Araweelo News Network

xafladHargeysa (ANN) Shaqaale dawladeed oo tiradoodu dhan tahay 214 qof, ayaa loo sameeyey xaflad ballaadhan, kadib markii ay dhammaysteen waxbarasho uga socotay Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee CSI-da (Civil Service Institute) ee ku yaal caasimadda Hargeysa.
Xaflad loo sameeyey ardayda qallin-jabiyey oo lagu qabtay hoolka Green Plaza ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, taliyeyaasha ciidammada, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mac-hadka Tababarka iyo marti-sharaf kale oo badan.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare) oo xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa caddeeyey inay ku talo jiraan sidii loo joojin lahaa shaqaalaha dibadaha laga keeno ee qabta shaqooyin ay qaban karaan dadka muwaadiniinta ah.
“Waxa aannu ku talo jirnaa in aannu joojinno shaqaalaha dibadda laga keenayo ee shaqada loo dirayo uu qaban karayo qof muwaaddin reer Somaliland ah. Waxa keliya oo aan oggolaanaynaa qofka shaqadiisa looga maarmiyo waayo ee ay baahidaasi halkan taal.
Hay’adaha caalamiga ah oo shaqaale ka soo qaata dibadda Somaliland iyo ganacsatadaba dhammaantood waxa aan u sheegaynaa, kulana dardaarmaynaa in ay joojiyaan shaqo nin muwaaddin ah qaban karo inay qof kale dibadda uga keenaan,” ayuu yidhi Wasiir Cumar-yare.
“Madaxweyne, aniga, dhawr wasiir oo kale iyo Mac-hadka Hay’adda Shaqaaluhu waxa aannu ku dedaalaynaa in aannu ka saarno gacan-qabashada iyo nin-jeclaysiga dadka lagu shaqaalaysiin jiray, waxaanan doonaynaa in nin walba waxa uu bartay ku shaqo tago, si caddaalad ahna imtixaan looga qaado, qofkuna ku kalsoonaado gacantiisa.”
Waxa kale oo uu tilmaamay in agaasimayaasha guud yihiin halbawlaha shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Somaliland, isagoo sheegay inay bilaabi doonaan tababaro la siiyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaha si ay aqoontoodu u noqoto mid waxtar u yeelata qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adaha Shaqaalaha Dawladda Mr. Sharmake Axmed Muxumed Geelle oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dardaaran u jeediyey shaqaalaha dawladda, waxaannu yidhi; “Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aqoonta iyo cilmiga la idin baray aad ku anfacdaan cududa qarankiina, waxaanad u adeegsaysaan ummad ay dunidu daaqadaha ka dallacatay oo aan deeq iyo dayn midna ka helin, laakiin isku halaynaya qudha qarankiisa. Waxa aan idinku dardaarayaa qof kasta oo muwaadin ah oo hortiina yimaad in aydaan hayb, xisbi-sooc iyo wax kale ugu adeegin, balse ugu adeegtaan baadi sooca ugu sareeya oo ah inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah.”
Waxa uu intaas ku daray, “Golaha Wasiirrada iyo cid walba waxa aan ku dardaarayaa in aan cilmiga shaqaalaha la baray waxba qaban doonin haddii aan kal iyo laab furan lagu soo dhawayn, cilmiguna waxba ma taro haddii aan caqliga lagu darin.
Mudane Madaxweyne, xilka caddaaladda qaranka waad ii dhiibtay, annaguna xukunkeeda ayaannu qaadaynaa, waxaanan halkan digniin uga diraynaa cid kasta oo noo soo qori doonta shaqaale aan aan lagu soo xulan qallinka iyo caddaaladda qaranka Somaliland.”
Agaasimaha Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Mr. Guuleed Cumar Siciid, ayaa sheegay in aqoonta iyo tababarka la siiyo shaqaaluhu ay xoojin doonaan awoodda iyo qaabka shaqo ee hay’adaha dawladda Somaliland, isla markaana fulin doonaan adeegyo dheeraad ah.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Mac-hadka la aasaasay sannadkii 2005-kii, kaasoo ku bilaabmay mashruuc ay wadajir u hirgeliyeen dawladda Somaliland iyo UNDP, “Markii ay xukunka la wareegtay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo sannadkii 2010, waxa dawladdu ay miisaaniyadda mac-hadka bixin jirtay 19%, maantana waxa sharaf noo ah in aannu halkan ka iclaaminno in sannadkii 2014 ay xukuumaddu la wareegtay dhammaan miisaaniyadda Mac-hadka tababarka shaqaalaha.”
Mr. Guuleed waxa uu sheegay in muddada mac-hadku jiray tababaro kala duwan la siiyey shaqaale dawladeed oo tiradoodu dhan tahay 3,478 (saddex kun, afar boqol, toddobaatan iyo sideed) shaqaale ah, halka shaqaalaha kale ee hadhayna ay si dhakhso ah u tababari doonaan.
Agaasimaha Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda, ayaa sidoo kale ballanqaaday inay sare u qaadi doonaan, isla markaana la casriyeyn doono qaabka shaqo ee Mac-hadkooda, kuna dedaali doonaan sidii tababarka loo gaadhsiin lahaa xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda oo ay muhiim tahay in la kobciyo aqoontooda dhinaca maamulka.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad u jeediyey ardayda ka qallin-jabiyey mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda, ayaa ammaan u jeediyey masuuliyiinta Mac-hadkaas.
“Farxad weyn ayey ii tahay inaan ka qaybgalo munaasibaddan lagu maamuusay mas’uuliyiinta ka tirsan shaqaalaha dawladda ee ka qalin-jebinaya Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda. Ugu horreyn, waxaan u hambalyeynayaa masuuliyiintan qallin-jebisay iyo macallimiintii tacabka badan galisay.
Sidoo kale, waxaan u hambalyeynayaa waalidiinta, madaxda wasaaradaha ay ka tirsany ihiin iyo maamulka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda. Inkasta oo aad gaadheen guul weyn oo noloshiina iyo ta qarankaba saamayn weyn ku leh, waxaan idin leeyahay waxbarashadu ma dhammaato, lagamana gaboobo ee halkaa ka sii wada aqoon-korodhsiga iyo dedaalka waxbarashada.
Waxa kale oo la idiinka baahan-yahay in aad uga faa’iidaysaan aqoontan aad barateen, adeeggii aad ummaddiina u hayseen,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.