Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Xoghayaha arimaha dibadda ee xisbiga Mucaaradka we Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa sheegay in xisbi ahaan ay si wey usoo dhaweynayaan wixii ka soo baxay wadahadaladii Somaliland iyo Khaatumo, inkasoo weyd weyni ay ka muuqatay weftiyadii xukuumada xisbiga Kulmiye ay u diraysay Wadahadalada Khaatumo.

Dr Fadal, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani, waxa uu intaasi ku daray in bulshada gobolka Sool ay abaal weyn ku leedahay Somaliland isla markaana ay si balaadhan uga soo qayb qaateen dhismihii Somaliland.

Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka hore waxa aan doonayaa in aan usoo dhaweynaynaa oo aan aad u amaano weftiga miisaanka leh ee Hargeysa inala jooga ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Khaatumo iyo ragiisa la socda iyo inta kale ee taageersan ee daafaha dunida kala socotaba waan bogaadinayaa, waxaanan leeyahay xisbiga Waddani arintaa wax alaale iyo wixii dedaal ah ee laga soo galay ee weftigaa iyo wadahadaladii Somaliland iyo cidii ay u dirtayba ay ka qayb galayeen wixii ka soo baxay mar walba waanu taageersanahay, waananu hirgalinaynaa, waananu dhiirigalinaynayaa.

Waxa kale oo aan bogaadinayaa bulshada Hargeysa ee sida fiican usoo dhaweysay ee ay iyana ka mahad sheegteen ee sida sharafta iyo karaamada leh usoo dhaweysay, laakiin waxa aan doonayaa in aan wax yar oo dhaliil ah usoo jeediyo xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ee talada dalka gacanta ku haya in taabo-gaabni ay ka muuqato arintaasi oo wakhtigii la bilaabay ka hor iyo shirkii Addis Ababa ilaa maanta ay mudo badani u dhaxayso oo wali aynu marayno mabaadii guud oo ay ahayd in maanta aynu ku gudo jirno hirgalinta iyo taabogalinta heshiis taam ah oo ilaa gunta dhaadhaca oo bulshada gudo iyo dibadba kala macaamilno arintaa waan ku dhaliilayaa.

Waxa kale oo aan ku dhaliilayaa kali-toocsiga Xukuumada Kulmiye isku koobayso ee ay xisbiga Waddani kala dhuumanayso, ka qarsanayso ee ay ka irdhaynayso arintaas oo runtii ah arin masiiriya ayaa runtii arinta masiiriga ahi ay qiimo ku leedahay in loo dhan yahay, labada dhinacba waxa uu iimaankooda iyo qalbigooduba uu ku fadhiisanayaa oo ay qiimo ku yeelanaysaa inaynu isku dhan-nahay marka aynu arintaa xalilayno, sidaas oo ay tahay ayaanu hadana ilaa heerka la soo gaadhsiiyey aanu ku taageeraynaa oo ku ogolahay oo waliba aanu si gaar ah ugu amaanaynaa dedaalka Khaatumo ay arintaasi ka soo galayso. Waxa kolay aynu ognahay in weftiyadii loo dirayey (Khaatumo) inay weyd weyni ka muuqatay oo taasina ay keentay in wakhtigu iska soo jiitamo oo ilaa maanta ay iska soo jiitanto.

Xisbiga Waddani Mawqifkiisa waxa weeyi oo cid walba uu uga horeeyey inuu soo dhaweeyo oo xalka arinta Sool iyo barriga Sanaag iyo wixii Somaliland bari iyo galbeedba arimahaa wax wada qaybsiga kaga maqan in ajandaha ugu mihiimsan ee u yaala uu yahay ayuu xisbiga Waddani cid walba kaga horeeyey maantana uu taagan yahay in muwaadiniinta Somaliland meelkasta oo ay joogaan barri iyo galbeed inay dhex xaq u leeyihiin in loo sinaado xukunka Somaliland oo kuraastiisa si cadaalad ah loo qaybsado oo miisaan leh.” Ayuu yidhi Dr Fadal.

Dhinaca kale mar uu xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga Waddani uu ka hadlayey taariikh ahaan xidhiidhka ka dhexeeya bulshada gobolka Sool ee Somaliland iyo Gobolada kale, waxaanu tilmaamay in gobolka Sool abaal weyn uu ku leeyahay Somaliland oo uu qayb laxaad leh ka qaatay dhismihii Jamhuuriyada Somaliland iyo xiligii halganka ee SNM-ba.

Xoghayaha oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dhinaca kale waxa aan doonayaa in aan xusuusiyo ummadda reer Somaliland oo isu dhanba Reer Sool abaal weyn ayay ku leeyihiin Somaliland oo ay ka soo galeen jiritaankeedaba, waxaan idin xusuusinayaa wakhtigii ugu adkaa ee dagaalkii xoraynta lagu jiray doorkii aqoonyahanka reer Sool ee Garaad Cabdiqani uu hogaaminayey ee hadh cad ka soo horjeesteen dagaalkaa, door weyna ay ka qaateen soo afjaridiisa. Waxa idiin markhaati ah garaadkaa ugu faca weyn garaadada gobolka iyo Somaliland inuu ka soo dhoofo halkaas oo ilaa laascaanood uu soo dhex qaado intaas oo beelood iyo intaas oo khatar ah oo uu Somaliland ugu yimaado xaruntii SNM ee Baligubadle, si uu uga qayb qaato soo afjarida dagaalka. Shirkii Burco iyo Boorama ee lagu aasaasay Somaliland, beelaha Harti waxay ahaayeen kuwa ugu miisaanka leh ee saxeexooduna ku xardhan yahay Somaliland samaynteeda.”.