Telesom Dahabshiil
Published On: Thu, Mar 18th, 2021

Somaliland: Maxay Ka Hadleen Gollaha Wasiiradu

Araweelo News Network.

 Warbiximo Kala Duwan oo Miiska Lasoo Dhigay

 

Hargeysa(ANN)-Gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabd, ayaa lagu soo bandhigay mawaadiic kala duwan.

Kulanka oo ahaa habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.

Sida lagu sheegay qotraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network. ayaa lagu sheegay in wasiirka horumarinta Caafimaadka, uu gollaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas  ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:-

 

Bilaha Sannadka Inta qof ee La Baadhay Inta qof ee laga helay Inta Dhimatay
Jeeniweri 4,339 59 2
Feebarweri 5,059 232 13
Maaraj 4,055 607 29
Sannadkan 2021 13,453 898 44

 

Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19.

 

 

Dhinaca kale,  wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto.

 

Wasiirku waxa uu  xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000  oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen  Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha.

 

Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay).

 

Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey.

 

Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah.

 

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp