axmedabdikahinHargeysa(ANN)Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, ayaa ku guuldaraystay inay qabato tartanka Ciyaaraha dalka oo ay hore dib ugu riixday in ay ka bilaabmaan dalka, 20 Sep 2015. kadib Wasiirka Wasaaradda Axmed Cabdi Kaahin Casoowe oo 7 Sep 2015, shaaciyay in dib loo riixay, balse mar kale ayuu Wasiirka wasaarada Dhalinyarada, Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi Kaahin maanta 17 Sep ku dhwaaqay in dib loo dhigay mar kale tartanka Ciyaaraha, iyadoo mudadii uu dhowaan qabtay sadex maalmood ka hadheen.

Wasiirka Ciyaaraha oo shir jaraa’id oo kaga halday arrintaa, wuxuu mar kale ka dhawaaqiyay, isagoo warbaahinta la hadlaya maanta in tartanka Ciyaaraha ee goblada mar kale dib u dhac ku yimi, wuxuuna arrintaa sabab uga dhigay Guddoomiyayaasha gobolada Togdheer iyo Awdal oo sida uu ku dooday ku maqan wadanka Ethiopia, taas oo uu sheegay inay hoos u dhigtay diyaar garawga ay goboladaasi ugu jiraan marti gelinta wareega hore ee ciyaaraha gobolada dalka.
wuxuuna mar kale sheegay Wasiirku in Ciyaaraha gobolada ee dalka dib loogu dhigay ilaa 5/10/2015, isagoo xusay in la faray gobolada inay u diyaar garoobaan mudada danbe ee loo qabtay, balse wasiirku wuxuu ka gaabsaday inuu si dhab ah u shaaciyo wakhtiga ay caasimada Hargeysa ka bilaabmayaan wareega labaad ee ciyaaruhu.

Dhinaca kale warar la xidhiidha sababta markii sdexaad tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka dib loogu dhigay, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network, inay la xidhiidho arrimo dhaqaale iyo awood daro maamul oo sababtay inay Wasiirka Ciyaaraha iyo maamulka Wasaaradu maareeyaan hawsha Ciyaaraha, isla markaana ay wasaaradda Maaliyaddu ku wargelisay in aanay wax dhaqaale ah u hayn tartankaa, taas oo ku balaadhatay, isla markaana ay guul u arkeen oo keliya fashilka soo waajahay in marba waqtiga dib loo riixo.
axmedabdikahin

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews