maxkamada1-300x253Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah u gudbisay go’aanka mudda kordhinta muranku ka taagan yahay ee Axsaabta Mucaaradku ka qayliyeen.

 
Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kasoo saartay arrintaa, balse warar ku dhow dhow qasriga Madaxtooyadda ayaa u sheegay Araweelo News Network in Madaxtooyadu u gudbisay Maxkamadda sare dacwad la xidhiidha arrintaa si ay tafsiir ug a bixiso muranka hadhi waayay ee Axsaabta iyo Guurtida ee la xidhiidh mudada loo kordhiyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha Wakiiladda ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.
Maxkmadda ayaa la filayaa inay tafsiir ka bixiso sharciyada Golaha Guurtidu u cuskatay muddada ay u kordhisay Xukuumadda iyo golaha wakiiladda. Kaddib markii dib u dhac ku yimi doorashooyinkii la filayay inay Somaliland ka qabsoomaan sannadkan lagu jiro 2015.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.