Araweelo News Network.

Waalidiinta Oo Ka Garaabay Wixii Khasaare Loo Geystay Dugsiga

 

Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Maamulka Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Nuuradiin, ayaa maanta kulan xog-warran iyo is-xaalwaraysi ah la yeeshay Waalidiinta Ardayda wax ka barata Dugsigaa.

Kulanka oo ahaa mid aad loo soo agaasimay, ayaa ka qabsoomay Xarunta Dugsiga sare ee Nuuradii Hargeysa, wuxuuna daba socday kadib markii ay Ardayda Wiilasha ee wax ka barta qaarkood ay sameeyeen rabshado sababay khasaare soo gaadhay dugiga.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Schools, Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga, Waalidiin tiro badan, madax-dhaqameed, Culimo iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa ka qaybgalay kulankaa.

Masuuliyiinta  Dugsiyadda Nuuradiin, Maamulka iyo macalimiinta,, ayaa waalidiintiinta uga warramay dhacdo Dugsiga sare ee Wiilashada ka dhacday dhawaan kaddib markii qaar ka mid ah ardaydu dugsiga dhexdiisa ka sameeyen rabshado khasaare baaxad leh loogu geystay Agabka iyo Dhismaha Dugsiga, kuwaas oo si weyn u dhaawacay quluubta  Bulshada.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin faraca Wiilashada Ismaaciil Maxamuud Cakuush iyo qaar ka mid ah Macalimiinta  Dugsiga oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey geeddi-socodkii waxbarasho ee dugsigu soo maray iyo qaabkii ay ku timi dhacdadaas oo ay sheegeen inay ku koobnayd arday tiro yar oo dugsiga ka tirsan.

Dhinaca kale, qaar ka mdi ah Waalidiinta carruurtoodu wax ka barato Dugsiga  sare ee Nuuradiin oo oo ka mid dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwa ugu caansa, ayaa  munaasibadda ka sheegay inay waalid ahaan ka xun yihiin falkii waxyeellada loogu geystay Dugsiga.

Waalidiinta ka hadlay madasha kulanka, ayaa  ku dheeraaday muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay da’yarta iyo Qiimaha ay leedahay inay Ardaydu ilaashadaan Hantida goobahooda waxbarasho iyo macalimiintoodaba.