Araweelo News Network

ahmedyusufHargeysa (ANN) Madaxweyne-ku-xigeenkii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ku taliyey in la koobo tirada xisbiyada siyaasadda dalka mustaqbalka dambe.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in tirada go’an ee saddexda xisbi siyaasadeed sababtay inay kobocdo qabyaaladdu, waxaannu soo jeediyey in laga dhigo laba xisbi oo keliya si ay u yaraato qabyaaladdu.
“Waddanka mar walba saddex xisbi baa ku tartama, waxaannad moodaa in xisbiyadii loo qaybinayo qabaa’il, taasi inna dhaqimayso, ninka ha lagu doorto kartidiisa, daacadnimadiisa, muwaadinimadiisa iyo in la aamino ee yaan lagu dooranin qabiil iyo ka soo kacaay, taasi waddankeenna way dilaysaa oo way kharribaysaa, waynu ka soo gudubnay oo waynu ka xorrownay, halkaa waxaynu ku soo gaadhnay innaga oo wada soconaa oo wadashaqaynayna, xisbiyadana waxaynu u samaysanay in reeraha iyo qabaa’ilka lagaga xoroobo.
Berigii la samaynayey xisbiyada waxa jiray saddex soo jeedimood in la gadhigo 2, 3 iyo 5 xisbi, anigu waxaan ka mid ahaa raggii lahaa ha laga dhigo laba keliya, haddana waxaan ku talin lahaa mustaqbalka dambe ha laga dhigo laba xisbi si aynu uga baxno qabyaaladda sidaa Maraykanka labada labada xisbi ugu tartamayaan in Insha Allaahu mustaqbalka aynu ka dhiganno si aynaan qabaa’il u noqon oo saddexdan habrood ee inna waalay aanay innoo kharribin,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo la hadlay warbaahinta shalay.
Waxa kaloo uu ka hadlay warar baraha internetka lagu dhex hadal yahay maalmahan oo sheegayey inuu dhexdhexaadin ka galay sidii uu Jamaal Cali Xuseen ugu tanaasuli lahaa Muuse Biixi oo uu uga hadhi lahaa murrashaxnimadiisa, iyadoo la soo qaadanayey sawir saddexdoodu ku wadajiraan.
Mar arrintaasi wax laga waydiiyey waxa uu ku jawaabay, “Hort waan jecelahay dadka wixii is colaadinayaa inay heshiiyaan oo ay tartan xor ah galaan iyagoo isku qalbi fayow, laakiin sawirkaa la sheegayaa waa sawir nagala qaaday markii la furayey dugsiyadii ay dhistay guddiga DAN iyo DUCO ee deegaanka Dabaylwayne oo ay hareeraha iga fadhiyeen Jamaal iyo Muuse, markaa Madaxweynaha oo ku sii xigay Muuse uun baa meesha laga jaray oo saddexyada ayuun baa lagu soo reebay, halkaasina waxay ahayd xaflad wayn bay ahayd. Hase ahaatee, dadku inay ku heshiiyaan tartan xor ah anigu taa waan soo dhawaynayaan oo leh saddexda xisbi ee tartamaya ma jirto colaadi, shacabka waxaan u sheegayaa ragga tartamayaa kuraasta ayey ku fuulayaan tartanka ee colaad yaanay dadka dhex dhigin, waxaannan shacabka leeyahay qofkii ay ula muuqato inuu hoggaamin karo waddanka ha loo dhiibo, laakiin in qabiil lagu galgasho ha la joojiyo. Ta labaad waxaan ku arkaa shabakadaha (websites) cay fara badan oo ummadda kala dilaysa oo naxli iyo qabyaalad ku dhisan, waar waddankani wuu ka koray in la isku dilo ee ka daaya waxan la qorayo ayaan leeyahay ragga qurbaha jooga ee lacagta caydha ah qaadanaya, ummaddani waa walaalo ka soo daalay dagaal sokeeye oo boqol jeer bay qaxeen ee ka daaya cadaawadda aad dhex dhigaysaan.”
Madaxweyne-ku-xigeenka hore waxa uu xusay inuu dhex u yahay qaranka iyo xisbiyada siyaasaddaba, isla markaana aan isaga loo tiring karin reernimo, “Midda kale dadka leh Axmed Yuusuf beel buu raacay anigu haddaan cid raacayo UDUB may burburteen ee anigaa fuuli lahaa, markaa waxaan doonayey in jiil cusub hoggaamiyaan oo aan uga dagay, hore waan u sheegaye annagu waxaannu nahay mus-dambeedka Qaranka oo saddexda xisbi dhex baanu u nahay, xukuumaddii timaada haddii uu Muuse helo, ama Cirro helo iyo haddii uu Jamaal helaba annagu haddii aannu nahay raggii hore u soo hoggaamiyey qaranka waanu la shaqaynaynaa, waana waajib na saaran in xukuumaddii timaadaba aannu la shaqayno waayo ma rabno wixii aannu soo qabanay inay baaba’aan,” ayuu intaa raaciyey.