Araweelo News Network.

“Waan ka adkaan doonnaa xoogagga isku dayaya inay dalkeenna hoos ugu riixaan” Demeke Mekonnen

Addis Ababa(ANN)-Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Demeke Mekonnen Hussen, ayaa ka hadlay xaaladda dalkiisa.

 

Ethiopia, ayaa weli waajahaysa caddaadiska sii kordhaya ee kaga imanaya dalalka caalamka, Hay’addaha xuquuqda Aadamaha iyo kuwa gargaarka bini’aadanimo ee ku waajahan mashaqada gobolka Tigray.

AKHRI: Ethiopia Oo Weli Waajahaysa Cannaan Caalami Ah Iyo Cabsida Xaaladda Soomaaliya Ee Gobolka

Demeke Mekonnen Hussen, ra’iisal wasaare ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka Arrimaha Dibedda, oo daba socda canbaaraynta sii kordhaysa ee soo waajahaday dalkisiisa, ayaa sheegay in ay ka adkaan doonnaan wuxuu ugu yeedhay xooggag doonaya in ay dalkiisa hoos u dhigaan.

AKHRI: Washington waxay taxday Tallaabooyin Deg-deg Ah Oo la faray in Ethiopia Qaado

Ethiopia, waxay sii waday safarkii iska caabinta iyadoo ay la kulantay caqabado guddaha iyo dibaddaba ah. Waxaan ku hubaysan nahay dhammaan xalalka suurtagalka ah.” ayuu ku yidhi, qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter soo dhigay maanta.

Balse wuxuu raaciyay in aannay ka leexinayn runta iyo caddaaladda , “annagoo raacayna waddada runta iyo caddaaladda. Waan ka adkaan doonnaa xoogagga isku dayaya inay dalkeenna hoos ugu riixaan dadkeenna.” ayuu yidhi.

AKHRI: Maraykanka Oo Warbixin Murrugo Ah Kasoo Saaray Dagaalka Gobolka Tigray Ee Ethiopia

Hadalkiisa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbeeyay dawladda Maraykanku ugu baaqday Ethiopia in la qaado tallaabooyin deg-deg ah, isla markaana laga saaro gobolka Tigray gebi ahaanba ciidamadda.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Dalabka Maraykanka oo daba socday warbixin murrugo xanbaarsan oo markaa ka hor ay soo saartay hay’adda Caalamiga ah ee Amnesty International, kaas oo xanbaarsanaa dhacdooyinka foosha xun ee xasuuqa, dhaca, dilka iyo Kufsiga ciidamadda Eritrea iyo malayshiyaadka ku sugan gobolka Tigray geysteen.

AKHRI: Ethiopia Oo Si Cadha Ah Uga Jawaabtay Maraykanka Oo Ugu Baaqay In Ciidamadda Laga Saaro Gobolka Tigray