Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID, ayaa fadhi ay yeesheen Guddida Fulinta ee Xisbigu oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe kasoo saaray go’aan xisbiga lagaga eryay Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo Xoghayihii Golaha dhexe ee Xisbigaa Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali Madoobe).

Go’aanka guddida Fulintu Xisbiga kaga eryeen labada sarkaal lama sababayn, waxaan sidoo kale lagu sheegay in lagu taageeray heshiiskii 27 February 2020, ay wada saxeexeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANi iyo UCID.


Qoraal lagu sheegay go’aanka guddida fulinta ee Xisbiga UCID oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID, Eng. Axmed Xirsi Ducaale, ayaa u dhignaa sidan:-