Araweelo News Network

Kala-hadalkii madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo hadalkii sixidda ahaa ee ka dambeeyey

Hargeysa (ANN)- Diyaarad keentay dalka dawo loogu talogalay in lagula tacaalo xannuunka Shuban-biyoodka ee ka dillaacay Gobolka Togdheer, ayaa fashilisay iska war-hayn la’aanta masuuliyiinta xukuumadda Somaliland.
Diyaarad siday lix tan oo dawo ah oo ka soo digtay madaarka diyaaradaha magaalada Berbera maalintii Jimcaha, ayaa masuuliyiin ku qaabilay dhabbahaasi waxay shaaciyeen in dawada ay sido uu bixiyey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan) oo isaga laftiisu ku sugnaa Madaarka.
Arrintaasi waxase deedafeeyey masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Gobolka Togdheer oo mar ay dawadaasi ku qaabilay magaalada Burco shalay sheegay in dawada diyaaradu siday ay dalka keentay hay’adda ICRC oo ka mid ah hay’ado dhawr ah oo ay gurmad caafimaad ka sugayeen.
“Waxa na soo gaadhay imminka dawo lix tan ah oo ay keentay hay’adda ICRC, dawadaas oo ka kooban waxyaabihii muhiimka ahaa ee loogu talogalay Shuban-biyoodka.” Sidaa waxa yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir oo warbaahinta kula hadlayey goobtii lagu rogayey dawadaasi.
Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa isna uga mahadceliyey hay’adda ICRC mucaawanada ay soo gaadhsiisay, waxaannu yidhi “Waxaannu u mahadnaqaynaa hay’adda ICRC oo ka soo jawaabtay codsigayagii ahaa inay dawo soo dhiibto, hay’ado badan baanu la xidhiidhnay hay’adda WHO way soo waddaa, hay’adda Isu-tagga Laanqayrta Cas ee halkan Burco joogtaa bisha 6-deeda diyaarado waawayn bay ku keenaysaa daawooyin, beenta iyo barobagaadhada la wado ha la joojiyo oo dadkeenna aynu u wada gurmanno.”
Haseyeeshee, isla madaxdaasi Wasaaradda Caafimaadka iyo Badhasaabka Togdheer oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco galinkii dambe ee shalay, ayaa beeniyey warkoodaa hore, isla markaana sheegay in cidda dawadaasi soo gaadhsiisay uu yahay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Marreexaan, iyagoo ku doodday in ay isku khaldeen diyaaradan iyo diyaarado kale oo ay ka sugayeen gargaar dawooyin ah.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka hadlayey halka wax ka khaldameen ayaa yidhi, “Wuxuu ahaa khalad farsamo oo ku dhacay wada xidhiidh xumaaday, kaasi oo ahaa iyadoo aannu wasaarad ahaan sugaynay diyaarad dawo ah ayaa Wasiirka Hawlaha Md. Cali Maxamed Xasan oo aannu saaxiib nahay ayaa diyaarad dawo ah keenay, Wasaaradda Caafimaadku wuxuun bay u qaadatay tii ay sugaysay, markaa shalay (Jimcihii) waxaannu u mahadnaqnay hay’addii, laakiin tii hay’addu may iman ee ilaa berri (maanta) ayey na soo gaadhaysa haddii Alle yidhaa. Markaa diyaaraddii timi shalay (Jimcihii) dawadii ay waday waxa ku deeqay oo soo gaadhsiiyey magaalada Burco Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cali Marreexaan oo runtii ah nin ku sifaysan waxqabadka deegaannada laga soo doortay.”
Sidoo kale, Badhasaabka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isna tilmaamay in ay khaladka dhacay ku yim is-moodsiis iyo war uu u sheegay Isu-duwaha Caafimaadku, “Waanu ku hambalyeynaynaa Wasiirka Hawlaha Guud tallaabada wanaagsan ee uu qaaday, qaladkuna wuxuun buu ahaa diyaaradda hay’adda ICRC waxay u dhacday bisha June 5-teeda, saddex diyaaradood baana iminaya, tii uun buu Isu-duwaha oo aannu waydiinay u qaatay,” ayuu yidhi Md. Ramaax.
Sida ay u kala hadleen masuuliyiintu, waxa ay muujisay isbarbar-yaac ka dhex taagan hay’adaha dawladda iyo wasiirrada xukuumadda, iyadoo qaarkood sheegeen in dawada lagula tacaalayo shuban-biyoodku ay dalka ka dhammaatay, halka madaxda Wasaaradda Caafimaadkuna arrintaas beeniyeen, kuna doodeen in aanay jirin wax dawo ah oo dalka ka dhammaatay.