulen,” ayuu yidhi Qunsulka Guud.