Araweelo News Network.

#Trump Muxuu Uga Cararay Washington Ka Hor Munaasibadii Iyo Waraaq Uu @Joe@Biden Ugu Dhaafay Xafiiska Oo Dood Dhalisay

Washington(ANN)-Trump, ayaa ka tegey Aqalka Cad isagoo weli ah Madaxweyne markii ugu dambaysay subaxnimadii Arbacada, isagoo u duulaya Florida isaga iyo marwada koowaad Melania Trump, wuxuuna ka muquurtay dhaqanka soo dhoweynta madaxweynaha soo socda iyo marwada koowaad ee Aqalka Cad.

inkasta oo daraasiin ka tirsan saraakiisha hadda iyo kuwii hore lagu casuumay xafladda sagootinta subaxnimadii Arbacada, in badan oo ka mid ah ayaa diiday inay ka soo qayb galaan, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenkii hore Pence macsalaameyntiisii ugu dambeysay ee Trump sheegay inay ahayd Salaadadii maalin ka hor xaflada.

Trump iyo qaar badan oo ka mid ah saaxiibadiisa waxa la rumaysan yahay in ay ku adkaatay in ay dhegeystaan Joe Biden hadalkiisa iyo khudbadiisii caleemasaarka, iyadoo la hubay in aannay uga duwanayn karin mid qadhaadh, sababtoo ah khudbada waxa ka buuxay sida uu Trump mudadii uu xilka hayay u kala qaybiyay Maraykanka.

Sidoo kale, waxa Trump iyo saaxiibadiisa ka maqnaa xaflada ku adkaan lahayd tilmaanta khudbada Biden ee kala qaybsanaanta ah ee uu qaatay Trump intii uu madaxweynenimada ahaa markii uu hoos u dhigayay kuwa isaga ka soo horjeedda ee siyaasadeed iyo qof kasta oo ku dhiirraday inuu ku dhaleeceeyo Twitter-ka iyo inta uu ku guda jiray khudbadihiisii ololaha, oo lagu xardhay been iyo ku hanjabaad ah inuu karbaashi doono dadkiisa.

Waxa kale oo hubaal ah in Trump aannu marna jeclaysteen in uu arko dadka midabada kala duwan lahaa ee ka hadlay xaflada, sida gabadha yare e Afrikaan Ameerikanka ah ee gabayga cajiibka ah ka tirisay munaasibada.
Amanda Gorman oo ka hadlaysay xafladda, ayaa tirisay gabaygii ugu horreeyay ee abwaanad dhalinyaro ah, waxay tirisay gabay ka hadlaya kala-goynta qaybaha bulshada oo ay diyaarisay habeenkii ay taageerayaasha Trump weerareen Capitol, taas oo Trump ku ahayd dhirbaaxo haddii uu joogi lahaa, waana la hubaa inuu ka jawaabi lahaa.

AKHRI: Joe Biden Iyo Kamala Harris Oo Kula Wareegay Aqalka Cad Munaasibad Millateri Hareereeyay Iyo Trump Oo Ciil Kala Hagoogtay Guriga Cad

Markii uu ka soo baxayay aagga Washington, Trump waxa la arkayay isagoo aan gafuur-xidh sidan, wuxuu mar labaad adeegsaday ereyga cunsuriyadda ah ee caanka noqday, isagoo yidhi, “Cudurka Shiinaha” si uu u sharaxo coronavirus, isaga oo ku sifeynaya xaaladdi hore, wuxuuna ku tilmaamay shaqada maamulkiisa ee tallaalka mid horumar ah oo uu sameeyay.

Wuxuu u mahadceliyay shaqaalihiisa iyo qoyskiisa wuxuuna u rajeeyay maamulka soo socda “guul weyn” laakiin kumuu xusin badalkiisa magaca Joe Biden iyo Kamala Herris midna.

“Waan ku jecelnahay, tani waxay ahayd afar sano oo cajiib ah, “ayuu Trump ku yidhi hadallo aan la qorin oo ka dhacay Joint Base Andrews wax yar ka hor intii aanu u ambabixin Florida” Wax badan ayaan qabanay. ” ayuu yidhi, isagoo faanaya.

“Marwalba waan kuu dagaalami doonaa adiga. Waan daawan doonaa. Waan dhageysan doonaa.” Ayuu raaciyay.

Madaxweynaha cusub Biden waxaa ku adkaatay xaqiiqda ah in Trump aannu wali oggolaan doorashada oo uu carqaladeeyo kala-guurka maamullada. Laakiin Trump wuxuu ka tagay Aqalka Cad isagoo murugaysan oo ciil la haggoogan, isla markaan noqday qof ceeb iyo hoos u dhac ku yimid.

Biden iyo Harris ka hor intii aan la dhaarin waxay ka qayb galeen munaasabad ka dhacday Cathedral of St. Matthew the Apostle oo ku taal DC ka hor xafladaha furitaanka iyaga iyo Hoggamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnell, Hoggaamiyaha Aqlabiyada Aqalka Senate-ka Chuck Schumer, Afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi iyo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Aqalka Hoose Kevin McCarthy, taas oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid lagu soo bandhigay midnimada iyo ujeedka Biden ee ah inuu la shaqeeyo hoggaamiyeyaasha labada dhinac.

Dhinaca kale, Baraha Bulshada ayaa waxa si wayn loogaga hadlayay jiritaanka warqad la rumaysan yahay in uu Trump u qoray Biden, taas oo ay ku qornaayeen ereyo ka tarjumaya dhaqankii xumaa ee Trump, iyadoo nuxurka warqadu ahaa “Joe waad ogtahay in aan kaa guulaystay”

Walaw Jiritaanka warqadan uu saxaafada u xaqiijiyay Madaxwayne Joe Biden, wuxuu ka gaabsaday inuu sheego wixii ku qornaa.

“Waxay ahayd mid gaar ah, kama hadli doono arinta warqadaas iyo wixii ku qornaa ilaa aan la hadlayo Trump” waxase aan sheegi karaa in ay ahayd warqad wanaagsan ayuu ku yidhi Suxufiyiinta Madaxwayne Biden.

Balse kaaliye sare oo ka ag dhawaa Trump ayaa ku tilmaamay warqaddaas mid shaqsiyeed ama gaar ah waxnaa uu intan ku daray in qorshaha Trump ay ku jiratay inuu warqadaas qoro, balse aanu cidna la wadaagin waxa uu damacsanaa inuu ku qoro.

Maraykanka waa dhaqan in madaxweynayaasha xilka ka degaya ay warqad u qoraan kuwii iyaga ka dambeeya, warqadaas oo la dhigo miiska loo yaqaan Resolute Desk ee xafiiska madaxwaynaha. ee loo yaqaan Oval Office.

Balse waxa jira warar kale oo sheegaya in Trump isagoo ka cudur-daaranaya xafladda ku sababeeyay inuu oggaa in lasoo wada xidhanayo Gafuur-xidhka sidaa awgeed aannu isagu marnaba aqbalayn inuu xidhto, waana sababta uu markii uu kasii baxay aagga Washington, isagoo leh “Cudurka Shiinaha”.