Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa shaaciyey inay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo in xannuunka shuban-biyoodku ka dillaaco caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii xannuunkaasi saamayn xun ku yeeshay magaalada Burco iyo degaanno badan oo bariga Somaliland ah.
Md. Cabdiraxmaan Solteco oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in la mamnuucay biyaha laga dhaamiyo dooxa weyn iyo dhaamamka ku yaal gudaha caasimadda, isagoo soo bandhigay goobaha laga soo dhaamin karo biyaha la cabbo.
“Maadaama uu meel qaar oo ka mid ah dalka uu ka jiro shuban-biyood, waxa aannu maalmahanba sii wadnay xaaladda ka hortaga oo aannu u sii diyaargarawnay, iyadoo aannu qaadnay ololeyaal nadaafadeed waxyaabaha loo baahan yahay in ka hortagaas la sameeyo;
• Waxa aannu joojinay biyaha laga dhaamiyo dooxa iyo meelaha dhijaamaha ah (biyuhu fadhiistaan), cid kasta oo lagu qabtaana waxa ay mutaysan kartaa xabsi. Haddii ay noqori gaadhi-ximaarka (dameerka) iyo booyadaha, maanta laga bilaabo cid kama dhaamin karto dooxa iyo dhijaamaha si aynu ummadeena uga badbaadino in xannuun ku dhaco
• Waxa aannu samaynay in ceelkii Aw-barkhadle aannu weydiisanay mulkiilayaashiisa Abyan oo uu gacan naga siiyey ninka Jarmalka ah muslimka ah ee muxsinka ah oo halkan (Hargeysa) inala jooga, marka ceelkaas ayaa biyaha laga dhaamin doonaa, waxaanna laga soo dhaamin karaa ceelkaas, Darar-weyne, Xumbo-weyne, Daarasalaam.
• Afarta kaantarool ee caasimadda Hargeysa waxa la dhigi doonaa dawada koloriinta lagu sifeeyo biyaha. Markaa biyaha aan soo marin afartaas kaantarool ee la qabto waxa ay noqonayaan biyo laga dhaamiyey dooxa amma dhijaan, lagamana dhaamin karo ceelasha amma dhaamamka ku yaal gudaha magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Maayirka Hargeysa.
Waxa kaloo uu sheegay in olole nadaafadeed oo dhinaca fayo-dhawrka ah laga samayn doono caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waa in la gacan siiyo shaqaalaha iyo masuuliyiinta ka shaqaynayna ololaha nadaafadda.”
Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa sidoo kale caddeeyey inay magacaabeen guddi ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa oo si toos ah uga shaqayn doona hawlaha sare loogu qaadayo nadaafadda ka hortaga u ah shuban-biyoodka.
“Guddida Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose, Guddida Nabadgelyada iyo guddida Golaha Degaanka oo la isku daray waxa ay ka shaqayn doonaan ka hortaga in xannuunkaas shuban-biyoodku ka dhaco caasimadda Hargeysa, Ilaahay inama soo gaadhsiiyee,” ayuu yidhi Maayirku.
Waxa kaloo uu sheegay inay dawladda Hoose ee Burco ku caawinayaan saddex mishiin oo kuwa dawooyinka lagu buufiyo ah, waxaannu yidhi; “Walaalahayaga Burco ee kiisaska badan ka dhaceen, waxa aannu halkan uga diraynaa saddex mishiin oo ah kuwa lagu buufinayo duqsiga dillaaca, xannuunka laftiisa iyo meelaha dadku ku kulmaanba, waxaanna loo baahan yahay in magaalooyinku isku gurmadaan, markaa kolba wixii aannu awoodno waannu ku caawinaynaa magaalada Burco.”
“Gudaha caasimadda Hargeysa, gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin xaafadaha danyarta ah waa la buufin doonaa, iyadoo laga buufinayo meelaha duqsigu ka dhashay, meelaha kaantaroolada ah ee laga soo galo magaaladana waxa laga samayn doonaa buufin khafiif ah oo noqonaysa in aannu qofku jeermis soo qaadin, jeermisna sii qaadin labada dhinacba si qofka loo badbaadiyo, taasna ha dhibsannina. Waa badbaado naftaada ah iyo ummadda aad la nooshahay.”