Araweelo News Network,.

“Sida ay dhigayaan Xeerarka iyo Dastuurku waa in dib u shiska suuqa Waaheen iyo maamulkiisa loo daayo gollaha deegaanka Caasimadda Hargeysa” Cabdiraxmaan Cirro

Alt: Araweelo News Network.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) Murrashaxa doorashada madaxtooyadda ee Somaliland. Iamge Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka digay qaabka loo maamulayo dib u dhiska Suuqa Waaheen, wuxuu sheegay in markii dhibaatada dabku bilaabmay 1 April 2022, ka mid ahaa masuuliyiintii ugu horeeyay ee halkaa gaadha.

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in gurmadkii iyo dedaalkii la doonayay in dabka lagu damiyo dawlad, axsaab iyo shiciba loo midaysnaa, isla markaana loo baahanyahay in dib u dhiska suuqa iyo xoollaynta dadkii hantidooda ku waayay gamcaha laysu qabsado oo aan la siyaasadayn.

Murrashaxa Madaxtooyadda ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in ganacsatadii dhibaatada dabku galaaftay hantidooda ay dib usoo kabbaan karaan, isla markaana ay yihiin kuwo horeba duruufo adag uga dabashay.

“Rag waa kii kufa ee haddana kaca, aynu boodhka iska tuno, waxaynu dib yagleelaynaa suuqa ganacsiga waaheen, innagoo isku tashanayna, waxaynu ku tiirsanaan doonaa taageerada “Eebbe”, waxaanu doonaynaa in aannu tallooyin kasoo jeedino suuqa dib u dhsikiisa iyo dib u habayntiisa.” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Wuxuu sheegay in tallooyinka ay soo jeedinayaan ay arkaan xisbi ahaan iyo murrshax ahaanba kuwo wax ka taraya dib u kabashada suuqa Waaheen ee qorshihiiisa la dhigayo. sidaa awgeed waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka iyo Bulshada qaybeheeda kala duwanba in lala shaqeeyo Guddidyada jira iyo kuwo jiri karaba, sida Gudda heer qaran guddida heer ganacsi iyo guddiyada kale ee jiri kara, guddiyadaa oo aannu u aragno in wixii tallo iyo taakulo ah lagu soo hagaajiyo, ayuu yidhi, Murrashax Cabdiraxmaan Cirro.

“Waa in laga fogaado hannaan kasta oo wiiqaya guddiyada oo leexin kara soo kabashada suuqa waaheen,, guddiyada waxaan usoo jeedinaynaa in ay abuuraan guddi baadhis oo heer qaran ah, oo baadha baaxda dhibtaada iyo wixii sababay, si looga hortago mustaqbalka masiibadan oo kale, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la sameeyo guddi qiimaysa baaxada dhaqaalaha ee innaga burburay, isla markaana diiwaangelisa dadka hantidoodu ku baaba’aday.”

Murrashax Cabdiraxmaan, waxa kale oo uu sheegay in ay ayidayaan in Kaalmada Caalamiga ah iyo maxaligaba lagu soo hagaajiyo khasnada Guddidia heer qaran, si ay marjac innoogu noqoto, isla markaana laga digtoonaado wax kasta oo keeni kara in la gacan-togaaleeyo (maamul-xumo iyo musuq-maasuq), dhaqaalaha suuqa waaheen, lagana foggaado wax kasta oo tuhun dhalinkara.” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Gollaha Deeganka Caasimadda Hargeysa, ayuu ugu baaqay in ganacsatadii Suuqa Waaheen geeyaan goobbbo ay ganacsigooda kusii wataan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana la dedejiyo dib u dhiska suuqa Waaheen.

Dhinaca kale, wuxuu si cad u sheegay Murrashax Cabdiraxmaan in maalmahan dheggaha dadka ay ku baddatay inuu jiro khilaaf , balse laga baaqsan karo oo ay dabada ka riixyeen dad ujeeddooyin gaar ah ka lihi, kuwaas oo sheegayay cidda masuuliyadda suuqa Waaheen iyo dib u dhsikiisa qaadanay, balse waxa uu sheegay in Somaliland oo ah dal nidaam iyo sharc, xeerar iyo nidaam in baddan lagu soo dhaqaynayay, sidaa awgeed “waxa ceeb iyo dheg-xumo ah in maanta suuqa Waaheen dib u dhsikiisa la siyaasadeeyo oo la carqaladeeyo, waanu ka digaynaa arrintaa mana aha mid la aqbali karo.” ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, wuxuu sheegay in Suuqa Waaheen ka koobnaa ganacsiyo ku meelgaadh ah, kuwaas oo loo yaqaan hadhka, dhismayaal ay shacabku leeyihiin iyo dhsimayaal ay leedahay dawladda Hoose eecaasimadda Harrgeysa oo ah suuqii hore oo maamulkiisa ay gacanta ku hayso, sidaa awgeed, wuxuu tilmaamay sharciyada cidda awood u leh maamulka suuqa Waaheen, isagoo u daliishaday xeerar iyo qoddobo Dastuuri ah.

” Sida uu dhigayo xeerka dhulka magaalooyinka ee Xeer L/R 17,, 2001, Xeerka Ismaamulka gobollada iyo degmooyinka ee Xeer L/R 23, 2019, xeerarka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo hay’addaha madaxa-banaan, Xeer L/R 71, 2015, iyo qoddoobada Dastuurka ee 109, 110, 111, iyo 112, waa in dib u shiska suuqa Waaheen iyo maamulkiisa loo daayo gollaha deegaanka Caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa., dawladda dhexena ay qaadato doorka shuruucdu siinay.” ayuu yidhi.

Wuxuu uga nahadceliyay cid walba oo door ka qaatay sidii loo damin lahaa dabkaa oo ahaa mid khatar ah oo caasimadda ku fiddi lahaa, isagoo dhinaca kale uga mahadceliyay dalalka jaarka gurmadkii ay muujiyeen iyo sidoo kale dalalka beesha Caalamka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com