Araweelo News Network
xoolodhoofaya
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyey waqtiga ay filayaan in dawladda Sucuudigu meesha ka saarto xayiraadda sida ku-meel-gaadhka ah loogu soo rogay xoolaha nool ee laga dhoofiyo dekedda magaalada Berbera iyo geyiga Soomaalida.

Dawladda Sucuudiga ayaa go’aan ay soo saartay bishii December ee sannadkii 2016 waxa ay si ku-meel-gaadh ah u hakisay xoolaha nool ee looga dhoofiyo degaannada kala duwan ee Soomaalida, kadib markii laga shakiyey xoolo laga dhoofiyey dekedda magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Hase yeeshee, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland Md. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa caddeeyey in hakinta lagu sameeyey xoolaha laga qaadi doono bisha February ee sannadkan 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
“Xoolaha si ku-meel-gaadh ah ayaa loo hakiyey, runtiina xannuun ay xoolaheennu leeyihiin ma jiro ee xoolo laga shakiyey ayaa keenay in si ku-meel-gaadh ah loo joojiyo, xogaha aannu haynana waxa weeye in la furo dhoofka xoolaha bisha labaad (February 2017), haddii Ilaahay yidhaa,” ayuu yidhi Riyo-raac.
Waxa uu intaas ku daray, “Markii aannu la xidhiidhnay dawladdii (Sucuudiga) iyo ganacsatadiiba, waxa Sucuudigu soo dirayaa dhakhaatiir baadha oo hubiya xogta, xaqiijisana oo xoolaha ku baadha Somaliland, marka ay xoolaheenna ku baadhaan Somaliland ee ay xaqiiqda qaadaan, markaa kadib xoolaha waa la furayaa, insha Allaah.”
Wasiiru-dawluhu waxa uu sheegay in wasaaraddoodu ka shaqaysay sidii hay’adaha caalamiga ah ay baadhis caafimaad ugu samayn lahaayeen xoolaha nool ee laga dhoofiyo Somaliland.

“Waxa ay wasaaraddu ka shaqaysay; waxa jira hay’ado caalami ah iyo kuwa Qarammada Midoobay oo dhiigga qaada oo xoolaheenna la socda, dhammaantoodna warbixintii ay noo soo direen wasaarad ahaan waxa ay fureen markhaatiga ah in aannu xannuun jirin oo xoolaheennu caafimaad qabaan, cid walbana way la xidhiidheen, Sucuudiga-na way u direen warbixintooda, taas ayaana sababtay in Sucuudigu isna soo diro dhakhaatiir u gaar ah oo shaqadoodu tahay inay hubiyaan oo qudha, maxaa yeelay Sucuudigu wuu ka dheregsan yahay warka xoolaheenna in aanay wax xannuun ah qabin.”
a ay soo saareen hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ahba, loona sii geeyo natiijada ay helaan dhakhaatiirta Sucuudigu soo dirayo, xaqaa’iqa muuqda iyo wixii aannu annaguna dirnay oo ah kaydka caafimaadka xoolaha nool ee dhoofa, intaasiba waxay caddaysay in aannu xannuun jirin, markaana si dhaqso ah ayaa xoolaha loo furayaa, manay ahayn in xoolaha la joojiyey ee si ku-meel-gaadha ayaa loo hakiyey, sida aannu xogaha ku haynana hakintaas waxa laga qaadayaa bisha labaad ee sannadkan, haddii Ilaahay yidhaa,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha Xanaannada Xoolaha Somaliland.