Araweelo News Network

casumadaHargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa uga digay shaqaalaha dawladda inay ku dhex milmaan loollanka siyaasadda iyo tartanka xisbiyada qaranka.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday ka qallin-jabiyey Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda shalay, waxa kaloo uu amray in tallaabo sharci ah laga qaado shaqaalaha ku dhex milma siyaasadda, kuna xadgudba anshaxa iyo xeerka shaqaalaha.
“Waxaan ugu baaqayaa shaqaalaha dawladda in xilka ay qaranka u hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh. Waxaan uga digayaa in ay ku milmaan loolanka siyaasadda iyo tartanka Xisbiyada Qaranka. Waxaan uga digayaa qabyaaladda iyo inay ku kacaan falal qarankan dumin kara. Waxaan farayaa masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah, gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Qaranka in ay il dheer ku eegaan arrimahaas, isla markaana tallaabo ku habboon ka qaadaan cid kasta oo ku kacda ama ku caddaato falal ka dhan ah anshaxa iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kale oo uu ka hadlay dedaalka xukuumadda KULMIYE gelisay horumarka iyo tayeynta shaqaalaha dawladda Somaliland, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE markii uu xilka dalka la wareegay tirada shaqaalaha qaranku waxay dhammayd 6,959 qof, kuwaas oo la shaqo galiyey muddo 19 sanno ah. Xukuumaddaydu waxay shaqaalaysiisay muddadii 6-da sanno iyo saddexda bilood ahayd ee ay talada dalka haysay 9,346 shaqaale. Waxaannu xoog saarnay in aannu shaqo abuurno, isla markaana shaqaalaha qaranka ku soo kordhinno da’yar firfircoon oo aqoon leh.
Dhinaca kale, waxaannu xoogga saarnay in la tayeeyo, waxna la baro shaqaalaha dawladda, si loo helo shaqo fiican oo hufan. Muddadaas waxa wax la baray oo mac-hadkan ka qallin-jabiyey shaqaale dhan 3,487 qof oo isugu jira tababarro gaagaaban (Short Courses), Diploma, Degree iyo Master.
Waxaannu xoog saarnay dhismaha iyo tayeynta Mac-hadka Shaqaalaha oo ah manbaca iyo madasha lagu beero shaqaale tayo leh. Kharashka ku baxa Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda waxa dabooli jiray intiisa badan hay’adda UNDP, waanan uga mahadnaqaynaa, xukuumaddii naga horreysayna waxay bixin jirtay 19%. Xukuumadda KULMIYE iyada oo tixgelinaysa ahmiyadda waxbarashada iyo muhiimada mac-hadkani ku fadhiyo, waxaannu la wareegnay, isla markaana daboolnay dhammaan kharashyadii uu u baahnaa 100%.
Sidaa darteed, sharaf weyn bay inoo tahay in uu maanta Mac-hadka Shaqaalaha Dawladdu yahay mid qaran oo dawladdu iskeed u maamusho. Waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa isbeddelka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Waxa tusaale fiican oo lagu dayan karo ah dhallinyarada aan xilalka sare u magacaabay is-beddelka laxaadka leh ee ay keeneen.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo kulan qaabilaad ah u sameeyey ciyaartoyga ka qaybgelaya tartanka ciyaaraha Gobollada xalay, ayaa khudbad uu u jeediyey ku sheegay in ciyaaruhu faa’iidooyin kala duwan u leeyihiin bulshada.

ciyaartoyda
“Waxaan hambalyeynayaa Xulka Ciyaartoyga Kubbadda Cagta iyo Kubbadda Kolayga ee Gobolka Awdal, Gobolka Gabiley, Gobolka Hawd, Gobolka Saaxil, Gobolka Daad-madheedh, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag iyo Xulka Ciyaartoyga Gobolka Xaysimo. Gobolladaas oo ah kuwii u soo gudbay wareegii labaad ee Tartanka Ciyaaraha. Waxaa kaloo aan hambalyeynayaa xulalka Ciyaartoyga Kubbadda Kolayga ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo iyaguna u soo gudbay wareega labaad. Dhinaca kale, waxaan hambalyeynayaa Ciyaaryahannada Gobollada ku hadhay wareegii koowaad ee tartankii Ciyaaraha Gobollada ee ka dhacay Magaalooyinka Boorama, iyo Burco,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaannu intaas raaciyey; “Ujeeddada Ciyaaraha loo qaban-qaabinayaa maaha oo keliya maaweelo iyo madadaalo, balse nuxurkeedu waa mid ka gun-dheer. Tartannada kala duwan ee ciyaaraha siyaasadda aynu ka leenahay waxa bud-dhig u ah in ay is-dhex-galaan, isla markaana is-bartaan dhallinyarada ciyaartoyga ahi. Waxa kaloo aynu kula dagaalamaynaa inay dhallinyarada ka mashquuliso balwadda, tahriibka, rabshadaha, ku-biirista kooxaha xag-jirka ah iyo qabyaaladda. Waxaynu leenahay jidhka caafimaadka qaba, ayuu caqliga caafimaadka qabaa ku jiraa. Sidaa darteed waa in aynu xoojinaa tartannada ciyaaraha.
Waxaan idin leeyahay ceeb ma’aha in lagaa badiyo, balse waxa ceeb ah in aad cadhooto haddii lagaa badiyo. Sideedaba ciyaaraha ama loolanka siyaasadda maalin adigaa badiya, maalinna waa lagaa badinayaa. Haddaba, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad u tartantaan si nadiif ah oo xushmad iyo xaq-dhawr ku jiro. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan xidhiidhka, is-dhexgalka iyo is-barashada dhexdiina.
Waxaan idinku adkaynayaa in aad ka feejignaataan cudurrada cadowga u ah ciyaartoyga, ee ay ka midka yihiin qaadka, qabyaaladda iyo qulubka keena dal nacaybka iyo tahriibta. Waxa inoo ballan ah in aynu xoojino midnimada, Nabadda iyo wada-jirka ummaddeena, si aynu u hiigsanno horumar iyo himilo wanaagsan,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha ka taagan degaannada kala duwan ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa maanta dalkeena ka jira qaybo ka mid ah abaaro xun oo waxyeelo weyn u gaystay duunyadii la dhaqanayey, dadkiina loo baqayo. Toddobaadkii la soo dhaafay, waxa guddidii aan u xilsaaray gurmadka abaaraha qaranka iyo Wasaaradihii ku shaqada lahaa ay mashquul ku ahaayeen:
1. Gaadhsiinta gurmad degdeg ah, gaar ahaan goobihii qaylo-dhaanta xooga lihi ka timmi (Raashin iyo Biyo).
2. Diyaarinta xogo rasmi ah oo ka turjumaysa xaqiiqada xaalada abaarta jirta.
3. Diyaarinta qorsheyaal ballaadhan oo loogu gurmanayo dadka abaaruhu tabaaleeyeen.
Maalmaha soo socda Ilaahay idamkii, waxa la soo bandhigi doonaa warbixinahaas. Sidoo kale, waxa si mug leh, loo samayn doonaa gurmad balaadhan oo ku wajahan abaaraha.
Anniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland in ay si isku-tashi iyo naf-hurisnimo leh uga qaybqaataan, kaalmada iyo gurmadka loo samayn doono walaalahooda abaaruhu waxyeeleeyeen. Waxaan leeyahay dadkayga “Marka aynu isu naxariisanno, ayuu Ilaaheen inoo naxariisanayaa”. Nabigeenii Suubanaa, Nabad iyo Naxariis Eebe Korkiisa ha Ahaatee, waxa uu yidhi: “Kuwa naxariista, waxa u naxariista, Allaha naxariista badan.” Sidaas darteed, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha gudo iyo dibed, qurba-joog iyo qolqol-joog, intuba, in aan loo kala hadhin gurmadka abaaraha.
Waxaan idin leeyahay dadkaygiiyow, waxaynu nahay hal dal, hal dad, iyo hal dareen. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo dambi-dhaaf, abaarta soo noqnoqonaysana Alle inaga dul-qaado, waxa inagu waajib ah inaynu dhammaanteen isu-uursamaano, isna saamaxno. Waxa kaloo inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqono, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhexmartay. Waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirka dhexdeena, isla markaana aynu taladeena iyo towfiiqdeenna ummadnimo toosino,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.