Araweelo News Network.

 

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Dawladada Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed, ayaa kulan gaar ah oo albaabada loo xidhay ku yeeshay dalka Djibouti.

Labada hoggaamiye oo qayb ka ah madaxda ka qaybgashay shirka Urur goboleedka IGAD, ee ka furmay maanta dalka Djibouti, lama oga waxyaabaha ay kaga wada hadleen kulanka ka hor inta aan la gelin shirka oo ay hoggaamiyayaasha qaarkood yeesheen kulamo gaar ah.

Hase yeesee waxa la rumaysan yahay inay ka wada hadleen arrimaha siyaasadeed iyo duruufaha ku xeeran labada dal, iyadoo dawladda Ethiopia dagaal kula jirto jabhada TPLF, ee xoraynta dadka Tigray, isla markaana dagaalku ku yeeshay saamayn ciidamada dalka Ethiopia ka joogay Soomaaliya ee qaybta ka ah kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale, dalka Ethiopia, ayaa dagaalka gobolka Tigray ku keenay saamayn dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah, iyadoo durba ay madaxa isla galeen dalka Suudaan oo ciidamo soo dhoobay xadka maalintii u danbaysay sida ay baahisay warbaahinta dalka Suudaan, isla markaana dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ay la lahayd dunida, gaar ahaan dalalka Midawga Yurub iyo qaramada Midoobay oo ay isku maandhaafeen xaaladda gobolka Tigray.

Halka dawladda Federaalka ee Soomaaliya xidhiidhkooda dhanka dublaamsiyadu xumaaday dawladda Kenya oo ay safaaradaha kala qaateen, isla markaana ay Madaxweyne Farmaajo lasoo deristay siyaasad cakiran oo ka taagan gudaha iyo khilaaf u dhexeeya maamul goboleedyada qaarkood iyo mucaaradka isku bahaystay eek u sugan Muqdisho.

Dhinaca kale xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ka cadhootay booqashadii dhowaan uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tegey dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madax kale isla markaana ay labada dhinac war-murtiyeed kasoo wada saareen, kaas oo dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka cadhaysiiyay, iyadoo markaa kaddib sheegtay inay dawladda Kenya dacwad ka geynay shirka Urur goboleedka IGAD.

Lama ogga inay labada hoggaamiye ka wada hadleen arrimahaa iyo kuwo kale, balse waxa la eegayaa natiijada shirka iyo go’aanka kasoo baxa marka uu dhamaado.