Araweelo News Network

boosahaHargeysa (ANN) Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland – Md. Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige iyo Faysal Cali Sheekh Maxamed -ayaa si wadajir ah casuumad ugu sameeyey ciyaartoyga gobollada Awdal iyo Awdal uga qaybgalaya tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socda caasimadda Hargeysa.
Casuumad qado ah si weyn loo soo agaasimay oo ciyaaryahannada xulalka Awdal iyo Gabiley loogu sameeyey hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa shalay, waxa masuuliyiinta Wasaaradda Boosaha kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenkii 2aad ee Somaliland mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, wasiirrada Wershadaha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, badhasaabada labada gobol, Maayarka Gabiley, – Shucayb Maxamed Muuse iyo Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Xamse Maxamed Cabdi, Maxamed-amiin Cumar Cabdi, xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiillada, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ciyaaraha iyo marti-sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh oo ugu horreyn horreyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan martiqaadkan wadajir ugu fidiyeen ciyaartoyga gobollada Awdal iyo Gabiley oo isaga iyo wasiirkiisu ka soo kala jeedaan, isagoo xusay in ujeeddada ugu weyn ee ay leeyihiinna tahay dhiirrigelinta ciyaaraha, horumarinta iyo is-dhexgalka dhallinyarada oo ah xoogga iyo mustaqbalka ugu weyn ee qaranka Somaliland leeyahay.
Mr. Faysal waxa uu ammaan u jeediyey xulalka Awdal iyo Gabiley oo guulo waaweyn ka gaadhay tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socda caasimadda Hargeysa, waxaannu u rajeeyey guul taariikhi ah oo labada gobol ee galbeedka Somaliland ku hantaan koobabka ugu muhiimsan ee kubbadda cagta iyo koleyga oo ay ku loollamayaan kooxo ka kala socda 8 gobol.
Madaxweyne-ku-xigeenkii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey ciyaaryahannada labada gobol ee Awdal iyo Gabiley oo uu carrabka ku adkeeyey inay ku dhaqan yihiin bulsho dhal iyo dhasheed ah oo aan sinaba u kala maarmi karin oo cid walba iyagu iska xiga.
“Sidaa daraadeed, waxaan idinku dardaarayaa inaad dhammaystirtaan hawl aannu intayada waaweyn qaybo kaga tagnay oo ah is-dhexgalka bulshada iyo fahamka in horumarka ummad kastaa ku jiro wadajirka iyo iskaashiga dadka isku degaanka ah, waayo waa bulsho Ilaahay meel ku wada beeray oo dhib iyo dheefba wadaagaya,” ayuu yidhi muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay wasiirrada Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wershadaha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maayarka Gabiley, badhasaabada labada gobol iyo xildhibaan Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, kuwaas oo dhammaantood hambalyeeyey, guulna u rajeeyey xulalka Awdal iyo Gabiley uga qaybgalaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo haatan maraya meel aad u xiiso iyo xammaasad badan.
Dhinaca kale, masuuliyiinta reer Gabiley iyo Awdal oo munaasibaddaas isku weydaarsaday hadallo kaftan ah oo la xidhiidha cidda ku guulaysan doonta tartanka gobollada, ayaa qolo waliba gobolkooda u rajeeyey hanashada koobka kubbadda cagta ee ciyaaraha gobollada Somaliland oo hadda xulka Awdal u baxay wareegga afar-dhammaadka (simi-finelka), halka kooxda Gabiley oo ciyaaray laba kulan leeyihiin 4 dhibcood, iyagoo kulankooda saddexaad oo guul loo saadaalinayo la yeelan doona xulka Gobolka Sool maalinta Isniinta ee berri haddii Ilaahay yidhaa.
Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa martiqaad casho ah ku maamuusay qasriga Madaxtooyada xalay dhammaan ciyaaryahannada siddeeda gobol ee ka qaybgalaya tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si habsi ah uga socda garoomada Hargeisa Stadium iyo Tima-cadde ee caasimadda Hargeysa.